Saturday, August 1, 2009

MUCAARIDKA OO UGU BAAQAY BEESHA CAALAMKA IN SOMALILAND LAGA BADBAADIYO GODKA MADOW EE RIYAALE KU RIDEY

Hargeysa (Sooyaalnews) 01/08/09“Falka uu ku tallaabsaday Rayaale waxay dhaawac aan laga soo kaban karin gaadhsiin kartaa himiladii ummadani higsaneysay 18ka sanno”

“Waxaannu ka codsanaynaa dhammaan shacbiga Somaliland iyo beesha caalamkaba inay u soo gurmadaan badbaadada dimuqraadiyadda iyo jiritaanka qaranimada Somaliland, kana oggolaan Daahir Rayaale inuu masiirka iyo rajada ummadda god madow ku rido”

Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE, ayaa gaashaanka ku dhuftay, ugana soo horjeestay go’aankii xukuumaddu dalka kaga saartay hay’adda Interpeace, kaasoo ay ku tilmaameen mid dhabar-jab ku ah himiladii ummadda Somaliland higsanaysay iyo in dalka ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Warsaxaafadeed labada xisbi mucaarad si wadajir ah saqdii dhexe ee xalay u soo saareen oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Ku-simaha Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxay si adag ugaga digeen cawaaqib-xumada ka dhalan kara tallaabooyin ay sheegeen in xukuumadda Madaxweyne Rayaale beryahan dambe si badheedh ah ugu minjo-xaabinayso doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca iyo hannaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland.

Waxa kaloo xisbiyada mucaaradku si kulul u cambaareeyeen habkii dalka looga mastaafuriyey madaxii hay’adda Interpeace, kaasoo ay ku tilmaameen in loola dhaqmay si argagixiso ah oo ka baxsdan milgaha dawladnimo iyo bani’aadamka.

Geesta kale, waxay eedaymo culus u jeediyeen Madaxweyne Rayaale oo ay xuseen inuu tallaabooyin liddi ku ah qarannimada iyo himiladii ummadda Somaliland higsanaysay, iyagoo xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinkana ku eedeeyey inay ka baxeen heshiiskii saddexda xisbi qaran wada gaadheen.

Warsaxaafadeedka labada xisbi mucaarad ku soo bandhigeen mowqifkooda ku wajahan go’aanka xukuumaddu dalka kaga eriday hay’adda Interpeace waxa uu u dhignaa sidan:

“Sida laga warqabo muddo ku siman 18 bilood waxa ay doorashadii madaxweynuhu u dabraneyd hirgelinta diiwangelinta sida ku xusan xeer 20 ee doorashada oo odhanaya doorashada laguma geli karro bilaa-diiwaangelin. Waxaynu la soconaa in abaabulka ugu weyn xukuumadda iyo shacbiguba ka galeen sidii diiwaangelinta loo dhammaystiri lahaa. Waxa nasiib-darro ah in markii natiijadii soo baxday in Daahir Rayaale goostay in uu daadafeeyo; ummaddana ku khasbo in doorashada lagu galo bilaa-diiwaangelin, taas oo ka soo horjeeda sharciga iyo xeerka dalka u yaal. Taasi waxay caddayneysaa in aannu Daahir Riyaale marna u diyaar ahayn doorasho xor iyo xalaal ah oo uu ka dhiganayey diiwaangelinta cimri-dherer.

Waxa kaloo aynu la soconaa isaga oo ka baxsanaya doorasho xor oo xalaal ah inuu fal argagaxiso ah lagu afduubay wakiilkii hay’adda caalamiga ah ee Interpeace mudane Samoora, loona mustaafiriyay si bini’aadminimada iyo hab-dhaqanka dawladeedba ka baxsan, loona fushado dano gaar ah. Waxa kale oo xusid mudan in la sheego in qalabkii hay’adda caalamiga ah lahayd ay xukuumaddu gacanta ku dhigtay, taasoo lid ku ah xeerarka caalamiga ah

Waxa kale oo aannu ifinaynaa in xubno ka mid ah Komishanaku si qaawan uga tallaabsadeen heshiiskii ay saddexda xisbi qaran iyo Komishanku wada saxeexeen oo ahaa in natiijada ka soo baxda SERVERKA sideeda loo aqbalo laguna hawlgalo.

Labada xisbi qaran ee KULMIYE iyo UCID waxay si adag u deedafeynayaan dhawaaqa dhabar-jabka ku ah yoolkii ummaddu higsaneysay ee geeddi-socodka doorasho xor oo xalaal ah. Falkaas oo niyad-jab ku ridaya cid kasta oo u hiilisa in ummaddani wax noqoto.

Waxa kale oo ay labada xisbi qaran si wadajir ah u cambaareynayaan falkaa foosha xun ee lagula kacay wakiilkii Interpeace, loonana dhaqmay sida bani’aadminimada ka baxsan. Haddaba, labada xisbi qaran waxay ka digayaan cawaaqib-xumada ka dhalan karta arrintaas oo horseedi karta qalalaase iyo burbur ku yimmaadda dalkan, sidoo kalena saameyn ku yeelan karta Geeska Afrika (Horn of Africa).

Dhinaca beesha caalamka falka uu ku tallaabsaday Daahir Rayaale waxay dhaawac aan laga soo kaban karin gaadhsiin kartaa himiladii ummaddani higsaneysay 18kii sanno ee goonni-isu-taagga Somaliland; siday dawladaha daneeya geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland ku muujiyeen baaqii cuslaa ee ay soo saareen bishan July 29keedii. Waxay labada xisbi qaran si buuxda u taageerayaan qayladhaantii iyo goobaabintii deeqbixiyaashu ka soo saareen arrimaha doorashada ee hadda taagan. Waxa kaloo labada xisbi ku ballanqaadayaan inay si joogta ah ula shaqeeyaan cid kasta oo rabta hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah.

Haddaba, labada xisbi waxay u dirayaan dhammaan ummadda Somaliland iyo beesha caalamka siiba waddamadii iyo hay’adihii gacanta weyn ka geystay horumarinta, geedi socodka dimuqraadiyadda iyo diiwaangelinta khaasatan EUda, USAID iyo waddamada UK, Denmark, Norway, Sweden iyo Switzerland.

Waxa ay labada xisbi qaran ka codsanayaan dhammaan shacbiga Somaliland iyo beesha caalamkaba inay u soo gurmadaan badbaadada dimuqraadiyadda iyo jiritaanka qarannimada Somaliland, kana oggolaan in Daahir Rayaale masiirka iyo rajada ummadda god madow ku rido.”

Xukuumadda Somaliland ayaa shalay soo saartay go’aan ay dalka caydhisay hay’adda Interpeace oo dhinaca farsamada iyo dhaqaalaha ka taageeri jirtay Komishanka Doorashooyinka.



XG: Jamhuuriya

Maraykanka oo hakiyay socdaal Axmed-Siillaanyo kaga soo laaban lahaa Nairobi

Maraykanka oo hakiyay socdaal Axmed-Siillaanyo kaga soo laaban lahaa Nairobi
August 1st, 2009 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa sheegay in la hakiyay sodaal uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) berri kaga soo laaban lahaa dalka Kenya oo uu mudo caafimaad u joogay.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xalay khadka talefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Ogaal isaga oo jooga magaalada London, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in socdaalkiisa Washington uu la xidhidhay martiqaad uu ka helay Baarlamaanka dalkaas. Xoghayuhu wuxuu sheegay in mudadii uu joogay Washington uu la kulmay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Sen. Donald Payne oo ah Guddooiyaha Guddi-hoosaadka baarlamaanka dalkaas u qaabilsan arrimaha Afrika.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu sheegay in masuuliyiintii uu la kulmay uu xog-waran ka siiyay xaaladda Somaliland, isla markaana uu dorraad kulan la yeeshay Xoghayaha Bariga Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka. “Masuuliyiintaa aanu kulanka wada yeelanay ee arrimaha dibadu waxay muujiyeen inay aad uga xun yihiin go’aanka lagu laalay natiijada diiwaangelinta iyo sida xukuumada Rayaale uga dhego-adaygayso doorashada madaxtooyada,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar. Wuxuuna sheegay in talaabooyinkaasi yihiin kuwo aad u sii kala fogaynaya xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka.

“Donlad Payne wuxuu ii sheegay inuu raacayo oo uu ka mid yahay wefti ay hogaaminayso Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Mrs Hillary Clinton oo socdaal ku tegaya Bariga Afrika. Markaa waxaan ka codsaday inuu la kulmo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siillaanyo oo hada ku sugan Nairobi, sidaa darteed waxa Axmed Siilaanyo lagu wargeliyay inuu hakiyo socdaalkii uu kaga tegi lahaa Nairobi, wuxuuna maalmaha soo socda halkaa kula kulmayaa Sen. Donald Payne.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi. Waxaanu intaa ku daray inay haatan isku deyayaan sidii ay u suuragelin lahaayeen oo jadwal-hawleedkeeda loogu dari lahaa in Axmed Siillaanyo kulan la yeesho Mrs Hillary Clinton.

source: Wargeyska Ogaal

Friday, July 31, 2009

Dr. Gaboose Oo Cambaareeyey Talaabadii Komishanku Ku Laalay Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha In Lagu Galo Doorashada

Dr. Gaboose Oo Cambaareeyey Talaabadii Komishanku Ku Laalay Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha In Lagu Galo Doorashada
Hargeysa, July 30, 2009 (Haatuf) - Madaxa ololaha doorashada Xisbiga KULMIYE ee Gobolada Bariga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa cambaareeyey tallaabadii Komishanka doorashooyinku ay ku sheegeen in doorashada madaxtooyada lagu galo diiwaangelin la’aan.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warar sheegayey in xisbiga kulmiye dhexdiisa uu khilaaf ka jiro, sidaana waxa uu ku sheegay Dr. Gaboose shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa, isaga oo ka hadlaya Digtoorku arimahaana waxa uu yidhi:- “Waxaan idiin xaqiijinayaa in aan xisbiga KULMIYE gudihiisa wax loolan ah, wax khilaaf ah iyo is haysasho ah oo ka dhex socdaa in aannu jirin, waxaannu ku aragnaa shabakada Qarannews loolan iyo waxan baa ka dhex jira KULMIYE, waxaas oo dhami waxa weeyi xisbigaas culus ee ay u muuqato guushu inay u soo hoyatay oo dadkii iyo dareenkii la jaanqaaday in dadka la geliyo khalkhal.”
Dr. Gaboose wuxuu sheegay in caalamku Somaliland la doonayo dimuqraadiyad wanaagsan waxaanu yidhi “Waddammada reer galbeedka oo ay gaar ahaan hoggaaminayaan dalalka Maraykanka iyo Ingiriisku waxay Somaliland ku wadeen dariiqa dimuqraadiyadda, xasiloonida iyo maamul-wanaaga inay caalamka u muujiyaan in waxa hareeraheena iyo dunida badhkeed ka dhacaya aynu kaga duwanahay, si markaa qadarintaasi ay u dhasho xaqa ictiraaf doonka.
“Waxaynu galnay doorashooyin u baahan saddex arrimood oo kala ah dhaqaalaha lagu qabanayo, farsadamada doorasho xor iyo xalaal ah loo galo iyo in bulshada caalamku ictiraafaan wixii halkaa ka dhacay si ay ugu gudbiyaan caalamka intiisa kale in aynu nahay ummad u socota himiladeeda ee aan ahayn danta shakhsiga iyo kursi jacaylku mid uu kala weyn yahay himiladooda,”ayuu yidhi Dr Gaboose, waxaanu intaasi ku daray, “Go’aanka Komishanku, wuxuu ahaa mid halis ku ah dalka waa ayaan darro weyn in Jaamac Sweden oo ah nin mutacalin ah oo Hay’adaha la soo shaqeeyey uu qaado tallaabo dalka wax u dhimaysa, taas oo waxyeelaysa karaamada iyo jiritaanka dalka. waxa kale oo intaasi ka sii xumayd inuu aflagaado u geysto InterPeace iyo deeqbixiyeyaasha caalamka.”
Dr. Gaboose wuxuu ku dooday haddii doorasho aan diiwaangelin lahayn la galo in aanay beesha caalamku u soo dirayn wax goob joogeyaal caalami ah, waxaanu yidhi “Markaasi waxa soo baxaysa doorasho madow iyo natiijo madow haddii aanay goob joogeyaal caalami ahi iman.”
Maxamed Cabdi Gaboose wuxuu Madaxweyne Rayaale ugu baaqay inuu dalka badbaadiyo oo uu ka hawl galo sidii dib looga noqon lahaa Go’aanka Komishanka doorashooyinku soo saareen ee ay ku laaleen Server-kii iyo diiwaan-gelintii Codbixiyeyaasha.
“Xisbiga dhexdiisu wuu doodi karaa, aaraada waa lagu kala gedisnaan karaa, balse wax khilaaf ah oo na dhex yaala Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ma jiro,”ayuu yidhi Dr. Gaboose oo wax laga weydiiyay warar sheegayay in xisbigaasi isku khilaafay go’aanka ay ka gaadhayaan qaraarka Komishanka doorashooyinka.

Mucaaradka oo Beesha Caalamka ugu Baaqay in Somaliland Laga Badbaadiyo Godka Madow ee Rayaale ku Ridayo

“Falka uu ku tallaabsaday Rayaale waxay dhaawac aan laga soo kaban karin gaadhsiin kartaa himiladii ummadani higsaneysay 18ka sanno”

“Waxaannu ka codsanaynaa dhammaan shacbiga Somaliland iyo beesha caalamkaba inay u soo gurmadaan badbaadada dimuqraadiyadda iyo jiritaanka qaranimada Somaliland, kana oggolaan Daahir Rayaale inuu masiirka iyo rajada ummadda god madow ku rido”

Hargeysa (Jam)- Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE, ayaa gaashaanka ku dhuftay, ugana soo horjeestay go’aankii xukuumaddu dalka kaga saartay hay’adda Interpeace, kaasoo ay ku tilmaameen mid dhabar-jab ku ah himiladii ummadda Somaliland higsanaysay iyo in dalka ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Warsaxaafadeed labada xisbi mucaarad si wadajir ah saqdii dhexe ee xalay u soo saareen oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Ku-simaha Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxay si adag ugaga digeen cawaaqib-xumada ka dhalan kara tallaabooyin ay sheegeen in xukuumadda Madaxweyne Rayaale beryahan dambe si badheedh ah ugu minjo-xaabinayso doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca iyo hannaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland.

Waxa kaloo xisbiyada mucaaradku si kulul u cambaareeyeen habkii dalka looga mastaafuriyey madaxii hay’adda Interpeace, kaasoo ay ku tilmaameen in loola dhaqmay si argagixiso ah oo ka baxsdan milgaha dawladnimo iyo bani’aadamka.

Geesta kale, waxay eedaymo culus u jeediyeen Madaxweyne Rayaale oo ay xuseen inuu tallaabooyin liddi ku ah qarannimada iyo himiladii ummadda Somaliland higsanaysay, iyagoo xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinkana ku eedeeyey inay ka baxeen heshiiskii saddexda xisbi qaran wada gaadheen.

Warsaxaafadeedka labada xisbi mucaarad ku soo bandhigeen mowqifkooda ku wajahan go’aanka xukuumaddu dalka kaga eriday hay’adda Interpeace waxa uu u dhignaa sidan:

“Sida laga warqabo muddo ku siman 18 bilood waxa ay doorashadii madaxweynuhu u dabraneyd hirgelinta diiwangelinta sida ku xusan xeer 20 ee doorashada oo odhanaya doorashada laguma geli karro bilaa-diiwaangelin. Waxaynu la soconaa in abaabulka ugu weyn xukuumadda iyo shacbiguba ka galeen sidii diiwaangelinta loo dhammaystiri lahaa. Waxa nasiib-darro ah in markii natiijadii soo baxday in Daahir Rayaale goostay in uu daadafeeyo; ummaddana ku khasbo in doorashada lagu galo bilaa-diiwaangelin, taas oo ka soo horjeeda sharciga iyo xeerka dalka u yaal. Taasi waxay caddayneysaa in aannu Daahir Riyaale marna u diyaar ahayn doorasho xor iyo xalaal ah oo uu ka dhiganayey diiwaangelinta cimri-dherer.

Waxa kaloo aynu la soconaa isaga oo ka baxsanaya doorasho xor oo xalaal ah inuu fal argagaxiso ah lagu afduubay wakiilkii hay’adda caalamiga ah ee Interpeace mudane Samoora, loona mustaafiriyay si bini’aadminimada iyo hab-dhaqanka dawladeedba ka baxsan, loona fushado dano gaar ah. Waxa kale oo xusid mudan in la sheego in qalabkii hay’adda caalamiga ah lahayd ay xukuumaddu gacanta ku dhigtay, taasoo lid ku ah xeerarka caalamiga ah

Waxa kale oo aannu ifinaynaa in xubno ka mid ah Komishanaku si qaawan uga tallaabsadeen heshiiskii ay saddexda xisbi qaran iyo Komishanku wada saxeexeen oo ahaa in natiijada ka soo baxda SERVERKA sideeda loo aqbalo laguna hawlgalo.

Labada xisbi qaran ee KULMIYE iyo UCID waxay si adag u deedafeynayaan dhawaaqa dhabar-jabka ku ah yoolkii ummaddu higsaneysay ee geeddi-socodka doorasho xor oo xalaal ah. Falkaas oo niyad-jab ku ridaya cid kasta oo u hiilisa in ummaddani wax noqoto.

Waxa kale oo ay labada xisbi qaran si wadajir ah u cambaareynayaan falkaa foosha xun ee lagula kacay wakiilkii Interpeace, loonana dhaqmay sida bani’aadminimada ka baxsan. Haddaba, labada xisbi qaran waxay ka digayaan cawaaqib-xumada ka dhalan karta arrintaas oo horseedi karta qalalaase iyo burbur ku yimmaadda dalkan, sidoo kalena saameyn ku yeelan karta Geeska Afrika (Horn of Africa).

Dhinaca beesha caalamka falka uu ku tallaabsaday Daahir Rayaale waxay dhaawac aan laga soo kaban karin gaadhsiin kartaa himiladii ummaddani higsaneysay 18kii sanno ee goonni-isu-taagga Somaliland; siday dawladaha daneeya geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland ku muujiyeen baaqii cuslaa ee ay soo saareen bishan July 29keedii. Waxay labada xisbi qaran si buuxda u taageerayaan qayladhaantii iyo goobaabintii deeqbixiyaashu ka soo saareen arrimaha doorashada ee hadda taagan. Waxa kaloo labada xisbi ku ballanqaadayaan inay si joogta ah ula shaqeeyaan cid kasta oo rabta hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah.

Haddaba, labada xisbi waxay u dirayaan dhammaan ummadda Somaliland iyo beesha caalamka siiba waddamadii iyo hay’adihii gacanta weyn ka geystay horumarinta, geedi socodka dimuqraadiyadda iyo diiwaangelinta khaasatan EUda, USAID iyo waddamada UK, Denmark, Norway, Sweden iyo Switzerland.

Waxa ay labada xisbi qaran ka codsanayaan dhammaan shacbiga Somaliland iyo beesha caalamkaba inay u soo gurmadaan badbaadada dimuqraadiyadda iyo jiritaanka qarannimada Somaliland, kana oggolaan in Daahir Rayaale masiirka iyo rajada ummadda god madow ku rido.”

Xukuumadda Somaliland ayaa shalay soo saartay go’aan ay dalka caydhisay hay’adda Interpeace oo dhinaca farsamada iyo dhaqaalaha ka taageeri jirtay Komishanka Doorashooyinka.

Jamhuuriya Online

Gudoomiyayaasha Labada Aqal Ee Somaliland Oo Canbaareeyay Go’aankii Komishanka Doorashooyinka



Gole Baarlamaan Ee Somaliland Oo Komishanka Ugu Baaqay In Ay Si Deg-deg Ah Uga Noqdaan Goaanka Laalitaanka Diwaan-gelintii Codbixiyaasha.

Labada gudoomiye aqal ee Baarlamaanka Somaliland iyo Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) iyo Md C/raxmaan Maxamed Cabdiaahi (Cirro), ayaa canbaareeyay falkii xukumadu dalka kaga saartay Mr. Robin Zamora, madaxda Interpeace ee Somaliland, oo dawlada Somaliland dalka ka saartay maalintii khamiistii.

Waxaana gudoomiyayaasha labada aqal ku tilmaameen falkaa, mid dhabar jabinaya geedi-socodka dimuqraadiyada Somaliland. Madaxda labada Gudoomiye waxa ay kula taliyeen komishanka doorashooyinka in laga noqdo go’aankii lagu laalay diiwaan gelintii codbixiyeyaasha.

Nuqulka war-saxaafadeedkaas oo faah faahsani waxaa aan idinku soo gudbinay halkan hoose.

“Waxaanu u aragnaa go’aankii Guddida doorashooyinka Qaranku ku laaleen natiijadii ka soo baxday diiwaan gelinta mid khaldan oo shuruucda dalka iyo Himilada ummadda reer Somaliland ka soo hor jeeda. Waxaanu u aragnaa in shacbiga reer Somaliland oo ay caawiyeen deeqbixiyeyaashu ku guulaysteen diiwaan gelinta, natiijo doorasho lagu galaana ka soo baxday. Diiwaan gelinta waxa shacbiga reer Somaliland ka galay dedaal fara badan, hawl midho-dhalisay iyo maaliyadda culus oo aan la qiyaasi Karin. Sidoo kale, deeqbixiyeyaasha caawiya Somaliland ayaa iyana maaliyad balaadhan ku bixiyay.

Waxaanu u aragnaa in Go’aankani dhaawacayo xidhiidhka aynu lahayn mujtamaca dawliga ah, deeqbixiyeyaasha, dawladaha daneeya Somaliland ee sida tooska ah u caawinayay doorashooyin-keena. Sidoo kale waxa Go’aankani uu dhabar jab iyo tumaati ku yahay dedaalkii aynu ugu jirnay ictiraaf raadinta Somaliland muddada dheer.

Waxaan u aragnaa go’aanka eriska wakiilka haayada Inter-peace mid aan laga fiirsan cawaaqibka ay dhalin karto. Haddaba Guddoonka Baarlamaanka Somaliland waxa uu soo jeedinayaa.

Qodobka Koowaad) In si deg deg ah looga noqdo go’aanka laalista diiwaan gelinta, luguna dhaqmo natiijada diiwaan gelinta.

Qodobka Labaad) In Haayadaha dastuuriga ahi ka wada tashadaan sida ugu dhakhsaha badan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd wakhtigeedii 27-9-2009-ka.”

Hargeisa,Somaliland