Monday, September 7, 2009

Cabdiraxmaan Tuur Vs Daahir Rayaale

Mustafe Aburas (Kordhisocodka)

Ma La yaabtay cinwaanka!! Milicsiga Taarikhda Mahadhadeeda, Bal muuqaalka, dib u raac Humaaga, Maalmihii adkaa ee Cabdirahmaan, Maalmihii dagaalka sokeeye ee Egal, Maalintii Dastuurka iyo Maalmihii ka dambeeyee Macaanaa. Madowga Taariikhda Somalland ee bilowday geeridii Cigaal Ka dib iyo marxaladan hada ee aan hore loo arag, intaba waaa Taariikh.
Dib aan oogu noqdo ujeedadaydee, Mujaahid Cabdiraxmaan Ahmed Cali, oo ahaa Madaxwaynihii ugu horeeyey ee Somaliland Wuxuu mudan yahay bilad dahaba. Markii Cabdirahmaan ay ku adkaatay wadida dawladii ugu horaysay oo aan haysan dhaqaale, ciidan, booliis, iyo hay'ado dawli ah sida ta hada jirta, wuxuu si dhib yar xilka oogu wareejiyay golaha guurtida. Cabdiraxmaan wuxuu ka mid noqday markaa dadka shicibka ahaa ee u tartarmayay Jagada madaxwaynanimada.
Hadaba Rayaale ma leeyahay, geesinamadii iyo kalsoonidii C/rahman Tuur. Ma ka degi karaa kursiga oo la tartami karaa Siilaanyo iyo Faysal Waliba isagoo ka jeeb badan, Ma haystaa kalsooni, iyo Raganimo? Ma aaminsan yahay in shicibkuu hormuudka u ahaa Todaba Sano ay u hayaan wax rajo ah. Jawaabaha suaalahaas oo dhan ayaa waxay noqonayaa waa MAYA. Ina Rayaale iyo Udub wax maanta lagu doorto oo lagu aamino, oo loogu riyaaqo, oo loogu doodo, oo lagu taageero, oo lagu ciseeyo Ma garanayo.
Waa haan gun la', Waa Maskax gaagaxday, iyo qalbi qalalay. Aqligoodii iyo Maskaxdoodi iyo lacagtii wadankaba intay isku geeyeen Udub Hal iskuul way ku dhisi kariwaayeen. Waxay Magacawydeen gobolo iyagooon u diyaarin wax ama u dhisin mashruuc horumarineed u hasla gobolnimada (government system).
Ugu Danbayn, mudo kordhin danbe ma hadhin, dheeraysi danbe ma hadhin, doorasho ma hadhin, oo Gudi isku sheega doorashooyinka ee laha waxaanu dib u dhignay doorashadii ayaaba ahayd wax lagu qoslo. Madaxwayne Inuu sidii cabdiraxmaan Tuur geesinimo yeesho ayaa haaboonayd oo uu is casilo, dabadeedna doorashada u diyaar garoobo!!! UURAYSATAYE BAL AYNU EEGNO!!

Qalinkii Mustafe Shaqale Kordhisocodka
Minneapolis Minnesota
http://kordhisocodka.blogspot.com
mustafejama@yahoo.com

Sunday, September 6, 2009

KULMIYE oo xalka khilaafaadka dalka ku tilmaamay Rayaale oo xilka ka dega

KULMIYE oo xalka khilaafaadka dalka ku tilmaamay Rayaale oo xilka ka dega

September 6th, 2009 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga KULMIYE ayaa ka hadlay laba Mooshin oo isku lid ah oo ku hirdamaya Golaha Wakiilada, kuwaas oo mid ka mid ahi ku saabsan yahay maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne, halka ka kalena uu ku saabsan yahay wax-ka-bedel lagu sameeyo Xeer-hoosaadka Golahaas.

Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa soo dhaweeyay Maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne ah oo Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiiladu horgeeyeen fadhigii shalay ee Golahaas. Waxaanu xil-ka-xayuubin lagu qaado Madaxweyne Rayaale ku tilmaamay mid keenaysa in dalka Doorasho ka dhacdo. “Waddan Dimuqraadi ah ayaynu nahay, Waddankana Xeerar baa u yaala, maamuus ka xayuubintuna waa mid meesha taalla. Lix sano iyo badh buu Madaxweyne Rayaale xilka hayay, wuxuu ku jebiyay xeerar badan. Golaha Wakiiladu xaq bay u leeyihiin inay maamuus ka xayuubin sameeyaan sababaynteedana iyagaa (Xildhibaanadu) keeni doona.” Ayuu yidhi Mr. Saylici oo shalay qaar ka mid ah Warbaahinta ugu waramay Xarunta Golaha Wakiilada hortiisa. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Maanta dhibta kaliya ee jirta ee wax waliba ka dhaqaaqi la’yihiin waa Madaxweynaha, waa ninkii qaban lahaa ee fulin lahaa doorashada, Madaxweynuhu waxa loo kordhiyay sanad iyo badh dheeraad ah oo qayrul sharci ah si uu u qabto doorasho tiina may dhicin, haddii Madaxweynaha xilka laga xayuubiyo waxa bislaanaya oo imanaya xalka Somaliland doorashada Madaxtooyaduna way qabsoomaysaa.”

Waxa kale oo uu Mr. Saylici ka hadlay Mooshin kale oo isla shalay la horgeeyay Golaha Wakiilada, kaas oo ku saabsan in wax-ka-bedel lagu sameeyo Xeer-hoosaadka Golahaas. “Mooshinka kale ee ay wataan Mudaneyaasha Xisbul-xaakimku ee ay leeyihiin wax ha laga bedelo xeer hoosaadkooda, dee xoog xoog ma yaalee, waa inay sharci iyo qaanuun ay ku helaa. Haddii ay cod ku helaan waa sax, laakiin waxa meesha ka reebban in Qori iyo handadaad wax lagu doono.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Sidoo kale, Saylici wuxuu bogaadin u jeediyay Dadweyne shalay isugu soo baxay Xarunta Golaha Wakiilada hortiisa, waxaanu ku tilmaamay inay dareenkooda muujiyeen.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Saturday, August 29, 2009

Axsaabta Mucaaradka ah oo ka hadlay Falkii Xukuumaddu ku khalkhal-gelisay Golaha Wakiilada

August 29th, 2009 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Axsaabta Mucaaradka ah ayaa ka hadlay Falal ka dhacay Xarunta Golaha Wakiilada oo ay Xukuumaddu Ciidamo Boolis ah ku geysay, isla markaana keenay in Goluhu khalkhal galo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi, “Dalkani wuxuu u baahan yahay Nabad, nabad baynu ku fadhinaa, wixii muran taaganna waa in distoorka iyo sharciga dhexdiisa lagu murmaa, laakiin wixii dalka rabshad iyo khalkhal gelinaya waa in la iska wada ilaaliyaaa, baarlamaanku sharci iyo xeerhoosaad buu leeyahay, xeer hoosaadka qofka lagu qaadaana dee waa inuu ogolaadaa, haddii aan amarka iyo sharcigu socon waxay noqonaysaa sida loo kala awood weyn yahay, markaa dalkuna xoog uma baahna ee wuxuu u baahan yahay in Sharciga la ilaaliyo”

Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay in Golaha Wakiilada ay ka taliyaan axsaabta mucaaridka ah oo u badan aqlabiyada golaha waxaanu yidhi “Xildhibaannadani waa xildhibaannadayadii, golahanna waxaanu ku leenahay 49 Xildhibaan, sida uu [madaxweynuhu] madaxtooyada uga warhayo annaguna [xisbiyada mucaaradka ah] halkan waxa ka socda ayaannu la soconnaa, annagaa aqlabiyadda leh, keeni karnana maamuus ka xayuubin, 49-ka xildhibaan xaq bay u leeyihiin ka footeeyaan waxa dalka ka socda inay nala tashadaanna xaq bay u leeyihiin, Xildhibaanka ka tirsan golahani wuxuu u fadhiyaa inuu fuliyo siyaasadda xisbiga, Ha moodina waxaad ku sheekaysaan ee aad tidhaahdaan waa dhexdhexaad shirguddoonku, maaha, hadduu shirguddoonku dhexdhexaad noqonayo maxaa loogu tartamayaa oo axsaabtu ugu tartamaysaa, waxay ugu tartamaan inuu u shaqeeyo xisbiga uu u shaqeeyo, annaguu siyaasaddayada ku shaqeeyaa.”

Guddoomiyaha oo la weydiiyay sida uu u arko ciidanka booliska ah ee la keenay Golaha wuxuu yidhi”Hawsha waa la kala leeyahay, shirguddoonku xaq wuxuu u leeyahay inuu u yeedho booliska hadduu u baahdo, wuxuu u baahdo oo uu yidhaa qabta inay qabtaan weeyeen wax ka dheeraada in dusha lagaga keeno maaha, Madaxtooyada Madaxweynahaa leh, Golahana Guddoomiyahaa ka madaxa, qof kastaba intii xeerka sharcigu ka siiyey inuu ilaashado weeye”

Gudoomiyaha ayaa sheegay inaan maanta la soo hordhigayn wax mooshin ah oo maamuus ka xayuubin ah, balse ay laga doodi lahaa ajandihii kal-fadhigan aan caadiga ahayn, waxaanu yidhi”Waxani dadkaa la isku bajinayaa, wax weli jira maaha, ajandihii lama samaynin maanta ayaana laga doodi lahaa, dadka warka xun wada ayaa horta waxan samaynaya, qoladan dawladduna waxbay ka fulaysan tahay marka la yidhaahdo waxyar baa baxay ayay ciidamo soo diraysaa, markaa qoloba ciidamo ayay leedahay, annaguna waxaanu leenahay ciidamadii maalintii Khamiistii [shacbiga], markaa waxaan leenahay labada ciidan ha la kala ilaaliyo, dadkana yaan been la isugu khuukhinin, mooshin maamuus ka xayuubin ahina ma jiro, dawladdana aniga [Faysal ahaan] ayaa xalay iyo saaka u sheegay”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Golahaasi waa rejadii u dambaysay ee umaddu lahayd in la helo xal, isfaham iyo itijaah oo waxay ahayd in la helo Dimoqraadiyaddii umaddu u ordaysay, maantana badheedhkaas baa ka dhacay.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Xisbi ahaan waxaanu si adag u cambaaraynaynaa falkaa foosha-xun ee maamulka maanta jiraa uu cadaystay ee uu kula kacay Golaha Wakiillada, golaha Sharci-dejinta – golihii ugu sareeyay ee umaddaasi si toos ah u soo dooratay, halkaasna lagu laalaabay albaabkii Dimoqraadiyadda iyo geedi-socodkeeda. Arrintaasi waxay u horseedi kartaa umadda burbur, dhibaato iyo iska-horkeen, waxaana masuuliyadeeda iyo xilkeeda si buuxda u qaba Maamulka maanta jira ee uu madaxda ka yahay Daahir Rayaale Kaahin”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

KULMIYE IYO UCID OO MAR KALE MAANTA WASIIRUL DAWLAHA ITOOBIYA QORAAL UGU CADAYNAYA INAANAY AQBALAYN

KULMIYE IYO UCID OO MAR KALE MAANTA WASIIRUL DAWLAHA ITOOBIYA QORAAL UGU CADAYNAYA INAANAY AQBALAYN


Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa maanta jawaab midaysan u gudbinaya wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tekedu Alemu, oo ku dhex jira xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee Somaliland.




Ma jiro war rasmi ah oo ay xisbiyada mucaaradku soo saareen, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in xisbiyadu qoraal jawaab celin ah maanta Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Itoobiya ugu dhiibayaan wakiilka Itoobiya ee Somaliland Ambassador Webished Dimmise oo isagu ku sugan Hargeysa. Warku waxa uu sheegay in qoraalkan oo jawaab u ah soo jeedimo dhawr qodob ka koobnaa oo uu Wasiirul dawluhu xisbiyada u soo bandhigay, ay mucaaradku ku cadeeyeen inaanay marnaba ka tanaasulayn qodobkoodii ahaa in Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisu xilka hoggaanka qaranka sii hayaan, marka la gaadho 27 September, oo uu xilku kaga eegyahay. Warku waxa uu sheegay in xisbiyadu qoraalkooda ku cadeeyeen inaanay marnaba ka tanaasulayn qodobkaas, waxaanay ku taliyeen in marka wakhtigaas la gaadho ay ummadu tallo isugu timaado, maadaama oo uu wakhtigii xil hayneed ka dhammaaday Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, isagoo wakhtiyada mudada loo kordhiyayna balan qaaday inuu qaban doono doorasho, balse aanay taasi dhaboobin.
Marka laga tago qodobka koowaad ee la xidhiidha muddo kordhinta Madaxweynaha ee ay qaadaceen, qodobada kale ee ay xisbiyadu gudbiyeen ee ay u arkeen in xal lagu gaadhi karo waxa ka mid ah:
1. In la bedelo afarta xubnood ee koomishanka doorashooyinka ee u codeeyay in la laalo diiwaangelinta
2. In khubarada dib u saxaysa Seerfarka ee dibadda laga keenayo lagu daro xubno ka mid ah hay’adii Interpeace ee dalka laga eryay.
Qoraalkaas oo ay ku saxeexanyihiin labada guddoomiye mucaarad ee KULMIYE iyo UCID Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, lama oga in saxaafadda loo soo bandhigi doono, marka loo gudbiyo Wasiirul dawlaha Arrimaah dibadda ee Itoobiya, oo Isniintii toddobaadkan ka ambo baxay magaalada Hargeysa oo uu dhawr caano maal joogay.


Source: www.geeska.net ,

Friday, August 28, 2009

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Cidda Sii Haynaysa Jagada Madaxweynaha Marka Ay Muddadiisu Dhamaato Tala Qaran Laga Yeelan Doono

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Cidda Sii Haynaysa Jagada Madaxweynaha Marka Ay Muddadiisu Dhamaato Tala Qaran Laga Yeelan Doono





Hargeysa (Longlivesomaliland News) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo aanu wax ka weydiinay mawqifka labada xisbi mucaarid ee ku saabsan cidda sii haynaysa jagada madaxweynaha marka ay dham aato muddada xilka ee madaxweyne Rayaale ayaa sheegay in arintaasi laga yeelan doono wada tashi qaran.

Sidaana waxa uu ku sheegay xogwaran uu siiyey Haatuf Xalay.

“Guddoomiyaha Golaha Guurtida sharcigu waxa uu dhigayaa in uu xilka qabto marka ay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku geeriy oodaan ama xilkooda ay caafimaad daro u gudan waayaan, laakiin cida dhexdhexaadka ah ee kursiga madaxweynaha qaban doonta wada tashi qaran baanu ka yeelan doonaa, waananu ka wada tashan doonaa, sidaa waxa yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo aanu xalay khadka telefoonka wax kaga weydiinay cida ay u qoondeeyeen inay si ku meel gaadh ah ay xilka Madxweynaha u qabato marka la gaadho 29-Octobar 2009 oo ay muddada xilku kaga egtahay madxweyne Rayaale iyo madaxweyne ku xigeenkiisa , sidoo kale waxa uu tilmaamay in golaha guurtidu ay kordhin karaan oo keliya marka ay abaaro iyo colaado aloosmaan , isaga oo intaas ku daray in mawqifkan ay hadda ka qaateen labadooda xisbi mucaarid in cid dhexdhexaad ah xilka loo dhiibo aanay hore u soo marin dalka, balse waxa uu tilmaamay in wada tashi qaran ay ka yeelan doonaan cidda ugu haboon ee jagada madaxweynaha qaban doonta.

Guddoomiyaha xisbgia UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo aanu wax ka wey diinay cidda ay aaminsan yihiin in xilka Madadxweynaha si ku meel gaadh ah loogu dhiibo ay tahay guddoomiyaha golaha guurtida inay isku raacsan yihiin inuu qabto waxa uu yidhi “arinkaasi ilaa hadda kamaanu tashan laa kiin guddoomiyah golaha guurtidu waxa uu xilka qaban karaa sida uu sha rcigu dhigayo marka ay madxweynaha iyo ku xigeenkiisa geeri ku timaado iyo marka ay caafimaad daro labadooduba xilka u gudan kari waayaan, laakiinse arintani maaha mid hore inoo soo martay, tan aanu hadda maw qifkayaga ku cadaysanay oo distoorkeenu si cad uma tilmaamayo cidda dhexdhexaadka ah ee loo dhiibayo, waxaanuse qabnaa in wada tashi qaran laga yeesho cidda ugu haboon ee si dhexdhexaad ah u qaban karta xilka madaxweynaha marka ay muddadu ka dhamaato, talo qaran ayaa laga yeelan doonaa, golayaal iyo xisbiyo iyo ururo bulsho iyo waxgaradka Somaliland, guuritdu waxa ay muddada madaxweynaha kordhin kartaa marka ay dalka ka dhacaan abaaro iyo colaado ay ka qabsoomi kari waay aan doorashooyin, hase yeeshee waxa aan kuu sheegayaa in guddo omiyah golaha guurtida oo kali ahi uu qaban karo xilka madaxweynah marka ay labadaas arimood ku yimaadaan madxweynaha iyo ku xigeen kiisa” ayuu yidhi guddoomiyah axisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

dhinca kalena waxa uu sheegay inaanay meesha oolin wax muddo kordhin ah in loo sameeyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, marka la gaadho 29-ka October 2009, taas oo uu ku tilmaamay inaanay duruufihii sharcigu dhigayey ee muddada lagu kordhinayey aanay muuqanin.

Source:Haatuf

Condemnation Mounts Against Rayale Over His Decision To Reject Voter Registration List

Condemnation Mounts Against Rayale Over His Decision To Reject Voter Registration List

London, UK, August 22, 2009 – At a public meeting held in West London on last Saturday, Somaliland organizations based in the United Kingdom joined the chorus of condemnations over president Rayale’s decision to hold the forthcoming presidential election planned for 27 September without voter registration list and his unilateral expulsion of donor countries from Somaliland.
The meeting, which was organized by Somaliland International Recognition Action Group, West London Somaliland Community and UK Somaliland Society and others, was a rare opportunity for members of the Somaliland community to express their views on the current political stalemate and constitutional crisis precipitated by the president ahead of the presidential election in September.
The spirit of the meeting, which was attended by people from all walks of life and of different political persuasion debating together, was quite an achievement.
Participants of the meeting vented their anger at president Rayale’s decision to abandon the much-awaited final voter registration list despite his decision is contrary to the spirit of the Electoral Law of the country.
“Simply put, neither the NEC [National Electoral Commission] nor the President can unilaterally or bilaterally announce that the election will be held without voter registration. Since the passage of the Voter Registration Act 2007 on 8 July 2007, no voting in Somaliland could take place without voter registration,” said a statement issued by Promotion of the Constitution Group – an independent non-party political voluntary pressure group consisting of Somalilanders living in the Diaspora
Rayale continues to defy the will of the parliament as well as growing calls for his government to respect the constitution and the law of the land.
Source: Somaliland Globe

Wednesday, August 19, 2009

haKhamiista : Halkudhigeenu waa RAYAALOOW MAYA !

hamiista : Halkudhigeenu waa RAYAALOOW MAYA !

August 18th, 2009 Comments Off


Madaxaweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa u muuqda inuu maalinba maalinta ka danbyasa uu la soo baxayao dabeecado layaab leh sida Afbuurid, Isla Weyni, Kali Talisnimo iyo ku tamasho Sharci oo aan hore looga baran dhaqanka iyo hab siyaasadeedkii ladifnaa ee ay Umadda reer Somaliland ku soo caano maashay tan iyo markii afka ciida loo daray kaligii taliyihii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre. Guud ahaan waxa ay bulshada Somaliland ku nooli ay ka war haysaa sida ay u sharaftay uguna maamuustay Daahir Rayaale Kaahin inoo noqdo hogaamiyahooda iyaga oo ka door biday labadii hogaamiye mucaarid ee la tartamay, hadaba is weydiintu waxay tahay Md. Rayaale ma noqday mid sharfa oo si daacad ah ugu adeega bulshadii sharaftay? Mise waxa uu noqday shakhsi ka abaal ka daray sharaftii ay dadweynaha Somaliland huwiyeen?

Waxaan shaki ku jirin in Madaxweyne Rayaale uu ku xad gudbay haybadii qaranka, sharciyadii dalka, iyo maamuuskii Madaxweynenimo ee ay Bulshada reer Somaliland u igmatay inuu ugu adeego, waxaana uu u dhaqmay sidii nin maamulaya dukaan uu gaar u leeyahay, waxaana uu si yaq-yaqsi leh u bahdilay haybadii dawladnimo iyo maamuskii qaranimo ee Jamhuuriyada Somaliland. Hadii aynu tusaalooyin kooban soo qaadano waxa uu Madaxweyne Rayaale ku kacay arrimahan:

Tayo Xumada Golaha Xukuumadiisa:

Marka laga reebo xubno yar oo faro ku tiris ah, waxa uu Rayaale wasiirro ka dhigtay qaar tayo xun oo badankoodu ka tagay qurbaha, kuwaas oo aan aqoon iyo tayo toona lahayn, waxay dalka la tageena ay tahay waxaan haystaa Baasaboor reer Yurub ah! Waxa uu Madaxweyne Rayaale u qaatay in qof kasta oo Yurub ka yimaadaa uu yahay aqoon yahan xil qaban kara, waxaabad moodaa in Madaxweyne Rayaale uu aaminsan yahay “Cadaanka Afrika Joogaa waa wada Dhakhtar”


Rajadii Aqoonsiga oo Mugdi Gashay:

Waxaa Burbur balaadhani uu ku yimi Siyaasadii Arrimaha Debada ee Somaliland, waxaa meesha ka baxday tix galintii ay dalalka caalamku u hayeen Xukuumada Somaliland, waxaana caadi noqotay in Ooda laga rogi waayo wasiirka Arrimaha Debada Somaliland marka uu isku dayo inuu la kulmo dawladaha caalamka, waxaana maalinba ta ka danbeysa soo kordhaya fadeexadaha Siyaasadeed ee soo waajahaysa Wasaarada Arrimaha Debada iyo masuuliyiinteeda.

Wakiiladii/ Safiiradii Somaliland oo Hobolada Ku Biiray!

Yaa arkay xubnihii lagu magacaabi jiray inay yihiin wakiilada ama safiirrada Somaliland ee UK/ Ireland, Sweden. Norway iyo kuwii kale ee la midka ahaa sida safiirkii warwareegi jiray ee la sheegi jiray?

Waxaa safiirradaasi ay isku rogeen inay garab yaacaan oo ay kolba magaalo u kaxeeyaan Hobalada qoobka ciyaarka, waxaana warkoodu ku danbeeyay in ay shaashadaha talefishinada ka soo baxaan iyaga oo Maryan Mursal iyo fanaanada reer Norway ee Tanya kolba dhinac u hor cararaya!

Xagay kaga tageen xilkoodii iyo shaqadoodii ahayd inay qadiyada Somaliland ka dhaadhiciyaan wadamada loo igmaday, goorma ayay ku biireen Hobolada Waaberi?

Sida xaqiiqdu ay tahay Madaxweyne Rayaale iyo kooxdiisa ayaaba noqday qaar kusoo jeeda tumashada heesaha lagu qabto Aqalka Madaxtooyada, halkii ay ka ahayd inay kusoo jeedaan u adeegida danaha qaranka iyo u shaqaynta dadweynaha, waxaanad moodaa in Rayaale iyo kooxdiisu ay u qaateen qaylada iyo dhawaaqa dadweynuhu inay yihiin wax aan macno lahayn, taasoo u muuqataa in Rayaale uu leeyahay ” Habar baa iska haw-haw lehe heelada inoo tuma”

Ku Tumashada Sharciyada iyo qawaaniinta dalka:

Madaxweyne Rayaale waxa uu si cad ugu tuntay qawaaniinta dalka u yaalay, waxaana si kibir iyo is yeel-yeel uu ku jiro uu ganafta ugu dhuftay sharciyada ka soo baxa Golaha Baarlamaanka Somaliland, waxaana ku tumashada sharciga ugu danbeeyay go’aankii uu Baarlamaankau soo saaray ee ka dalbanayay in doorashada diiwaan galin lagu galo.

Hadaba inaga oo aan maqaal qudha kaga bogan karin Burburka uu Madaxweyne Daahir Rayaale ku wado Somaliland, ayaa waxa muuqata in Madaxweynaha Somaliland uu go’aansaday inuu baabiiyo oo uu xididada u siibo geedkii Xornimo ee bulshada reer Somaliland ay hadhsanaysay 18kii sanadood ee lasoo dhaafay, geedkaas oo ku baxay dhiigga kumanaan geesi oo naftooda u waayay beerista geedka xornimo ee Somaliland .

Si loo badbaadiyo Qaranimada Somaliland waxaa laga maarmaan ah:

1. In qof kasta oo Muwaadin ah oo reer Somaliland ahi uu ka qayb galo isu soo baxa maalinta Khamiista ee ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaridka ahi.

2. Soo qaado Loox/ Sabuurad ama Calan aad ku qorayso ( RAYAALOOW MAYA)

3. Soo qaado Durbaano, Daasado, Mikrifoono kuna dhawaaq meel kasta oo aad joogto RAYAALOOW MAYA

Baaq ku Socda Ciidamada Qalabka Sida/ Booliska iyo Sirdoonka Qaranka

Iyada oo Ciidamada Somaliland qaybaheeda kala duwan ay ku jiraan geesiyaashii usoo dagaalamay Xornimada Somaliland iyo Ciidamadii kale ee sida geesinimada leh u difaacayay una ilaalinayay qaranimada Somaliland 18kii sanadood ee lasoo dhaafay, waxaa ku waajib ah inaanay marnaba dheg u dhigin oo aanay qaadan amar kasta oo ka hor imanaya madba’a guud ee ay u dhaarteen oo ah inay ilaaliyaan amaanka dadweynahooda iyo sharciyada iyo qawaaniinta dalka u degsan.

Ciidamada Somaliland oo ogsoon in Madaxweyne Rayaale uu yahay ninka jabinaya sharciga iyo qawaaniinta qaranka u degsan waa inaanay marnaba ka aqbalin inay fuliyaan amar gurracan oo wax yeelo u geysanaaya amaanka dadweynaha reer Somaliland ee xaqooda u muadaharaadaya.

Waxaa ku waajib ah Askari kastaa inuu isha ku hayo askariga dhinac taagan isla markaasna uu ka joojiyo Askariga si khaldan u dhaqma.

Waxaan ugu digyaa Ciidamada Qaranka ee Somaliland ee ku xadgudba dadweynaha Mudaaharaadaya in shaqada laga Eryi doono, Maxkamadana la soo taagi doono iyada oo aanay isku difaaci karin inay amar fulinayeen. Qaanuunka Caalamiga ahi ma ogola inuu Askarigu fuliyo Amar uu og yahay inuu khaldan yahay.

Guntii iyo gebo gabadii balanteenu waa in magaalo kasta, degmo kasta iyo tuulo kasta la isugu soo baxo iyada oo halhayskeenu uu yahay

RAYAALOOW MAYA ! RAYAALOOW MAYA! RAYAALOOW MAYA!

Saturday, August 15, 2009

xisbiyada mucaaradka somaliland oo ku baaqay banaan baxyo lagu diidan yahay go,aankii dawladda.

Warkii 16-Aug-2009 iyo Qormadii: sugulle
labada gudoomiye ee xisbiyada mucaarad ee Somaliland kulmiye iyo ucid ayaa maanta shir jaraa'id oo ay ku qabteen hotel mansoor ee magaaladda hargaysa si wada jir ah ugu sheegay saxaafadda in aan mar dambe doorashada dib loo dhigi doonin xukumadda ilaa go'aankii hore ee xukuumada iyo komishanku ay isla qaateen laga noqodo aanayna wax wada hadala la yeelan doonin xukuumadda, isla maantana ay si wada jir ah ugu baaqeen taageerayaasha labada xisbi mucaarad inay mudaharaad sameeyaan iskuna soo baxaan maalinta salaasada ah.


shirkani jaraa'id oo maanta ay iskugu yimaadeen dhamaanba warbaahinta somaliland, kan hadleen laba gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka ah mudane Axmed Maxamed Maxamuud{siilaanyo},iyo Eng:-faysal cali waraabe.


halkaasi oo uu ugu horeynba ka hadlay guddomiyaha xisbiga kulmiye mudan Axmed Maxamed Maxamuud{siilaanyo} waxaana uu yidhi"hadaanu nahay labada xisbi waxaaanu ka wada hadlaynaa inaan mar dambe doorashada dib loo dhigin ilaa go'aanka laga noqdana anan wada hadal la yeelan doonin dawladda" gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay kuna dheeraaday in aan warbaahinta dawlada aanay dhex ahayn una xidhan tahay xisbiga talada haya ee UDUB oo kaliya, taasi oo uu ku tilmaamay mudane siilaanyo mid ku cusub dunida waxaanu intaa ku daray "waxaanu xaq u leenahay in loo sinaado hantida dawlada oo uu dadku wada leeyahay ha u muhiimsanaato warbaahintuye" arrintani ayaa ah mid guddomiyaha kulmiye uu inta badan ku dacwiyo kuna dhaleeceeyo xukuumada talada haysa.


guntii iyo gabagabadiina wuxuu Axmed Maxamed Maxamuud{siilaanyo} wuxuu hadalkiisa ku soo afmeeray oo uu sheegay isla markaana goobta kula saxeexday heshiiska gudida labada xisbi, isagoo shacbigana ugu baaqay inay banaaan bax ku taageeran.

dhanka kalena gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. faysal cali waraabe ayaa isna ka hadlay aragtidiisa ku wajahan siyaasada waayahan dambe laysku hayo isla markaana jiho habaabisay shacabka reer somaliland ,wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sida tan"waxaanu aragnaa oo muuqata in madaxweyne rayaale uu u arko danta qaranka dan uu isagu leeyahay "
mudane faysal isaga oo taa ka duulaya wax uu si watay hadalkiisa kuna yidhi"waa inuu ilaaliyo dastuurka iyo shuruuucda dalka u taala oo aaanu u horseedin dhibaato dalka madaxwaynuhu "waxa kale oo uu gudoomiyuhu carabaabay hadii ay yihiin labada xisbi ee mucaaradka ah ay sannad iyo lixbilood kordhiyeen xukuumada tallada haysa isla markaana aanu ku nidhi idinka oo dawlada ah nala tartama" Eng.faysal isagoo ku dheeraaday hadalkiisa waxa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyay isagoo ka hadlaya salaadiinta dalka "salaadiinta waxaanu leenahay shaqadiina ku ekaada oo beelihinii iyo magtiini ka shaqeeya".


intaasi ka dib su'aalo dhawra oo ay saxaafadu waydiisay labada guddoomiye ayaa ay ku sheegeen inay ka midaysan yihiin mawqifka adag ee bannaan baxa ee ay wada qaateen.
sida ay hadalka u dhigeen iyagoo dhawraya amniga iyo xasiloonida dalka iyo inay doonayaan in la sameeyo dawlad ku meel gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorasho xor iyo xalaal ah.
mar wax laga waydiiyay labada gudoomiye xaalada adag ee uu dalku ku jiro ee ku saabsan ololaha doorashada iyo sida ay maalin iyagoo isku duuban u banaan bixi karaan?
waxay ku jawaabeen "labadayadii maalmood ayaanu maalin isku qaadanaynaa mana jiro wax naga hor joogsanayaa".
waxa kale oo isla goobtasi lagu waydiyay Eng.faysal
waxaa jira in xukuumadu kugu eedaysay in aad tahay dambiile qaran isla markaana laguugu hanjabay in lagu xidhi doono taa maxaad ka qabtaa?
su'aashan oo aanu wax jawaab ah ka bixin Eng.faysal ayaa wax ka jawaabay Axmed Maxamed Maxamuud{siilaanyo} waxaanu yidhi"cidii dambiile ahi way cadahay waanay muuqataa una malayn maayo in hanjabaad wax lagaga qaadayo faysal".


iskusoo wada duuboo waxaa intaa lagu soo gunaanaday shirkan jaraa'id ee sida wada jirka ah ay labada xisbi mucaarad ugu qabteen hotel mansoor .


dhanka kale waxaa si weyn loo sugayaa aadna loo hadal hayaa ifafaalada ka soo bixi doonta bannaan baxa ay abaabulayaaan labada xisbi mucaarad ee soomaliland hase ahaate baaqan ay xisbiyada mucaaradku haatan ku dhawaaqeen ayaan u muuqda mid muujinaya rajo xumada laga qabo in laysu tanaasulo, baaqan oo loo balan san yahay maalint salaasada ee bishu tahay 18-8-2009 , balse waxaa si wayn looga baqayaa inuu isu soo baxani rabshado dhaliyo oo ay xaladda amaan ee dalku khalkhal gasho.

SARAAKIISHI HORE EE FAQASHTA: HABAR FADHIDA LEGDINI WAX UGA FUDUD

Dhawaan ayaa lagu qabtay Magaalada Washington ee USA shir lagu casuumay, askartii faqashta ee dalka burburka u horseeday. Shirkaas oo ujeedadiisu wali ay ila tahay dhalanteed iyo mala awaal, ka yimid UN ka, hadana fashilaadiisa ayaaba ahayd Ka daroo dibi dhal.
Gen Galaal oo ka mid ahaa ragii shirkaas lagu casuumay, ayaa sheegay in rag isku qabiil ahi ay meesha ku urursanaayen iyo riyo maalmeed isugu sheekeynayay sidii Somalia ay dib ugu qabsan lahaayeen.

Ka dib, Jabkii ugu horeeyey ee ay dawladii Faqashta SNM tu u geysatay,
Ka dib dagaaladii Hargeysa iyo Burco,
Ka dib Dagaaladii Kala baydhka
Ka dib dagaaladii waadama gooye
Ka dib Dagaalkii xeebaha
Ka dib dhismihii USC,
Ka dib Qabsashadii iyo xoraynta Dhulka Somaliland,
Ka dib cararkii faqashta
Ka dib xorayntii USC qabsadeen Kismaayo, dagaalkii Cali mahdi iyo Caydiid.
Abuuristii Somaliland, Dagaalkii Unisom, ilaa iyo Dagaalada hada socda ee
Al shabaab, al muxaaakimiin, al suna wal jamaaca, sheekh shariif, xisbu islaam iyo wax la mida, miyay saraakiisha faqashtu rabaan inay dib u soo noqdaaan.
Ma riyo ayay intii hore oo dhan ku jireeen, mise awood bay meel ka filayaan, waxaanad hurayn horaa loo yeelaa. Gen galaal wuxuu yidhi Waxa ay Faqashtu ku hamiyayeen, in lughaya ilaa dhooblay ay dagaal ku qabsadaan, miyaanay taasi wax lagu qoslo ahayn.
Faqash bal aynu qiyaasnee saraakiishooda ka ugu yar waa ilaa 50 yrs -60 yrs jir. Raga da'daas ee hada ku nool qurbaha caydhana ka qaata wadamada yurub iyo California, iyaagoo ah qaxooti, awood ma u leeyihiiin inay wax sameeyaan.
Jawaabtu waa Habar Fadhida legdini wax ugu fudud. Askarta Faqashtu inay ceebtooda ay shir yeeshaan may ahayn inay is qariyaan ayay ahayd, waayo waa dambiilayaal qaran ama Somalia ama Somaliland ha ahaateee.

Qalinkii Mustafe Aburas
Kordhisocodka@live.com
htt://kordhisocodka.blogspot.com

Gen. Galaal Exposes War Criminals Organized By The UN And US

Gen. Galaal Exposes War Criminals Organized By The UN And US


Washington, August 15, 2009 (SL Times) – General Muhammad Nur Galaal, a high ranking member of the now defunct Somali military, revealed to the press what went on in a meeting in Washington that brought together several top officials of Somalia’s former military dictatorship. Gen. Galaal who was one of the invitees to the congress said many of those attending the conference had committed massacres when they were in the military, and had he known that they were going to be in there, he would not have participated in the meeting.
Describing his impression of the meeting, Gen. Galaal said that these remnants of the former regime are still dreaming of the good old days when they lorded it over Somalis and are scheming to get back in power. Towards that end, they proposed a plan for the reconstitution of the Somali army by creating 9 battalions in 6 months. The plan also involves the invasion of Somaliland beginning at Lughaya and working their way southward until they takeover Mogadishu.
Gen. Galaal has only confirmed a view that is widely held among Somalis which is that despite the UN and US rhetoric about democracy and human rights, the UN and US often push aside considerations of democracy and human rights if they get in the way of achieving their interests. In this case, it so happens that the UN and the US see the former head of the terrorist Islamic Courts, Sheikh Sharif, who is now the head of the feeble Transitional Federal Government (TFG) as the right instrument to advance their interests, and that is why they are busy trying to devise ways to prop him up. Apparently they think the former military commanders, who were responsible for the collapse of Somalia in the first place can help them achieve their goals. But they are wrong.
An increasing number of Somalis have condemned the meeting as a last ditch attempt to bring war criminals back to power in Somalia. The most recent person to add his voice in protest was KULMIYE party’s first Vice chairman, Muse Bihi. In order to counter the growing anger among Somalis regarding UN and US actions of promoting war criminals, the UN Political Office for Somalia (UNPOS) released a communiqué in which it whitewashed the real intent of the meeting and what went on in its proceedings. Oddly enough, the US has not addressed the issue even though its fingerprints are all over the meeting, and representatives from the US Defense Department were present.
These military men are criminals and mass murderers and do not belong in a conference hall, but rather belong in courts and jail. Their head honcho, Gen. Muhammad Ali Samatar is by his own admission, the person who gave the orders for the destruction of the cities of Hargeysa and Buroa in 1988 and the killing of thousands of innocent civilians. Shame on the UN. Shame on the US.

sources SomalilandTimes

Axsaabta Mucaaradka ah oo ku dhawaaqay Guddi wada-jir ah & muddada isu-soo bax dadweyne

Axsaabta Mucaaradka ah oo ku dhawaaqay Guddi wada-jir ah & muddada isu-soo bax dadweyne

August 15th, 2009 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Labada Xisbi Mucaarad ee Kulmiye iyo UCID ayaa maanta ku dhawaaqay guddi wada-jir ah oo midaysan , kuwaas oo ka hawl-geli doona sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd Doorasho xor iyo xalaal ah.

Hoggaanka sare ee labada Xisbi Mucaarad oo maanta si wada-jir ah Shir-jaraa’id ugu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in guddidan oo ay guddoominayaan labada Guddoomiye Xisbi ee Kulmiye iyo UCID. Isla markaana ay xubno ka yihiin 12 xubnood oo ka kala tirsan labada Xisbi.

Guddoonka labada Xisbi Mucaarad waxay sheegeen in ay Mucaarad ahaan taageersan yihiin go’aanadii Golaha Wakiiladu ka soo saareen xaaladda dalka. Waxaanay sheegeen in inkasta oo ay diyaar u yihiin Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu galo Diiwaangelin inay dalka ka dhacdo, haddana ay taageersan yihiin go’aankii ka soo baxay Guddidii dhexdhexaadinta ee u dambaysay ee ahaa in aanay muddo-kordhin dambe dhicin. Waxa kale oo ay Shirkaa Jaraa’id ka sheegeen in maalinta Salaasada ee foodda inagu soo haysa ay dalka ku qaban doonaan isu-soo-baxyo dadweyne.

Magacyada Xubnaha Guddida:

UCID Kulmiye

Faysal Cali Waraabe Axmed Maxamed (Siilaanyo)

Aadan Maxamed Waqaf Muuse Biixi Cabdi

Axmed Xuseen Fag-fagaash Keyse Xasan Cige

Maxamed Rashiid Sh. Xasan Maxamed Kaahin Axmed

Maxamed Xasan Baashe Siciid Cilmi Rooble

Xasan Xuseen Codyare Dr. Maxamed Cabdi Gabboose

Keyse Cali Geeddi Maxamed Muuse Abees

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

Thursday, August 13, 2009

Madaxweyne Riyaale Oo Baadi-Goobaya Suryo Uu Ka Baxo

August 12th, 2009 Comments Off

Madaxweyne Riyaale ayaa hadda u muuqda inuu ku soo oodmay oo uu meelna u socon waayey go’aankii uu ku laalay natiijadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland iyo erigii wakiilkii hay’adda Interpeace ka joogay Somaliland, kadib markii si weyn looga horyimid go’aamadaas oo keligii qaatay.

Laba toddobaad ka hor ayey Komishanka Doorashooyinka Qaranku Madaxweyne Riyaale u soo jeediyeen inuu bilaa diwaangelin lagu galo doorashada Madaxtooyada, taas oo uu Madaxweyne Riyaale isla maalintiiba ku dhawaaqay inuu laalay natiijadii diiwaangelinta. Sidoo kale wuxuu maalintii ku xigtay eryay oo dalka ka saaray wakiiladii hay’adda Interpeace ka joogay Somaliland, iyadoo ay hay’adda Interpeace kaalmo dhaqaale iyo farsamo ka geysan jirtay hawlaha doorashooyinka, isla markaana gacanta ku haysay macluumaadkii diiwaangelintii codbixiyeyaasha.

Go’aanka ay Madaxweyne Riyaale iyo Guddida Doorashooyinku ku laaleen natiijada diiwaangelinta wax talo ah kama ay weydiin labada xisbi ee Mucaaridka ah, isla markaana waxay baalmareen xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ah xeer dhaqan-gal ah (Xeer No: 37/2008), iyadoo laalista xeerkaas waxba laga weydiin goleyaasha sharci-dejinta (Wakiilada iyo Guurtida).

Sidaas darteed Madaxweyne Riyaale markii uu ku dhawaaqay go’aanka laalista natiijada diiwaangelinta iyo eriga hay’adda Interpeace, waxa ka horyimid diidmo xoogleh iyo cambaareyn ku saabsan go’aamada uu qaatay, iyadoo lagu eedeeyay inuu qaatay go’aan sharciga baalmarsan iyo tallaabooyin keli-talisnimo ah. Waayo, Madaxweyne Riyaale marka hore wuxuu baalmaray xeerka codbixiyeyaasha diiwaangelinta oo ka soo baxay labada gole ee Baarlamaanka (Wakiilada iyo Guurtida), Madaxweynuhuna saxeexay, isla markaana wuxuu gebi ahaanba meesha ka saaray doorkii iyo taladii ay arrimaha doorashooyinka ku lahaayeen labada xisbi ee mucaaridka (UCID iyo KULMIYE) oo ay ka soo horjeedaan labada musharax ee kula tartamaya kursiga Madaxweynaha. Waxa kale oo ay Komishanka iyo Madaxweyne Riyaale dhinac iskaga leexiyeen heshiisyo iyo xeerar anshax oo ay saddexda xisbi hore uga gaadheen arrimaha doorashooyinka iyo natiijada diiwaangelinta.

Sidaas darteed labada xisbi ee mucaaridka ah ayaa markiiba soo saaray baaq wada-jir ah oo ay ku cambaareynayaan tallaabooyinka Madaxweyne Riyaale qaaday, isla markaana ay ku caddeynayaan inaanay marnaba aqbalayn go’aamada Madaxweynaha iyo komishanka ee sharci-darrada ah. Waxa kale oo ay xisbiyada mucaaridka ahi cambaareeyeen eriga hay’adda Interpeace. Sidoo kale gudoomiyeyaasha labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa soo saaray baaq wada-jir ah oo ay ku cambaareynayaan go’aanka laalista natiijada diiwaangelinta iyo eriga hay’adda Interpeace, iyagoo ku tilmaamay sharci-darro iyo talo-maroorsi. Sidoo kale, wakiilada iyo saraakiisha dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee Somaliland ka caawiya arrimaha doorashooyinka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, ayaa iyaguna soo saaray dhawaaq ay ku dhaleecaynayaan go’aanka ay ku dhawaaqeen gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka iyo Madaxweyne Riyaale, iyagoo intaas raaciyey in ay aqoonsan yihiin natiijada ka soo baxday macluumaadkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay natiijo lagu geli karo doorashada.

Waxa kale oo labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada horyimid mooshino lagaga doodayo tallaabooyinka uu ku dhaqaaqay Madaxweyne Riyaale, waxaana ilaa labadii toddobaad ee u dambeeyay labada gole ka socday doodo iyo buuqyo xasaasi ah oo arrimahaa lagaga hadlayo, taas oo la filayo inay goleyaasha Baarlamaanka ka soo baxaan go’aamo lagu diidan yahay tallaabooyinka uu Madaxweyne Riyaale qaaday. Sidaas daraadeed Madaxweyne Riyaale markii uu arkay mawjadaha diidmada ah ee ka horyimid wuxuu markii hore isku dayey inuu xoog ku meel-mariyo go’aamadiisii, hase yeeshee waxay wakhtigan xaadirka ah u muuqataa inay taasi ku soo oodantay oo aanay go’aamadiisu meelna u soconayn, sidaas darteed wuxuu maalmahan u dambeeyay baadi-goobayaa suryo uu ka baxo (way-out), waxaana taas u daliil ah dhaqdhaqaaqyo ay Madaxweyne Riyaale iyo xukuumadiisu ku tallaabsadeen laba-saddexdii maalmood ee u dambeeyay.

Sida ay tibaaxeen warar xog-ogaal ah wakiilo ka socda Madaxweyne Riyaale ayaa dhawr maalmood ka hor la xidhiidhay qaar ka tirsan Madaxda Mucaaridka waxayna gaadhsiiyeen hindise odhanaya “annaguna haddii aanu xukuumadda iyo xisbiga UDUB nahay waxaanu eryaynaa gudoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Komishanka, idinkuna (Mucaaridka) nagu raaca in doorashada lagu galo diiwaangelin la’aan”. Hase yeeshee sida la sheegay taas ganafka ayey ku dhufteen ragii loola yimid.

Sidoo kale, odayaal uu horkacayo Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa dorraad la kulmay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, una soo jeediyay in la wada-hadlo oo arrimahaas laga heshiiyo. Balse sida la sheegay is-afgarad iyo wax natiijo ahi kama soo bixin taas.

Waxa kale oo ilaa shalay dhinaca Nairobi ka soo baxay warar sheegaya in xukuumadda iyo xisbiga UDUB, xafiisyada Nairobi ee dalalka qaadhaanbixiyeyaasha ay gaadhsiiyeen warar ay leeyihiin arrimihii waanu ka heshiinay ee weftiga Midowga Yurub ee la filayo inay dalka yimaadaan Arbacada berito, ha iska joogeen oo annaga hanaga war sugeen, hase yeeshee qoloda qaadhaanbixiyeyaasha ee Nairobi fadhigoodu yahay waxay la soo xidhiidheen Hargeysa, si ay u hubiyaan wararka sheegaya in arrimihii laga heshiiyay, taas oo markii dambe ay xaqiiqsadeen inaanay waxba ka jirin.

Waxa kale oo maalmahan suuqyada Hargeysa laysla dhexmarayey warar ay soo tebinayaan dadka taageera xisbiga UDUB iyo dad ku dhowdhow Madaxweyne Riyaale, wararkaas oo sheegaya inuu Madaxweyne Riyaale fekerayo hindise odhanaya doorashada saddex bilood dib haloo dhigo, aniguna waxaan dhisayaa dawlad wadaag ah oo aan xisbiyada mucaaridka ka qayb-geliyo.

Waxa kale oo ay warar shalay soo baxay tibaaxeen in rag uu horkacayo wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub ay shalay la kulmeen gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, kaas oo sida la sheegay wasiirku kala hadlay gudoomiyaha Guurtida arrimo uu Madaxweyne Riyaale u soo faray, waxaana fariinta Madaxweynaha ee uu Siciid Sulub siday lagu sheegay inay nuxurkeedu ahayd in weftiga qaadhaan-bixiyeyaasha ee la filayo inay Arbacada berito yimaadaan dalka marka ay la kulmaan goleyaasha qaranka arrin isku mid ah loo wada-sheego oo dhinac looga soo wada-jeedsado, isla markaana wixii khilaaf goleyaasha dhexdooda yaalana ay iyaga dhexdooda dhamaystaan. Hase yeeshee waxay wararku sheegeen in Saleebaan-gaal arrintaas ganafka ku dhufteen, isla markaana wasiir Sulub u sheegay inaanay goleyaasha qaranka wax khilaaf ahi dhex ool, balse ay arrinta meesha taal ay tahay uun sharci-jebin ay xukuumadda iyo Komishanku ku tallaabsadeen, cidda ay wax ka dhexeeyaana ay yihiin xisbiyada qaranka.

Sidaas darteed marka laysku soo xooriyo arrimahaas oo dhan, waxay dadka arrimaha siyaasadda u dhuundaloolaa ku tilmaameen inay taas macnaheedu yahay inuu Madaxweyne Riyaale baadi-goobayo suryo uu ka baxo, kadib markii ay wax waliba ku soo oodmeen ee uu yaqiinsaday inaanu go’aankiisu xoog-xoog ku shaqaynayn.



Source Haatuf.net

Wednesday, August 12, 2009

Xisbiga KULMIYE wuxuu boggaadinaya shacbiga Somaliland ee dhabarka u jeediyey ololaha Xisbiga UDUB.

August 11th, 2009 Comments Off

Date: 11/08/09


WARSAXAAFADEED

Go’aaanka Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Riyaale wada qaateen ee laalista diwaangelintu wuxuu sababay in shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan aad uga cadhoodeen, iyagoo ku tilmaamaay inuu go’aankaasi ahaa mid aan laga fiirsan oo lagu degdegay.

Go’aankaasi uu Kommishanka Doorashooyinku ku dhawaaqay wuxuu noqday mid dhaawac weyn u geestay dadaalkii iyo hawshii ballaadhneed ee ay wada jirka u qabteen shacbiga Somaliland oo naftoodii iyo maalkoodiiba u huray hirgelinta mashruuca diiwaaangelinta iyo qaadhaanbixiyayaasha caalamiga ah oo maalgeliyey isla markaana si hagar la’aan ah kaalin wax ku oola ka qaatay meelmerinta mashruucani.

Dhacdadani, waxaa kaloo ay sababtay inuu Kommishanku dalka ka eryo madaxii Hayadda Interpeace ee u xilsaarneed hawlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka.

Tallaabadaasi uu Kommishanku qaaday waxaa kaloo ay dareen galisay bulshada caalamka ee sida aadka ah u danaynaysay deganaashaha iyo geedisocodka wanaagsan ee dimoqraadiyada curdinka ah.

Dhacdadani waxaa kaloo ka hadlay shirguddoonka labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida, waxayna labada Gole ka codsadeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xukuumada inay ka noqdaan go’aankooda, isla markaana dib dalka ugu soo celiyaan madaxii Hayadda Interpeace.

Waxaa nasiibdarro ah inay Kommishanka iyo Xukumadu dhegaha ka fureesteen dhammaan baaqa iyo codsiga kasoo yeedhay Baarlamaanka, Xisbiyada Qaranka, waxgaradka, shacab weynaha iyo bulshada caalamkaba.

Hadaba markii ay Xukuumadu ogaatay inaanay suurgal aheyn in la aqbalo go’aanka u gaarka ah ee doorasho diiwaangelin la’aan ah, ayaa Xukuumadu waxay bilowday olole dhalanteed ah.

Guddiga doorashooyinku ma magacaabin Guddoomiyeyaashii Gobollada iyo Degmooyinka ee Komishanka Qaranka. Xukuumadu ilaa hadda may diyaarin miisaaniyadii doorashada. Hadana waxaynu arkaynaa UDUB oo keligeed garoonka ku ciyaaraysa oo Komishankuna u sacabinaayo.

Xisbiga KULMIYE wuxuu aad iyo aad ugu boggaadinaya shacbiga Somaliland ee dhabarka u jeediyey ololaha dhalanteedka ah ee Xisbiga UDUB. Maanta ummaddu waxay aragtaa talada guracan ee UDUB doonayso inay keligeed dalka ku maamusho. UDUB waxa ka soo dhago weyn inay bari tidhaahdo waan isdoortay, oo waan idin xukumayaa shan sanno oo danbe, nasiib wanaag shacbigu maanta taas wuu ka feejigan yahay, waanuu muujiyey dareenkiisa in aanay ka aqbalayn qofna tallo maroorsi iyo afduub.

Xisbiga KULMIYE wuxuu si cad ugu sheegaya ummadda Somaliland in aanu marnaba ka aqbalayn Xisbiga UDUB iyo Komishanka wax wada hadal ah iyo gorgortan oo ku saabsan liiska uu soo saaray Server-ku.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ogolaaday Liiskaas Server-ku soo saaray oo uu diyaar u yahay inuu doorasho ku galo.

Xisbiga KULMIYE wuxuu si cad ugu sheegaya shacbiga Somaliland in aanay suurtagal ahayn muddo kordhin danbe oo Xukuumada loo kordhiyaa, maadaama heshiiskii Guddiga dhexdhexaadintu soo afjaray arrintaa.

Wa Billaahi Tawfiiq.


Md. Kayse Xasan Cige
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE

Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa

Tuesday, August 11, 2009

War Deg Deg Ah: Golahii Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ugu codeeyay …

War Deg Deg Ah: Golahii Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ugu codeeyay …

August 11th, 2009 Comments Off

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa manta cod u qaaday laba mooshin oo kala ahaa:

* In go’aankii Kommisionka iyo madaxwaynuhu ku laa’leen in doorashad lagu galo bilaa diiwaan galin ahaa mid sharci daro ah.
* In loo qabtay mudo 7 maalmood in ay Madaxweynaha iyo Koomishanku kaga noqdaa go,aankaa, hadii kale xilka laga xayuubinaayo, 4 komishanka iyo madaxweynaha.

Sida wararku sheegayaan baarlamaanka ayaa cod buuxa ku diiday go,aankii Kominshanka ee Diwaangelinta la tooray, waxaa u codeeyay 39 xildhibaan, 2 ayaa ka aamusay, gudoomiya maa coday waxaa fadhiyay golaha 43 xildhibaan.

Warbixin faah faah san oo la xidhiidha sida loo kala codeeyay iyo qaabka wax u dhaceen dib ayaanu idinku soo gudbin doonaa.

Somaliland.Org News Desk

Wadar iyo Waaxid Midkee Waalan








Labadii todobaad ee ugu danbeeyey waxaa ka dhex alo osnaa labada gole ee laysku yidhaahdo baarlamanka So maliland waa golaha guurtida iyo golaha wakiilada Soma liland-ne khilaaf kala qaybiyey xildhibaanada.

Khilaafkaas oo sida aynu ka war hayno ka dhashay go’a amadii ay shaki la’aanta iskugu raaceen madaxweynaha iyo komishanka doorashoyinka qaranka Somaliland ee si da weyn u gilgiley siyaasada Somaliland.

Murankaasi sida weyn u hadheeyey guud ahaan Somaliland kana wareeriyey wakiilada Somaliland ee ku khasbay in mudo todobaad iyo saa’id ah ay kala gur aan falanqaynta ku aaddan eegista aragtida xildhibaanada iyo soo jeedinto oda.

Isla markaana soo baraarujiyey dad badan oo ka indha la’aa siyaasada af duu ban ee Somaliland lagu maamulaayey mudada ku sii jeeda 8 sanadood ee aan ilaa hada shacabka Somaliland ka gaadhin wax horumar ah oo la taaban karo.

Somalida ayaa ku maah maahda “hadal badan haamo lagama buuxsho” waxaan taas ka wadaa aan soo koobo hadalkayga, umada Somaliland sanadkii 2005 waxay soo doorteen gole sharici dajineed oo loogu magac daray golaha wakiilada Somaliland.

Marka la yidhaahdo wakiilada Somaliland macnaha waxay wakiil ka yihiin umada Somaliland guud ahaanteed waan gole matala masiirka umada reer Somaliland, hadaba madaxweynaha Somaliland ma waxa uu k saxsan yahay umada reer Somaliland dadka ay soo wakiisheen ee ah wakiilada Somaliland iyo odayaasha wax garadka ah ee guurtida aynu ula baxnay?

Shacabka Somaliland waxaan u soo jeedin lahaa in ay ka tashadaan mustaqba lkooda iyo aayahooda danbe oo aanay cid ku eegin baabinta iyo burburinta ha naanka dawladeed ee ay soo dhoob dhoobayeen mudad ku dhaw 19 sano ee ay ku caano maaleen.

Shacabka waxaan ku baraaru’jinayaa in ay ka dhur sugaan go’aamada ay soo saari doonaan labada gole, balse hadii ay labada gole shacabka u soo bandhi gaan go’aamo la mida kuwan hada dalka khal khalka geliyey ogaado in dalka Somaliland cidna u maqnayn ceelna u qodnay.

Waxaana dhici doontaa alle inaguma keenee in dalku uu galo khal khal iyo dege naansho la’aan nabaduna ay faraha ka bixi doonto, balse waxaan illaahay ka baryayaa in aanu taas inagu keen.

Ugu danbayntii waxaan si weyn ula fajacay ilaa hada hanaanka dimuquraadiy a deed ee ay madaxda Somaliland ku tumanayaan, dhawaan waxaa dhacday in labada xisbi isku mawqif ka qaateen laalistii diwaangelinta balse uu ku gacan s aydhay xisbiga talada haya ee Udub, markaa wada iyo waaxid midkee walaan?


Dhamaan akharistayaal waxaan aad iyo aad idiinka mahad celinayaa sida aad maqaalkaygan ugu hurteen wakhtigiina qaaliga ah, waad mahad santihiin.

Nimco Ibraahim Hargeisa Somaliland

Saturday, August 8, 2009

ileyn gabadh yari ma dheregto ilaa garab waxar ma deeqo luul cilmi‏

leyn gabadh yari ma dheregto ilaa garab waxar ma deeqo luul cilmi‏

fahiima axmed



08/08/09



waxaan maanta maqaalkan ugu jawaabayaa gabadhyar oo aflaagado qaawan u marisay website ka anigu aan u aqaan boroor.com balse dadka qaar u yaqaanaan saylac.com gabadhaas oo magaceeda layidhaado luul cilmi waxay afar xaraf oo aan filayo in baahiyi u geysay wax kaga sheegtay raga wadanka ugu qaalisan sida gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee ceebta ka nasahan mudane mujaahim axmed maxamed maxamuud siilaanyo iyo gudoomiyaha xisbiga ucid ee dahabiga ah aqoonyahan faysal cali waraabe hadaba waxaan doonayaa inaan sid kooban ugaga jawaabo hadal deelqaaf oo u jeedisay gadhaas yari oo leedahay siilaanyo iyo faysal wixii dalka u qabteen ma deyn buu ahaa haa dayn buu ahaa malaa sheeko caruureed ayaa qoraalka kuu geysaye waxaad fiicnaan lahay inaad taariikhda dunida dib u raacdo malaa hadii aan tusaale kuusoo qaato qofka muwaadinka waxa uu dalkii u qabto waa dayn waxaa ku leeyahay dalka waxaad eegtaa ninkii la odhan jiray malaa adigu halkaas maad gaadhine charles digol ayaa markii dagaalkii labaad hitler qabsaday france markaas ayuu xogaa ciidan ula goostay england markaas ayuu difaac england halkaas kaga soo biiray si saldhig uga dhigto oo england loo qabsam maadaama a xulufa ahaayeen usa uk ussr france halkaas ayuu difaac iyo weerarka kasoo qaadayey charles digol ilaa uu xoreeyey france markii france xoreeyey maxaa loogu abaal guday ma weydiisay mise garaad kaagu gaadhin xadkaa ee baahi baa kuugeysay qoraalka oo waxaad ka mid tahay kuwa is hor tuba xarunta wfp ee hargeisa marka ololaha lagu yidhaado ngo ooyo soo samaysta ee ay qaldaan kambaynda gareeyayaasha udub ee hadhaw daynka loo qasbado ee guryahoodu ku dumaan marka maalin walba ninkeedii guriga hurda laga dul qayliyo sadex deeda loo dhiibo hadaba hadii aan taariikhaas kuu fasiro mr charles digol waxaa lagu baal mariyey hogaaminta qaranka france waxaa lagu sawiray lacagta dalkaas ilaa inuu isagu ka qancayey isagaa xilka hayey
waxaa ku jirtay hadalkaagii waxaan taageeri jiray kulmiye taasi maaha mid jirta waayo dadka kumliye taageeyaa maaha noocaa iyo wax u eg toona ee halkaas iska hagaaji waxaan filayaa xitaa hadii ay jirto inaad istaagtay meel kulmiye joogo waxaan filayaa inaad taageeri jirtay kii tolwaa markii uu kulmiye ka baxay siilaano shaxaadkiisa ka rasystay waxaan kuu sheegayaa siilaanyo waa geesi taariikhi ah oo guni rifayso oo intuu dulqaad waayeelnimo kaqabo layaqaan laakiin kuwa darxumada kusoo koray sida hadraawi sheegay loo dhiibay wax aanu geyin waa riyaale waxaa hadalkaagii ku jirtay m/weyne nimo sidaa laguma gaadho waxaad ogaata riyaale wed iyo calaf ayaa keenay oo maalintii cigaal dhintay cv giisa waa loo qajilay markii axmed siciid cige bbc ka akhriyey oo waa laga wis wisay laakiin siilaanyo faysal waa la yaqaan aqoontooda iyo waxay yihiinba oo metelan siilaanyo markuu dunida wasiirka ka ahaa aqal ka cad tegayey heshiiskii iskaashiga ee dhexmaray usa iyo somalia qorayey daahir duuf buu lahaa ogoow hadii aan faysal kaaga waramo enjineeradii dalka somalia ugu caansan waa xeel dheere meel is taagay cilmi iyo hufnaan
waxaa hadalkaagii ku jirtay sheeko gaaban oo aad loogu qoslo oo kuwii odhan jirayba ka quusteen oo tidhaada siilaanyo dalkuu nabad gelyo daro ka ridayaa oo filim beri hore la jilay oo lasoo daawaday taasi waa beentii udub dadka ku beerlaxawsan jirtay ee giib noom taani eedo khuro kale keen kaas waanu waanaye intii berigii hore lagu qalday doorshadii madaxtooyada ee 80 cod ee muhmalku jiro ayey ku fashilantay eedo ee ogoow waayo buuri siilaanyo kurisa kagama gudbanayn eedo waqti badan kuma qaateen inuu dhegta soo qabto kabo shaagle waa hogaamiyaha keli ee dalkii uu qabsaday lagu yidhaado kii aad ku qabsatay ayaa 80 cad lagaga qaaday ee weliba loo cadeeyey siduu x cabdi waraabe cadeeyey malaa berigaa maad jirine waxaan filayaa in hadalkan danyar oo riqiis ahi kuu geysay inaad wax ka sheegto raga sharafta leh waxaad rabtaa raashin wfp lagaa siiyo ma qaadley ayaad tahay oo dhawr marduuf ayaa udub kaa qadataa oo intaas ayaa ku dhibtay ceebay tacaal waa maxa gabadh yar oo shaashada warbaahinta isa soo dhigay oo wax sheegaysa wax garadka dalka waxaa hadlaagii iyana ku jirtay siilaanyo iyo faysal dalka waxba usoo sidaan waxaan kuu sheegayaa dalka siilaanyo iyo faysl iyagaa u naxteex ah oo u dhaami lahaa kan ku dilay haraad caasimada uu ku noolaa ee iska hagaajin kari waayey laamiga hortiisa mara ee iskuuladii caruurta cunay waana la beladeayaa riyaale iyo kooxdiisa ee ayaanay dayn kaala tegin hadii lacag qaad ku lahayd eedo siilaanyo ama faysal ayaa dalka loo dhiibayaa doorkan waxaan filayaa mar hadii aad wax kusoo qortay boroor.com inaad meel kala biyo cabtay oo tahay kuwa maalinta riyaale hadlana yiaadha reer somaliland baanu hanay maalinta kale wax kale ku hadla riyaale horaan tiis na somaliland way jirtay wayna jiridoontaa ogoow taas dalka daahir waa laga bedelayaa labadaas nin baana mid bedelayaa ma guura ama qaxa adiga iyo noocaagu gebo gebo dalka sow anigu malihi

waa qalinkii
fahiima axmed
oslo nowrey
fahiima2011@hotmail.com

Friday, August 7, 2009

MADAXWAYNE SIILANYO WUU KA FIICNAAN DOONAA RAYAALE

MUSTAFE ABURAS, KULMIYE
Salaama Calaykum, Marka hore waxaan halkan Tacsi tiiraanyo leh oogu soo dirayaa dhamaan reer Somaliland guda iyo dibadba, Geeridii Naxdinta lahayd ee Halyey Cali Mohamed Guuleed Cali Marshal, oo ahaa ilays inoo iftiimaya. Ilaahay waxaan inooga wada baryayaa, inuu samir iyo imaan inaga siiyo isagana naxariistiisa eebe oogu deeqo.

Doorashadii way soo dhawaatay, murankii hore mid la mid ah ayaa hadana cirka isku shareeray, Marka aad eeegto wax qabadka Udub, ee shantii sano ay maamulka inoo hayeen, waxaad arkaysaa in wax ay mutaysteen in dib loogu doorto aanay inoo qaban. Udub waxay maal iyo maskax lahayd intay isku geeyeen, hal iskuul kumay dhisin, hal wado kumay jeexin, hal dhakhtar kumay furin, xataa Boorame oo uu ka soo jeedo, Rayaale waxba uma qaban. Markaa miyaanay ahayn, in aynu markan Mudane Siilaanyo xadhiga u dhiibno.

Udub iyo gudida doorashada Somaliland ayaa jabinaya xeerka dalka u yaala, marka ay rabaan inay laalaan, in doorashada lagu galo diiwaan gelintii la sameeyey. Udub ma laha rajo, sida kaliya eey ay ku boobi karaan shicibka waa in la qabto doorasho aan lahayn, diiwaan gelin, shaqaalaha oodhan iyagu ay Shaqaalaysiiyaan, si dhib yarna ay u xadaan doorashada( to rig elections). Si loogu yeedho dadka oromada oo layidhaa codeeya, si dadka aan wadanka u dhalan looyidhaa codeeya, si dadka dadka baahan lacag loo siyo, oo lay yidhaa noo codeeya. Balse hadii doorashada sidii loogu talo galay ay u socoto reer Somaliland diyaar uma ahay, Rayaale iyo kooxdiisa waraabayasha noqday, wasiirada xaaranta ku naaxay, iyo agaasimayaasha laaluushka walfay.
Xisbiyada mucaaridku waa in wax kasta oo dhaca aanay ogolaan inay doorasho galaan, diiwaan gelin la'aan, si marka dawladu u noqoto mid xaaraana, dadka shicibkuna u gadoodaan.
Ugu danbayn, Madaxwayne siilaanyo oo la doorto, wuxuu inoo jiidi lahaa, jidka nabada, horumarka iyo Jano cusub oo wadankeena hadhaysa, Shaqooyin loo jiheeyo dhalin yarada iyo jawahareerka oo aynu ka baxno.

Mustafe Aburas
Xubin Kulmiye party

Alle Ha U Naxariise Waxa Maanta Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Xabaalaha Boqol Jire Marxuum Cali Marshaal Iyo Boqol Dadweyne Ah Oo Ka Qeybgalay.







Hargeysa(HWN):- Alle ha u naxariiste Marxuum Cali Marshaal ayaa maanta si heer qaran ah loogu asaasay Xabaalaha Sheekh Muuse Ducaale Boqol Jire ee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu shalay shil baabuur oo kula dhacay Duleedka Magaalada Berbera ku geeriyooday.



Jinaasada aaska Marxuumka waxa ka qeybgalay Wasiiro, Hogaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE oo uu horkacayo Guddoomiye Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], Masuuliyiin ka socotay labada Xisbi ee UCID iyo UDUB, Shirgudoonka Golaha Wakiillada, Qaar ka mid ah Culimaa’udiinka Somaliland oo kala ah Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud [Aadan Siiro], Sheekh Maxamed Aadan Xildhibaano ka tirsan labada Gole Barlamaan [Guurtida Iyo Wakiillada],Guddoomiyaha garabka is-bedel-doonka Xisbiga UDUB Cabdilaahi Xuseen Iimaan [Darawal], qurba-joog, aqoon-yahano, iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha ku nool Somaliland.



Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo ayaa ka tacsiyadeedyey ummada reer Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timi masuulkii sare ee ka tirsanaa Xisbiga KULMIYE,isaga Ilaahay uga baryey inuu marxuum Cali Marshaal janadii Fardowsa ka waraabiyo, eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.



Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inuu Marxuum Cali marshaal ahaa shakhsiyad ay wax kastaaba kala weyn tahay danta caamka ah,waxaanu dantiisa gaar ah ka hormarin jiray danta guud isagoo markasta ku fikiri jiray wanaajinta iyo horumarinta wadankiisa hooyo waxaanu dibada uga yimi sidii uu ummadiisa wax ula qaban lahaa.



Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud [Aadan Siiro], Sheekh Maxamed Aadan oo dhamaantood ka hadlay inuu qofkasta uu maalin dhiman doono Sidaa daradeedna loo baahan-yahay inaynu u duceyno Marxuumka ummaduna isa saamaxdo.



Waxaanay Ilaahay uga baryeen inuu Marxuumka janadii fardowsa ka waraabiyo eheladii, qoyskii iyo guud ahaan ummada Somaliland-ba Samir iyo iimaan ka siiyo

Tix gaaban oo loogu baroordiiqayo Cali maarshaal

Tix gaaban oo loogu baroordiiqayo Cali maarshaal
(Hadhwanaagnews) Thursday, August 06, 2009
Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Tix gaaban oo gabay ah oo loogu baroordiiqayo Marxuum Cali Xaaji Muxumed Guuleed, Waxaa tirinaya Mubarak Mohamed Nur qoorubaxay


Hadii mawdku ruux daynayoo dunidu waarayso
ambiyadii ayaan laga dileen laysu soo diraye
In dadoow la wada mootan yahay waa daliil dhaba’e
hadbase taw danbaysaa Nafluhu dib u xasuustaa!

Hadii maanta duug lagu hubsaday Dirici Maarshaalba
halyey diran dulqaad iyo wanaag daacadnimo sheegtay
dun wanaag daryeelkiyo xaquu abid la duubnaado
salaadaan daayicin waqii duug intuu jiraye
allaylehe nin damaluu ahaa Daacada ilaahe,

Duco iyo waxaan marinayaa diin intaan kare
dariiqii rasuulkiyo kuwaad siisay derajaadka
Janadaada doorka ah kuwaad daarta uga yeeshay
ee naarta laga dayray iyo diga kulaylkeeda,
adaa daayinow kara waxaan cidina diidayne
Naxariista duugmada markaa laga dareerayo
malagyada la soo diray midkaad dowga garansiiso
dibnihiisa tawxiid midkii kara dabuubtaada
ee aan dariiqii ka lumin dawyada siraadka
Allaha daayinow inaad janada meelsan uga doorto
Oo fardawsa uu dego ayaan kaa duraansadaye,

dayartiyo agoontuu ka tegay daa’imiyo maato
samir aan ka duugoobin iyo doobi naxariisa
iyagana docdoodii ka yeel daawa lagu raysto
Anaguna diwaanada tacsida waa u diraynaaye
Kulmiye iyo dadweynuhaba waw maalin dayra ahe
damiirkiyo caqliga iyo jidhkaa noo dubaaxsamaye
Xusuustiisa baan naga damayn boqol diraacoode
Allahayoow digniin noogu filan duubigaa jabay

Mubarak. Q. U
qarmaaje@yahoo.com

Thursday, August 6, 2009

Halyey diran dulqaad iyo wanaag daacadnimo sheegtay, Allaylehe nin damaluu ahaa Daacada ilaahe” Baroordiiq Mubaarik Qoorubaxay u tiriyay Marxuum Ali G

Halyey diran dulqaad iyo wanaag daacadnimo sheegtay, Allaylehe nin damaluu ahaa Daacada ilaahe” Baroordiiq Mubaarik Qoorubaxay u tiriyay Marxuum Ali Gulaid Ali Marshal

August 6th, 2009 73 Comments »



TACSI GEERI NAXDIN LEH

Waxaa maanta oo ah Khamiis bishan August na tahay 6 2009 ku geeriyooday shil baabuur, Alle naxariistii jano haka waraabshee Marxuum Ali Gulaid Ali Marshal”. Mujaahidkan Ali, oo maamus iyo magacba ku leh ummada Somaliland, waxaa uu ka mid ahaa assaasayaashii SNM, aqoon yahayn kasoo shaqeeyay wadamo faro badan oo caalamka ka tirsan, iminkana ku sagnaa dalka Somaliland mudo lixbilood ah. Wakhtigan oo uu hay’ay xilka Gudoomiyaha olalaha doorashada ee Xisbiga Kulmiye, ee gobolada galbeedka. Marxuumkan ayaa maanta kula qalibmay gaadhigii uu la socday isaga oo ka hortagaya Gudoomiyahii Xisbiga Kulmiye oo isagu kasoo dagayay magaalada Berbera, Somaliland.

Marxuum Ali Gulaid, waxa aanu eebe uga baryaynaa in uu qabriga u nuuro, eheladii, asxaabta iyo dhamaan ummada Somaliland na waxa aanu leenahay samir iyo iimaan ilaahay ha idinka wada siiyo.

Waxa aanu jecelnahay in qoraalkan aanu ku soo gunaanadno baroordiiqdan, oo manta ka tarjumaysa warkaa naxdinta leh, ee naloo soo sheegay.
Gabay Tacsiyeed
Abwaan Axmed Maxamed Nuur-dhako





Warka sida jantaha iyo madfaca jibinta aan moodnay,

Ee maanta dalkaba jiidhay ee jeex kastaba gaadhay,

Jariidaadku goortay qoreen amase joornaalku,

Judhii ay maqleen bay dadkii wada jareeyeene,

Nin waliba halkii uu ku jiray jaw ka soo yidhiye,

Jariiradda iyo oohintiyo jiibta iyo taaha,

Iyo qaar iyaga oo aan jug qabin juuqba laga waayay,

Badhna jiifka aamine wadnaha jararacdiisiiye,

Mooraalka jiifsaday iyaga oo cagaha jiidaya,

Jawigoo beddelan bay dadkii jidadka buuxsheene,

Allahayow jannee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa,

Aamiin

Heduse way jirtaye geeriyaha midiba waa jaade,

Haddii ruux jacayl loo qabaa dunida joogaayo,

Oo malag arwaax uu jar yidhi jamasho ay baajin,

Jaliilkeenu kuu soo diray ayaa iilka jiifsadaye,

Ambiyaalihii lama jareen jawharta ahayde,

Dhammaanteen jidkaa geeridaa jaa’is loo yahaye,

Ninba inuu jiraba waa mid aan laga jawaabayne,

Jibaadkiyo baroor maatadaa jawda damin weyday,

Jagaduu banneeyay ilmada jagac ka siiyeene,

Allahayow janee oo ka yeel Nebiga jaarkiisa,

Aamiin

Jeedaalo goortaan ku dayo jabadkii aan aallay,

Ee uu jarmaadiyo kallaho igaga soo jiiday,

Jidkii uu dadweynaha la maray jaranjartii dawga,

Jilbis iyo abees iyo wuxuu halaq la soo jiidhay,

Jiidh debecsanaantuu bulshada kula hejaan-qaaday,

Uu kala jihaynaayay iyo nabad jacalkiisii,

Jambaynkii iyo hoguu kala bixiyo jar iyo laalaadka,

Haddii aan distoor jirin dadyahow tala majoogteene,

Jidkuu sii banneeyay anfacay maamulkoo jiray,

Markuu tiirar aan naga jabayn jooji yuu tegaye,

Allahayow jannee oo ka yeel nebiga jaarkiisa,

Aamiin

Jisaskii Qur’aanka oo dhan lagu jaan-gooyo,

Jaliilkaan baryanaa inuu naga ajiibaaye,

Jirabkiyo ciqaabtiyo raboow jaynafkiyo oonka,

Jahanama kuwaa lagu guray ee jixijix loo diiday,

Ilaahay kuwaa jabay adiga kulama soo joojo,

Jamhuuriyadda Somaliland shacab wixii jooga,

Ubadkaaga kuu jeelan iyo jaanka ahalkaaga,

Iyana samiir jamiilbay naftii ugu jawaabeene,

Allahayow jannee oo ka yeel nebiga jaarkiisa.

Aamiin

Madaxda Labada Xisbi Mucaarid Oo Shir Kula Yeshay Dalka Kenya Masuuliyin Dawladda Maraykanka

August 6th, 2009 Comments Off

Nairobi, Kenya (Kordhisocodka Blog) Guddomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed M Maxamud Silanyo iyo guddomiyaha xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Md Maxamed Rashid, Murashaxa Madaxweyne xigeenka ee xisbiga UCID ayaa maanta shir kula yeeshay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, wafti culus oo ka kooban xukuumadda Maraykanka.

Waftigan ay madaxda mucaaridka Somaliland la galeen shirka ayaa waxa ka mid ahaa Mr Donald Payne oo ah guddomiyaha guddida arrimaha dibada ee Barlamanka Maraykanka. Waxa kale oo ka mid ahaa mudanayal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka, kuwaas oo socdaal ku wehelinayay wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka, Hillary Clinton, oo haatan socdaal ku joogta dalka Kenya.

Madaxda xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo masuuliyinta Maraykanka aya ka wada hadlay geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland, iyaga oo Madaxda Maraykanku sheegeen sida ay uga xun yihiin go’aankii xukuumadda Somaliland iyo koomishanka qaranku dalka kaga saareen hayadii metelaysay deeq bixiyasha caalimga ee Somaliland ka cawiya doorashoyinka. Masuuliyintan Maraykanka ayaa sida wararku sheegen waxa ay madaxda mucaaridka Somaliland u cadeeyen in ay taagersan yihin mawqifkooda ah in liiska codbixiyaasha ee la diiwan galiyay uu sax yahay, sidaas darteed, doorasho lagu geli karo. Isla markaa waxa ay masuuliyintan ka socotay xukuumadda dalka Maraykanku carrabku ku d hufteen sida shacabka iyo dalka Somaliland uu indhaha caalamka usoo jiitay, ayna muhiim tahay in dimuqradiyadi iyo nidaamkii wanaagsana ee Somaliland aan la burburin.

Xukuumadda Somaliland ayaa wiigii hore dalka ka saartay hayadda Interpeace oo deeq bixiyasha caalimga ku metesha Somaliland. Xukuumadda ayaa ku eedaysay hayadan inay xisbiyada mucaaridka u qaybisay liiska diiwan geliyasha oo khaldan.

Kulankan dhex maray madaxda xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda Maraykanka ayaa waxa wararku inta ku darayan in xukumada Maraykanku weli rajo ka qabto in xukuumadda Md Rayale ay ka noqoto goaanki ay hayadda Interpeace dalka kaga saartay, isla markaana ku laashay liiska diiwan gelinta cod bixyasha. Hase yeeshe, sida wararku tibaxen, masuuliyantan xukuumadda Maraykanka ayaa walow aanay carrabka ku adkayn sheegay in haddii tasi surobi waydo ay dariiqo kale uga wareegayan oo ay kula macaamilan xukumada Md Rayale.

Shan cisho ka hor ayaa safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya warsaxaafaded ay soo sartay ku shegtay sida ay uga xuntahay ficilada xukumada Somaliland. Isla markaa, warar lagu kalson yahay ayaa intaa sheegayay in xukumadda Maraykanku ka baaran degayso, iyada oo kaashanaysa wadamada deq bixiyasha, gar ahaan kuwa Europe, sidi cuna qabatayn loogu soo rogi lahaa xukuumadda Md Rayale.

Sources: Somaliland.Org

Kenya, Nairobi

Midowga Yurub Oo Madaxweyne Rayaale U Soo Diraya Ergo Diblomaasiyadeed Oo Ku Qancisa Inuu Ka Noqdo .

(Kordhi News) Thursday, August 06, 2009
"Madaxweyne Rayaale Ma Ka Noqon Doonaa Go’aankiisii Adkaa Mise Wuxuu Sii Muqaaran Doonaa Mawjado Diblomaasiyadeed? "


Midowga Yurub, ayaa maalmaha soo socda ergo diblomaasiyadeed u soo diraya magaalada Hargeysa, si ay ula xaajoodaan madaxda Somaliland.iyadeed? "


Ilo diblomaasiyadeed ayaa xalay Geeska Afrika u xaqiijiyay inay maalmaha soo sodca magaalada Hargeysa soo gaadhi doonaan ergo culus oo loo soo diray Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo koomishanka doorashooyinka qaranka, si ay ugu qanciyaan inay ka noqdaan go’aanka ay ku laaleen liiskii diiwaangelinta cod bixiyaasha. Ergadaas oo uu warku sheegay inuu hoggaamin doono safiirka dalka Sweden u fadhiya magaalada Nayrobi ee Keny kana soo socdaalaya isla magaaladaas, ayaa waxa ay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin la yeelan doonaan kulan ujeedadiisu tahay inay ku qanciyaan inuu dib u eego go’aankiisaas. Sidoo kale waxa ay kulan la yeelan doonaan guddiga doorashooyinka qaranka oo ay iyagana kala hadli doonaan isla qodobka ay Madaxweynaha kala hadlayaan. Ergadan diblomaasiyiinta ah ayaa waxa sidoo kale la filayaa inay la kulmaan shirguddoonka Wakiilada iyo Guurtida. Ilahan xogogaalka ahi waxa ay Geeska Afrika u sheegeen in ergadan laga soo abaabulay xarunta Midowga Yurub ee Brussless ee dalka Beljam, waxaanay warbixinta ay kala noqdaan Hargeysa u gudbin doonaan Wasiirka Arrimaha dibadda ee Midowga Yurub.

Weftigan ergada ah ee uu hoggaaminayo safiirka Sweden, oo iyadu hadda haysa tallada midowga Yurub, waxa kale oo ay la kulmi doonaan ururada bulshada rayidka ah, oo ay kala sheekaysan doonaan hanaanka geedi socodka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Wadamada deeq bixiyayaasha ah ee taageera doorashooyinka Somaliland, ayaa ka cadhooday go’aankii ay guddiga doorashooyinka Somaliland ku laaleen liiskii diiwaangelinta, taas oo uu Madaxweyne Rayaalena ku taageeray, waxaanay magaalada Nayrobi ku martiqaadeen hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka oo iyagu qaadacay inay gallaan doorasho bilaa diiwaangelin ah.

Lama oga in Madaxweyne Rayaale, aqbali doono ergada reer Yurub oo uu ka noqon doono go’aankiisa adag, waxaana laga warqabaa in Madaxweynuhu dhawaan ku hanjabay inaanu ka noqon doonin go’aankiisa. “Waxaan u sheegay in aanan ka noqonayn go’aankayga ninkii raba in doorashadan uu NGO-gaasi qabto Nairobi ha kaga dab tago.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo Axadii shirjara’aid ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Hargeysa.

Wednesday, August 5, 2009

BEESHA AWAL BARI OO SI KULUL UGA SOO HORJEEDSATAY GOAANKA DAWLAD A IYO KOMISHIINKA EE DOORASHADA KU SAABSAN

Hargeysa Augost 5, 2009 (Kordhisocodka blogspot)-Beesha degta degaanada bariga Hargeysa, Berbera ilaa Burco ayaa ku eedeeyay Rayaale iyo xukuumadiisa in ay doonayaan dalka inay burburiyaan oo nabadu faraha ka baxdo, isla markaana ku bilowday talaabooyin ay ku doonayso doorasho bilaa diiwaangelin inay dadku galaan, taas oo ay uga dan leedahay si uu Rayaale ugu soo baxo kursiga madaxtinimada, taas oo ay ku sheegeen inay ka dhalan karaan jahawareer siyaasadeed iyo khilaaf hor leh oo dalka saamayn ku yeesha.

Beesha bariga Hargeysa, Berbera ilaa Burco waxay sidaa ku sheegeen kulan ay shalay kaga hadleen xaalada siyaasadeed ee cakiran ee dalka soo waajahday, ka dib markii go’aankii komishanka diiwaangelintii tacabka badan loo soo galay ay laaleen ee soo saareen in doorashada madaxtooyada ay codbixiyayaasha reer Somaliland ku galaan diiwaangelin la’aan, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay dembi qaranka laga galay. Waxa kale oo ay ku sheegeen mawqifkooda inay ka soo horjeedaan doorasho bilaa diiwaangelin ah inaanay ka qayb gelin kana yeelayn arrintaasi.

Kulankan ay beeshaasi mawqifkooda siyaasadeed ku cadeeyeen oo ay ku qabteen Steak Fish House ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha beelaha Awal bari, odayaal, Aqoonyano, waxgarad, culimaa’udiin iyo dhalinyaro ka tirsan beeshaasi.

Ugu horayn gudoomiyaha beelaha Awal Bari Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan, oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in aanay cidna ka yeelayn ficilada iyo maamul xumada xukuumadu kula dhaqmayso muwaadiniinta reer Somaliland, isla markaan ka soo horjeedaan in doorashada diiwaangelin la’aan lagu galo

Waxa kale oo uu baaq in nabadgelyada la ilaaliyo u diray gudoomiyaha beelaha Awal bari isla markaana tacsi u diray labada beelood ee shaqaaqadu ka dhex taagan tahay deegaanka Ceel bardaale inay ka heshiiyaan dhibaatada dhextaala, shaqaaqadaasi oo uu ku sheegay inaanay labada beelood dhexdooda ka iman, balse ay tahay mid la garanayo halka ay kaga timid, waxanu yidhi “ Sida imika dawladu u shaqaynaysaa waa si halis ah oo la doonayo inuu dalku burbur dambe dib ugu noqdo. Waxaan halkaa ka maqlayaa waxa la yidhi waxa la inooga taliyaa Kiiniya, waxaan leeyahay Kiiniya waa dal caalamiya oo haddii taladeeda aynu ku soconayno aynu ku meel mari lahayn laakiin waxa la inooga talinayaa Jabuuti inaga taana waxaan leeyahay suuro galimayso oo u mari mayso Jabuuti, olole la iska bilaabo, sanaaduuq la iskaga shubto inaan cidiba footayn oo maanta tii Jabuuti oo kale noqon-mayso” ayuu yidhi, waxana uu intaa ku daray “ Somaliland Axsabteedii oo dhan oo aan olole bilaabin ninka maanta olole furtay ayaan la yaabsanahay ololaha maanta uu furtay meesha uu ku wado. Waxaan leeyahay dadka halaga daayo nidaamkan burburka dhalin kara, nin maanta laga yeelayaana ma jiro keligay baan olole samaynayaa arrimahaa waxa ka wanaagsan talo wada-tashi” “haddii cidiba idinla ololayn waydo bal ka warama maxaa idin dhibaya, dhinaca kale waxaan tacsiyadaynayaa beelaha galbeedka labada beeloodba intii shaqaada kaga dhimatay waanu tacsiyadaynaynaa, maaha in la yidhaahdo beel uun baan tacsiyadaynayaa dhibta dhacday eek ala gaadhayna halka ay ka timid waynu garanaynaa” C/llaahi Awal Bari, waxa uu intaa ku daray “ diiwaangelintii aynu ku hawshoonay ee ictiraafka aynu ku heli lahayn haddii la iska dhaafo oo olole la iska bilaabo waxaad ku talo gashaan inta aad iska ololaysaan inaydaan sanduuq meel dhiganayn taana ku talada ku darsada.

Waxaan leeyahay ninka maanta dalka u talinaya iyo inta la talinaysa haday tan maanta ilaalin waydo inaanay isaga ka dambaynayn haduu doono dee ma ilaalinayo ummadiisii” sidaas ayuu yidhi, Gudoomiyaha beelaha Awal Bari, waxanu ugu baaqay dadka reer Somaliland inay nabadgelyada ilaashadaan wallow xisbiyada mucaaridku si weyn nabadgelyada u ilaashaan iyaga la’aantoodna nabadi ayna jirteen.

Muj Cali Maxamed Muuse, oo isaguna ka hadlay arrimahan cusub ee dalka soo waajahday, waxa ka mid ahaa hadalkiisa “Maanta halkan waxaanu badheedhahayga ku muujinaynaa inaanaan ogolayn sida khaldan ee dawladu wax u mamulayso, waxaynu soo galay diiwaangelintii oo tacab badani inagaga baxay. Arrintan ay xukuumadu wadato haddii aanu nahay beesha bariga Hargeysa, Berbera ilaa Burco arrinkasi anagu waanu qaadacnay, wax dhegahayagu maqli karaana maaha. Waxaan xasuustaa tii anigoo xilligaa inan yar ahaa marka aanu xaafadaha Sh madar soo lugaynayno ayaa inta askartu na qabto ay yidhaahdaan laba sanduuq oo isbarbar yaala kan ku rida waxa maanta ka socda hargeysa tii oo kale, maanta waxaan meel aan ka soo maro waayay dariiqa madaxweyne ku xigeenkii oo toban ciyaal ahi hor yaacayaan gawaadhi tikniko ahna ay hor socdaan.

Markaa sedan ay xukuumadu wax u wado ka yeeli mayno dalkan dhibaatooyin baa dadkani u soo mareen” sidaas ayuu yidhi Muj Cali Maxamed.

Gudoomiye ku xigeenka beesha bariga Hargeysa, Saaxil ilaa Burco Axmed Cali Xasan (Like) oo ka hadlay xaalada Ceel bardaale, arrinta muranka diiwaangelinta ku saabsan iyo mawqifka ay beeshu ka taagan yahay, waxa uu yidhi “ arrinta diiwaangelin la’aan ha lagu galo doorashada xaq maaha, caalamka waxaanu gaadhsiinaynaa in ummadan xaqeedii laga duudsiyey degdeg u soo gaadhaan. Ta kale waxaan tacsiyadaynayaa beelahan galbeedka ee mashaqada yari ka dhex dhacday. Waxaanu leenahay samir iyo iimaan ilaahay intii dhinac walba ka dhimatay ha idinka siiyo, ka beer xagaafanayey iyo ka wado marayay ee la dilay labadaba xaq daro ayaa lagu dilay ee beelo walaalo ah baad tihiin oo cidii isku kiin dirtay ayaa imikana idinka shaqaysanaysa ee idinku heshiiya.

Waxaan leeyahay labada wasiir ee koonfurta Hargeysa maalmahan shirarka ka waday ee lahaa cid hala soo qabto, waxba la soo qaban mayo ina Rayaale ayaa idin soo diraye ku dheh isaga soo qabo waa Cawli iyo ina Sulub waar ha ku lug gu’ina cidna soo qaban mayso’e” Sidaas ayuu yidhi Axmed Like.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay gudoomiyaha beesha degta deegaanada bariga Hargeysa, Berbera Ilaa Burco (Ciise Muuse) C/llaahi Abokor Cismaan, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay shaaca ka qaaday beeshu inay ka soo horjeedo doorasho bilaa diiwaangelin ah in la galo, waxa kale oo uu ugu baaqay dadka reer Somaliland inay nabadooda ilaashadaan wixii khalkhal iyo dhibaato ka dhex wadana wadajir uga hortagaan.

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Aadan Faarax, Xasan C/raxmaan, Foosi Ibraahin, Abwaan Xiis Maxamed Cilmi, oo halkaa ka tiriyey laba gabay oo nuxur ahaan xambaarsanaa dhibta loo soo maray dibu xoraynta dalka iyo tacadiyada Xukuumada Rayaale wado, xubno kale oo dhamaantood sheegay sida ay uga xun yihiin go’aanka ay xukuumadu ku laashay diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland iyo talaabooyinka aan loo baahnayn ee maamulka Rayaale kula kacayo dadka iyo dalka.



Xigasho Haatufnews Hargeysa

Riyaalow Dalkan Waa Loo Soo Dagaalamay Ee Haddaad Burburinayso Fadhiyi Maysid, Midhaheedana Deg-Deg Baad U Dhadhamin”

(Kordhisocodkablogspot) 04/08/09:– Urur siyaasadeedka UDHIS ayaa war-saxaafadeed uu shalay soo saaray ku sheegay in dalku galay marxalad qalafsan oo ku saabsan muranka arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka ee Go’aankii ay komishanku ku laaleen diiwaangelintii codbixiyeyaasha Somaliland iyo Erigii hay’ada Interpeace ee ay xukuumaddu dalka kaga saartay, arrimahaasi oo dalka ku keeni karaan go’doon go’doon dhinaca beesha caalamka inagaga yimaada..

Urur siyaasadeedka UDHIS xubno muhuum ah oo kulan ay shalay u qabteen saxaaafaad oo ay ku qabteen xarunta xafiiskooda magaalada Hargeysa. oo halkaasi ka hadlay ayaa madaxweyne Rayaale ku eedeeyey in masuuliyada kowaad ee hawshan ee dhibaatooyinkan dhacay ay dushiisa taal Rayaale iyo komishanka, ummada reer Somalilandna aabay u dulqaadan doonin. Waxa kale oo ay warsaxaafadeedkan ku sheegeen uga digeen beelaha Somaliland isku dayo laga dhex wado ee isku dhacyo siyaasadaysan haddiiba ay dhacaana ku dhamaystaan dhaqankooda soo jireenka ah, waxayna si buuxda u taageereen baaqii labada gudomiye gole baarlamaan ee doorashada waa in diiwaangelin lagu galo.

Ugu horeyn Muj:Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhago wayne) oo halkaasi ka hadlay ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa “ arrinkan masuuliyadiisa waxa iska lahaa dawlada inay doorasho xalaal ah qabato walaa interpeace ayaan loo diran, masuuliyada kowaad dawlada ayaa leh, halkaa waxay ka qiratay in lagu fashilmay, markaa eeda cid baan saarayaa, komishanka waa siidhi wale u dhexeeya kubada la ciyaarayo oo cadaalad ah, yaa doortay ? shan nin dawlada dooratay, shanta mar walba is casilayey ee qiranayey dambigooda ee aynu u googol badinaynay ha isa soo xidho iyagaa afkooda ka qirtaye.

Cida ay masuuliyadani ku oodan tahay waa dawlada iyo komishanka.

Interpeace iyadu lacag bay inoo keentay waa idin caawinaynaa ayey tidhi ee nidaam soo samaysta, waxa weeyi haday ku fashilmaan iyada lacagtiina waa laga qaatay horta waa in cidi dambiga qaadataa, meeshan dambi Qaranka laga galay ayaa dhacay, dambigaa cida leh waxa labada gole ka codsanaynaa cid madax banaan oo aduunyada kale hantidii la isticmaalay iyo hantidii ummada ee la isticmaalay intaba la baadho oo dambiga la soo saaro waayo waa wax wadanka ku dhacay, taladii wadanka halkay taagan tahay ayaa maanta inoo cadaatay, waxa weeyaan komishanku waa dambiile”ayuu yidhi Muj:Dhaga weyne, waxaanu intaas ku daray “ dalkan waa loo soo dagaalamay dhibaato iyo tacab badan ayaa loo soo maray , naftaa loo soo huray, markaa haddii ina Rayaalow aad burburinayso fadhiyi maysid, midhaheedana waad dhadhamin”ayuu yidhi. Waxa kale oo halkaas ka hadlay xubno kale oo dhamaan eeda waxyaabahan dhacay masuul ka tahay xukuumada Rayaale iyo kolishanka isla markaana sharciga la horkeeno

Intaa ka dib guddoomiyaha ururka UDHIS Muj:Ciise Curaagte ayaa halkaasi ka akhriyey war-saxaafadeedka ay soo saareen oo taabanayey dhinacyo badan oo xaalada siyaasadeed ee dalku haatan marayo, isagoo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan: ‘Nus qarni ayey ku dhaw tahay inta laga joogo maalintii Somaliland xornimadeedii ay ka qaadatay ingiriiska, mudada intaa leeg halkii horumar laga samayn lahaa waxa wadankeena wakhtigan ka jira dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin shaqo la’aan, a baaro hoos u dhac dhaqaale iyo rajo xumo laga qabo mustaqbalka, taas oo keentay inay dhalinyarada wadankeenu badaha isku daadiyaan, hadana waxa baryahan dambe soo kordhayey xaalado khatar ku ah nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland.

Waxaana xaaladahaasi ka mid ah:1. qaska iyo jahawareerka ka aloosan arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta.

2.eriga intar peace iyo habka ay deeq bixiyeyaashu inoo caawin lahaayeen, si ay u qabsoonto doorasho xaq ah oo lagu kalsoon yahay.

3. colaado beeleed oo siyaasadaysan sida arinta ka taagan Ceelbardaale.

4. Cabudhin, xadhig iyo cago juglayn joogto ah oo lagu hayo saxaafada madaxa banaan isla markaana ay xukuumaddu adeegsato warbaahinta Qaranka oo ay ka dhigtay meelo u furan cay iyo aflagaado, sidaa darteed ururka UDHIS wuxuu halkan ku soo bandhigayaa mawqifkooda ku waajahan arrimaha wadanka la soo darsay ee khatarta ah.

1. Muruga Diiwaangelinta iyo komishanka Qaranka.

*

Waxay dhibaatadu ka bilaabantay xulistii xubnaha komishanka doorashooyinka Qaranka iyo ujeedadii ku daahnayd ee laga lahaa, tayo xumadoodii marka loo eego qof qof iyo wadar ahaanba, halkaa waxa ka muuqata in danta qofka ee gaar ah laga horaysiiyey midka Qaranka iyo danta guud.
*

Waxay keentay tayo xumada Xubnaha KDQ muddo dhaaf fara badan oo xad dhaaf ah, ahna mudada madaxweynaha iyo ta asxaabta Qaranka, isdhaafinta doorashada golaha Deegaanka iyo ta madaxweynaha intaas oo dhan oo raad raac iyo sharci toona lahayn.
*

Hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo maanta ay ka taagan tahay carqalada ugu weyni waxa keenay maamul xumida KDQ oo sababtay in aan lagu darin sawirkii farta oo qayb muhiima ka ahayd ururinta xogta codbixiyeyaasha.
*

Waxa kale oo ka badh ah guuldarada ay keentay maamul xumida KDQ in xubnaha komishanku u dirteen gobolada Qaarkood ay si sharci daro ah wax u maamusheen taasina ay sababtay kalsooni daro iyo shaki bara badan oo heer kasta ah.
*

waxa xusid mudan aduunkii loogu talogalay hawshan oo aan la ogayn xisaab xidhkiisa, iyo meel uu ku dambeeyey ilaa maanta.
*

Diiwaangeliye Qaran iyo dadkii aqoonta u lahaa shaqada oo meesha ka maqan, inkasta oo qodobkani si cad ugu qeexan yahay xeerka doorashooyinka hadana si badheedh ah laysku hor taagay.

2. Eriga hay’ada Inter peace.

Ummada reer Somaliland hay’ada interpeace waxba umay igman, haddii ay wax kharibtayna waxa masuul ka ah komishanka Qaranka oo ay ummaddu hawsha u igmatay, lagana rabo xisaabtankeeda, sidaa darteed, UDHIS waxay u aragtaa in hay’ada interpeace ay waxtar u lahayd Somaliland oo ay caawimada inooga keeni jirtay deeqbixiyeyaasha, eriga interpeace takoorid beesha caalamka iyo carqalad siyaasadeed uu ku keeni doono Somaliland.

3.Colaadaha beelah iyo doorka axsaabta Qaranka.

Waxaanu aaminsanahay inay jiraan waxyaabo muujinaya inay axsaabta qaarkood siyaasad dhexgaliyaan khilaafyada beelaha si ay uga helaan faa’iido siyaasadeed colaada beelaha, taasina waa dambi xun oo aan loo dulqaadan Karin.

Waxa kale oo jirta inay axsaabtu qayb ka yihiin dhibaatooyinka ka taagan Diiwaangelinta iyo doorashada.

Hadaba, inkasta oo mawqifka hadda ay istaageen labada xisbi ee mucaaridka ahi (Doorasho bilaa diiwaangelin ah waxba kama jiraan) uu wacan yahay, hadana waxaanu u aragnaa inay axsaabtu wax ku leeyihiin qaladaadka dhacay ee keenay marxaladan imika aynu marayno, waxaana ka mid ah qaladaadkooda:

1.

muddo kordhintii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
2.

dib u dhigista doorashada goleyaasha Deegaanka oo ahayd doorashada ururada siyaasadu ku kala hadhaan.
3.

Dabarka ururo siyaasadeed oo kale.
4.

xalinta xubnaha tayada xun ee komishanka doorashooyinka.

Gebogabo.

Hadaba UDHIS waxay soo jeedinaysaa qodobadan soo socda:

1.

inay tahay sharci daro laalista diiwaangelintu, ka sokowna ay muujinayso ujeeddo uu ka lahaa UDUB tayo xumida komishanka doorashooyinka Qaranka xulistii horaba.
2.

in erigii wakiilka hay’ada interpeace aan laga fiirsan, cawaaqib xumana ay u yeelan doonto Somaliland.
3.

UDHIS waxay ku boorinaysa dadweynaha Somaliland in aanay ka qaybgalin doorasho aan diiwaangelin lahayn, kana fiirsadaan dhibta ay keeni karto.
4.

UDHIS waxay beelaha Somaliland uga digaysaa inay iska ilaaliyaan iska hor keen siyaasadaysan oo ay ku wada noolaadaan nabadgalyo iyo walaaltinimo, wixii khilaaf dhexmarana ku xaliyaan dhaqankooda.
5.

si looga fogaado cawaaqib xumo ku timaada dalka iyo dadkaba waa in dalka lagu wareejiyo dawlad ku meel gaadh ah oo lagu wada heshiisyahay oo dalka gaadhsiin karta doorashooyin xor iyo xalaal ah.
6.

waa in sharciga la horkeeno komishan ku sheega Qaranka ee sababta u ah dhibtan iyo muruga uu galay dalku.
7.

UDHIS waxay taageeraysaa baaqii ay soo saareen labada guddoomiye gole (Guurtida iyo Wakiilada).
8.

waa in la joojiyo cabudhinta iyo cadaadiska lagu hayo saxaafada madaxa banaan.
9.

UDHIS ugu dambayn waxay u soo jeedinaysaa labada gole Baarlamaan ee Somaliland in xilka badbaadada Qaranku uu iyaga dusha ka saaran yahay iyo ciddii ay la kaashadaan iyagu.”
Muj: Ciise Curaagte.
Xigasho sooyaalnews


Date: 2009-08-04

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Khamiista U Dhoofaya Somaliland Iyo Duruufta Ku Xeeran.

(Kordhisocodkablogspot} Guddoomiya Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye Mud: Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa dib ugu noqonaaya Somaliland, wararka ay helayso Hadhwanaagnwes ayaa noo xaqiijiyay in Axmed Silaanyo ku labanaayo waddanki malinta khamista ah bishunatahay 06/08/2009
Guddoomiye Axmed Silaanyo iyo dhigiisa Faysal Cali Waraabe waxay ka qayb galayaan kulan ay layeelanayaan Dawladda Maraykanka, ka soo ka dhacaaya waddanka kenya markuu shirku dhamaado ayuu Mud: Axmed-Silaanyo ku labandoonaa Somaliland. Siilanyo ayaa uyimi waddanka Kenya arin caafimad wuxuuna hada dhameysay badhistii cafimaad.


Dib u noqushada Axmed Silaanyo ayaa ku soo beegantay wakhti uu jiro muran xoog lihi oo ka dhashay doorashadii lafilaayay kadib markii koomishanka doorashooyinku laa leen diwaangalinti, si kasta oo ay noqotaba wixii warara kala soco shebekeda caalamiga ee Hadhwanaagnwes.





Xigasho Hadhwanaagnews

Tuesday, August 4, 2009

Afhayeen U Hadlay Xafiiska Arrimaha Dibadda Britain Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Go´aankii Madaxweyne Rayaale

(Hadhwanaagnews) Tuesday, August 04, 2009
Afhayeen U Hadlay Xafiiska Arrimaha Dibadda Britain Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Go´aankii Madaxweyne Rayaale
London (Hadhwanaagnews.com)-- Afhayeen u hadashay xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka dalka Britain ee loo soo gaabiyo FCO ayaa ku tilmaantay go´aankii dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin mid lala yaabo oo wax u dhimi kara hanaankii dimuqraadiyadda Somaliland "Dawladda Britain waxay xidhiidh wada shaqayneed oo dhaw la leedahay maamulkaasi (Somaliland) oo xasiloona muddadii dhawr iyo tobanka sannadood ahayd ee mandaqadda Soomaaliya dagaalada iyo colaadahu ka jireen, dawladda Britain waxay taageero u fidisa markasta dawladda iyo shacabka Somaliland waxaanu dhawaan bixinay kharash dhan £158,000 oo u dhiganta 250,000 kun oo dollarka maraykanka ah annagoo ku wareejinay guddida doorashada ee somaliland si loo fuliyo hawlahii diiwan gelinta, Britain waxaa ay markasta diyaar ula tahay Somaliland taageero kasta oo loo baahdo si loo xoojiyo nabadgelyada iyo xasiloonida iyo dimuqraadiyadda halkaasi ka hirgelay" ayey tidhi Cathy Smith oo ah haweenay u hadlaysay waaxda arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Britain.

Mrs Smith oo ka jawaabaysay go´aankii dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland ee uu Somaliland kaga musaafuriyey madaxii Haayadda Interpeace oo dalalka deeq-bixiyayaasha ah ee Britain ka midka tahay u xilsaareen inay hubiyaan qaabka ay doorashadu madaxtooyadu u dhacayso ayaa ku tilmaantay go´aan lala yaabo oo ah ayey tidhi in Madaxweynahu dib uga fiirsado "go´aankaasi wuxuu ahaa mid aan u fiicnayn dimuqraadiyadda koraysa ee Somaliland, waa mid khalkhal iyo jahawareer ku ridaya habkii doorashadu u dhici lahayd, waana mid iska hor keenaya qaybahii ku tartamayey doorashada, Britain way la yaabtay go´aankaasi waxaananu Madaxweynaha usoo jeedinayna inuu go´aankaasi dib uga fiirsado"ayey tidhi haweenaydaasi.

Hadalkani ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda ee britain ayaa waxaa isaguna dhinac socda qoraal ka soo baxay safaaradda maraykanku ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka ingiriiska oo lagaga codsanaayo Madaxweyne Rayaale inuu dib uga noqdo go´aankii uu dalka kaga saaray haayadda Inter Peace.

xidhiidhkii u dhexeeyey dalalkii wada shaqaynta dhaw la lahaa Somaliland ayaa u muuqda inuu dhaawac soo gaadhay ka dib go´aankii Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ka soo baxay ee uu dalka kaga musaafuriyey haayadii Interpeace.

Maraykanka Iyo EU’da Oo Qiimeenaya In Xayiraad Socdaal Iyo Mid Dhaqaale La Saaro Riyaale

(London,Sooyaalnews) 03/08/09 :- Safaarada maraykana ee nairbo ayaa maanta soo saartay war saxaafadeed ay ku cambaareenayso go’aanka Madaxweyne Rayaale iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku soo saareen eek u aaddanaa in Diiwaangelin-la’aan lagu galo Doorashada. Waxaana ay ugu baaqeen Madaxweyne Rayaale in uu ka fiirsado go’aankaas oo uu dib ugu noqdo.



Massuul ka tirsan shaqaalaha safaarada nairobi ayaa sheegay in ay ka fakarayaan hadii dawlada Riyaale ka noqon waydo go’aankeeda, in sida ugu dhakhsaha badan ay ugu soo rogaan xayiraad la saaro dhaq dhaqaaqa socdaal “travel vissa” iyo xanibaad lagu soo rogo dhamaan wixii dhaqaale ah ee u yaala accounts kooda dibadaha”.



Talaabadan ayaa noqond doonta mid gabi ahaanba saameesa wasiirada dawlada Riyaale. Hore ayaa qaar kamid ah diblomaasi ka tirsan wadamada iyagu ku bahoobay Euriope u soo qaadeen fikrada ah in wadanmadoodu ka fiirsanayaan sidii ay xayiraad xaga socodka ah loogu soo rogi lahaa siyaasiyiinta xukumada Riyaale, hadii ay is hortaagaan geedi qabsoomida doorashada Somalailand ee dhawaan lagu wado in ay ka dhacdo dalka Somaliland.



Dawlada Riyaale ayaa u muuqata mid wadamada reer galbeedku ku quus gooyeen, iyada oo wadamo badan oo jecel in wax la qabtaan Somaliland na ay sugayaan dhamaystirka doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Somaliland.



Bishii July 13 keedii ayaa Hay’ada Human Right Watch soo saartay qoraal 56 bog ah, oo ay cinwaan uga dhigtay “Dimoqraadiyad Curdin ah oo halis ku jirta Qalalaasaha Doorasho wuxuu caddeynayaa walaac ka wayn ee Xuquuqda Aadanaha”. Qoraalkan ayaa ahaa mid si tafi tiran uga waramay tacadiga iyo gafafka dawlada Riyaale kula kacdo saxaafada madaxabanaan, siyaasiyiinta mucaaridka iyo shakhsiyaadka kale ee iyagu markaa wax ka sheega dawlada Riyaale.Waxaana muuqata in war saxaafadeedka maanta Maraykanku soo saaray tahay mid muujinaysa walaaca iyo dareenka xun ee wadamada reer galbeedku ka qabaan sida ay xukumada

Riyaale u dhaqmayso.



Maaha markii ugu horeesay ee wadamada reer galbeedku saaraan xayiraad noocan oo kale, qaarka mid ah madaxda Afrika ee iyagu ku xadgudba arimaha xuquual insaanka iyo dimuqraadiyada la xidhiidha ayaa iyaga xayiraad noocan oo kale ah hore loo saaray. Waxaana ka mid ah siyaasiyiinta iyagu xayiraadani lagu soo rogay Robert Mugabe, naagtiisa iyo qaar ka mid ah wasiirada dawladiisa. Waxaa kale oo isna xayiraad noocan oo kale la saaray madaxweynaha Sudan Mudane Omar al-Bashir.

Xigagsho Somaliland.org

KULMIYE IYO UCID OO MIDOOBAY

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo UCID ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale oo uu ku sheegay in talada dalka iyo Doorashooyinkaba aanay Axsaabta iyo Golayaasha Qaranku la wadaagin ee uu isagu kaligii go’aan ka gaadhi karayo.

Hoggaanka sare ee labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Kulmiye oo maanta shir-jaraa’id wada-jir ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay samaynayaan guddi wada-jir ah oo midaysan, kana kooban labada Xisbi Mucaarad. “Dhawaan waxaanu soo saaraynaa guddi midaysan oo labada Xisbi ah (Joint Committee), kuwaas oo arrimahan soo baxay si wada-jir ah u wada wajaha. Labadayada Xisbi iskumaanu darsamin oo maanu midoobin, hase ahaatee arrimahan taagan ayaanu aragtiyada si midaysan u samaynaynaa, si aanu nook ala qaybqaybin (Madaxweynuhu)” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa Masuuliyiintii Shirkaa-jaraa’id ka hadlay. Waxaanu baaq u diray Beesha Caalamka. “Beesha Caalamka waxaan u sheegaynaa haddaanu nahay Umadda reer Somaliland in aanu abaalka ay noo galeen u hayno ee arrintan ay geysteen Madaxweynaha iyo Komishanku. Waxaananu ka codsanaynaa in aanu xaqagaya ka helno oo ay sidii inoo garab-taagnaadaan.” Ayuu intaa raaciyay.

Guddoomiyaha UCID mar uu ka jawaabayay su’aal ku aaddanayd hadal uu sheegay Guddoomiyaha Komishanku oo ah in Xisbigii aan u hoggaansamin Go’aankooda ay tartanka Doorashada ka reebayaan, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Sharcigu wuxuu dhigayaa in Doorashada ay u tartamaan saddex Murashaxa. Laakiin, hadduu isleeyahay sidii Robert Mugabe (Madaxweynaha Zimbabwe) ayaad kaligaa iska wadan doontaa, taasi suurtogeli mayso. Jaamac-Sweden maalintii uu yidhi Diiwaangelinta waanu laalnay, waxay ku ekayd maalintii Is-casilaadda laga sugayay, dabadeed wuxuu eryay kuwii isaga eryayay oo uu Kiiskii ku burburiyay. Awooddaa ma leh, anaga ayaa awooddaa leh oo haddaanu Kalsoonida kala noqono ay tahay inay iska tagaan.”

Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaa ka hadlay ayaa hadalkii ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale shalay ku tilmaamay wax lala yaabo, waxaanu sheegay in hadaladiisu aanay ahayn hadalo ka soo yeedha Madaxweyne Qaran. “Maqaamka uu noola hadlayo ayaa ah kii Guddoomiye Xisbi, sidaa darteed waa Guddoomiyaha UDUB, hase ahaatee, marka uu noola hadlo sida Madaxweyne Qaran. Anaguna meeqaamkeeda ayaanu kula hadlaynaa.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

Monday, August 3, 2009

Maraykanka oo baaq u jeediyay Madaxweyne Rayaale iyo Komishanka

Maraykanka oo baaq u jeediyay Madaxweyne Rayaale iyo Komishanka

August 3rd, 2009 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Dawladda Maraykanka ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay go’aanka Madaxweyne Rayaale iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku soo saareen eek u aaddanaa in Diiwaangelin-la’aan lagu galo Doorashada. Waxaanay ugu baaqeen Madaxweyne Rayaale in uu ka fiirsado go’aankaas oo uu dib ugu noqdo.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Dawladda Maraykanku waxay si aad ah ula yaaban tahay go’aanka Madaxweynaha iyo Komishanka.

Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi Somaliland.Org heshay, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Dawladda Maraykanku waxay si aad ah ula yaaban tahay waxyaabaha dhawaanahan ka soo kordhay Somaliland, gaar ahaan go’aanka Madaxweyne Rayaale iyo Guddida Doorashooyinka Qaranku, kaas oo ay ku laalayaan Liiska Diiwaangelinta ee dhawaan la dhamaystiray. Waxaanu rumaysanahay in Liiskaasi uu saldhig u yahay Doorashooyinka loo muddeeyay inay dhacaan 27 September. Waxaanu si toos ah ugu baaqaynaa Madaxweyne Rayaale in uu ka dib uga fikiro go’aankiisaas.”

English version:
U.S. Embassy, Nairobi, Kenya
Press Release
August 3, 2009

U.S. Dismayed with Somaliland Developments

The United States government is profoundly dismayed with the recent developments in Somaliland, particularly the decision by President Riyale and the National Electoral Commission to discard the recently-completed voter registration list. We believe the list forms a sound basis for use in the elections scheduled for September 27. We have directly urged President Riyale to reconsider his decision.



END:



Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

MUDANE SIILAANYO AND FAYSAL OO ISUGU TAGAY NAIROBI

Hargeysa, August 3, 2009 (Haatuf) – Musharaxiinta xisbiga siyaasiga ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenkiisa Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan ayaa la filayaa in ay maalmahan u baqoolaan dhinaca dalka Kenya, halkaas oo uu hore u sii joogay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, iyada oo la sheegay in ay madaxda labada xisbi Mucaarid ay halkaas kula kulmi doonaan Saraakiil ka socota wasaarada Arimaha dibeda ee Maraykanka iyo wakiilada qaadhaan-bixiyeyaasha oo fadhigoodu yahay Nairobi.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID, Socdaalka Murashaxiinta xisbigaasi ay ku tagayaan dalka Kenya ayaa waxa nuxurkiisu yahay kulamo diblomaasiyadeed oo ay la yeelanayaan qaar ka mid ah dalalka Somaliland taageera, Saraakiil ka socota wasaarada arimaha dibeda, Baarlamaanka Maraykanka iyo Wakiilada Qaadhaan bixiyeyaasha uu fadhigoodu yahay Nairobi, kuwaas oo la filayo inay ka wada hadlaan xaaladda doorashooyinka Somaliland oo uu ka dhashay khilaaf kadib markii ay Komishanka doorashooyinku laaleen natiijadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana ay xukuumaddu Eridey wakiilkii hay’adda Interpeace u joogay Somaliland.

Kulanka hogaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaridka iyo beesha caalamka ku dhex mari doono todobaadkan dabayaaqadiisa ayaa la rumaysan yahay in ay madaxda xisbiyada Mucaaridku ay doonayaan in ay beesha caalamka ku qanciyaan inay cadaadis ku saaraan Madaxweyne Rayaale sidii uu uga noqon lahaa go’aanka laalista diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo inaanay Somaliland lumin kalsoonidii beesha caalamka ay ka qabtay, taas oo ay dalalka qaadhaan-bixiyeyaashu gacan weyn ka geysanayeen diiwaangelinta iyo doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo isagu muddo laba todobaad ah hawlo dhinaca caafimaadka ah u jooga dalka Kenya ayaa qorshahiisu waxa uu ahaa inuu maanta ku soo laabto dalka Somaliland, balse sida ay sheegeen saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye waxa imaanshaha guddoomiyaha dib u dhigay balanqaad uu ka helay guddoomiyaha guddi hoosaadka arimaha dibeda ee Maraykanka Donald Payne oo ka mid ah wefti ka socda dalka Maraykanka oo ay hogaaminayso haweenayda xoghayaha arimaha dibeda ee dalkaasi Mrs Hillery Clinton oo maalinta Arbacada socdaal ku tegi doonta dalka Kenya, waxaana la filayaa in Axmed Siillaanyo iyo Madaxda Xisbiga UCID ay halkaas kula kulmi doonaan Mudanaha Aqalka Baarlamaanka Maraykanka Donald Payne iyo saraakiil Sare oo ka tirsan wasaarada Arimaha dibeda ee dalkaasi, iyada oo uu mudanahaasi uu dhawaan kula kulmay dalka Maraykanka Xoghayaha Arimaha Dibeda ee xisbiga kulmiye Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo dhawaan booqasho ku tagey dalkaasi.

Kulamada ay madaxda xisbiyada Mucaaridku kula yeelanayaan Nairobi diblomaasiyiin ka tirsan beesha caalamka iyo dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhinaca Dimuqraadiyada iyo doorashooyinka ayaa ku soo beegmay xilli ay dalka ka aloosan tahay khilaaf siyaasadeed oo hor lihi, kaas oo ka dhashay Laalistii Komishanka ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka iyo Erigii Wakiilkii Hay’adda Interpeace, taas oo ay xisbiyada Mucaaridku gaashaanka ku dhufteen laalista Natiijada doorashooyinka iyo Eriga Wakiilka Interpeace, iyada oo ay dadka reer Somaliland iyo beesha caalamkuba xilligan cabsi ka qabaan is-mari-waaga dhinacyada Siyaasada oo sababi kara dib u dhac ku yimaada doorashadii la filayey inay ka dhacdo Somaliland, isla markaana u horseedi karta dalka khalkhal dhinaca siyaasada ah.