Wednesday, August 5, 2009

BEESHA AWAL BARI OO SI KULUL UGA SOO HORJEEDSATAY GOAANKA DAWLAD A IYO KOMISHIINKA EE DOORASHADA KU SAABSAN

Hargeysa Augost 5, 2009 (Kordhisocodka blogspot)-Beesha degta degaanada bariga Hargeysa, Berbera ilaa Burco ayaa ku eedeeyay Rayaale iyo xukuumadiisa in ay doonayaan dalka inay burburiyaan oo nabadu faraha ka baxdo, isla markaana ku bilowday talaabooyin ay ku doonayso doorasho bilaa diiwaangelin inay dadku galaan, taas oo ay uga dan leedahay si uu Rayaale ugu soo baxo kursiga madaxtinimada, taas oo ay ku sheegeen inay ka dhalan karaan jahawareer siyaasadeed iyo khilaaf hor leh oo dalka saamayn ku yeesha.

Beesha bariga Hargeysa, Berbera ilaa Burco waxay sidaa ku sheegeen kulan ay shalay kaga hadleen xaalada siyaasadeed ee cakiran ee dalka soo waajahday, ka dib markii go’aankii komishanka diiwaangelintii tacabka badan loo soo galay ay laaleen ee soo saareen in doorashada madaxtooyada ay codbixiyayaasha reer Somaliland ku galaan diiwaangelin la’aan, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay dembi qaranka laga galay. Waxa kale oo ay ku sheegeen mawqifkooda inay ka soo horjeedaan doorasho bilaa diiwaangelin ah inaanay ka qayb gelin kana yeelayn arrintaasi.

Kulankan ay beeshaasi mawqifkooda siyaasadeed ku cadeeyeen oo ay ku qabteen Steak Fish House ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha beelaha Awal bari, odayaal, Aqoonyano, waxgarad, culimaa’udiin iyo dhalinyaro ka tirsan beeshaasi.

Ugu horayn gudoomiyaha beelaha Awal Bari Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan, oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in aanay cidna ka yeelayn ficilada iyo maamul xumada xukuumadu kula dhaqmayso muwaadiniinta reer Somaliland, isla markaan ka soo horjeedaan in doorashada diiwaangelin la’aan lagu galo

Waxa kale oo uu baaq in nabadgelyada la ilaaliyo u diray gudoomiyaha beelaha Awal bari isla markaana tacsi u diray labada beelood ee shaqaaqadu ka dhex taagan tahay deegaanka Ceel bardaale inay ka heshiiyaan dhibaatada dhextaala, shaqaaqadaasi oo uu ku sheegay inaanay labada beelood dhexdooda ka iman, balse ay tahay mid la garanayo halka ay kaga timid, waxanu yidhi “ Sida imika dawladu u shaqaynaysaa waa si halis ah oo la doonayo inuu dalku burbur dambe dib ugu noqdo. Waxaan halkaa ka maqlayaa waxa la yidhi waxa la inooga taliyaa Kiiniya, waxaan leeyahay Kiiniya waa dal caalamiya oo haddii taladeeda aynu ku soconayno aynu ku meel mari lahayn laakiin waxa la inooga talinayaa Jabuuti inaga taana waxaan leeyahay suuro galimayso oo u mari mayso Jabuuti, olole la iska bilaabo, sanaaduuq la iskaga shubto inaan cidiba footayn oo maanta tii Jabuuti oo kale noqon-mayso” ayuu yidhi, waxana uu intaa ku daray “ Somaliland Axsabteedii oo dhan oo aan olole bilaabin ninka maanta olole furtay ayaan la yaabsanahay ololaha maanta uu furtay meesha uu ku wado. Waxaan leeyahay dadka halaga daayo nidaamkan burburka dhalin kara, nin maanta laga yeelayaana ma jiro keligay baan olole samaynayaa arrimahaa waxa ka wanaagsan talo wada-tashi” “haddii cidiba idinla ololayn waydo bal ka warama maxaa idin dhibaya, dhinaca kale waxaan tacsiyadaynayaa beelaha galbeedka labada beeloodba intii shaqaada kaga dhimatay waanu tacsiyadaynaynaa, maaha in la yidhaahdo beel uun baan tacsiyadaynayaa dhibta dhacday eek ala gaadhayna halka ay ka timid waynu garanaynaa” C/llaahi Awal Bari, waxa uu intaa ku daray “ diiwaangelintii aynu ku hawshoonay ee ictiraafka aynu ku heli lahayn haddii la iska dhaafo oo olole la iska bilaabo waxaad ku talo gashaan inta aad iska ololaysaan inaydaan sanduuq meel dhiganayn taana ku talada ku darsada.

Waxaan leeyahay ninka maanta dalka u talinaya iyo inta la talinaysa haday tan maanta ilaalin waydo inaanay isaga ka dambaynayn haduu doono dee ma ilaalinayo ummadiisii” sidaas ayuu yidhi, Gudoomiyaha beelaha Awal Bari, waxanu ugu baaqay dadka reer Somaliland inay nabadgelyada ilaashadaan wallow xisbiyada mucaaridku si weyn nabadgelyada u ilaashaan iyaga la’aantoodna nabadi ayna jirteen.

Muj Cali Maxamed Muuse, oo isaguna ka hadlay arrimahan cusub ee dalka soo waajahday, waxa ka mid ahaa hadalkiisa “Maanta halkan waxaanu badheedhahayga ku muujinaynaa inaanaan ogolayn sida khaldan ee dawladu wax u mamulayso, waxaynu soo galay diiwaangelintii oo tacab badani inagaga baxay. Arrintan ay xukuumadu wadato haddii aanu nahay beesha bariga Hargeysa, Berbera ilaa Burco arrinkasi anagu waanu qaadacnay, wax dhegahayagu maqli karaana maaha. Waxaan xasuustaa tii anigoo xilligaa inan yar ahaa marka aanu xaafadaha Sh madar soo lugaynayno ayaa inta askartu na qabto ay yidhaahdaan laba sanduuq oo isbarbar yaala kan ku rida waxa maanta ka socda hargeysa tii oo kale, maanta waxaan meel aan ka soo maro waayay dariiqa madaxweyne ku xigeenkii oo toban ciyaal ahi hor yaacayaan gawaadhi tikniko ahna ay hor socdaan.

Markaa sedan ay xukuumadu wax u wado ka yeeli mayno dalkan dhibaatooyin baa dadkani u soo mareen” sidaas ayuu yidhi Muj Cali Maxamed.

Gudoomiye ku xigeenka beesha bariga Hargeysa, Saaxil ilaa Burco Axmed Cali Xasan (Like) oo ka hadlay xaalada Ceel bardaale, arrinta muranka diiwaangelinta ku saabsan iyo mawqifka ay beeshu ka taagan yahay, waxa uu yidhi “ arrinta diiwaangelin la’aan ha lagu galo doorashada xaq maaha, caalamka waxaanu gaadhsiinaynaa in ummadan xaqeedii laga duudsiyey degdeg u soo gaadhaan. Ta kale waxaan tacsiyadaynayaa beelahan galbeedka ee mashaqada yari ka dhex dhacday. Waxaanu leenahay samir iyo iimaan ilaahay intii dhinac walba ka dhimatay ha idinka siiyo, ka beer xagaafanayey iyo ka wado marayay ee la dilay labadaba xaq daro ayaa lagu dilay ee beelo walaalo ah baad tihiin oo cidii isku kiin dirtay ayaa imikana idinka shaqaysanaysa ee idinku heshiiya.

Waxaan leeyahay labada wasiir ee koonfurta Hargeysa maalmahan shirarka ka waday ee lahaa cid hala soo qabto, waxba la soo qaban mayo ina Rayaale ayaa idin soo diraye ku dheh isaga soo qabo waa Cawli iyo ina Sulub waar ha ku lug gu’ina cidna soo qaban mayso’e” Sidaas ayuu yidhi Axmed Like.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay gudoomiyaha beesha degta deegaanada bariga Hargeysa, Berbera Ilaa Burco (Ciise Muuse) C/llaahi Abokor Cismaan, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay shaaca ka qaaday beeshu inay ka soo horjeedo doorasho bilaa diiwaangelin ah in la galo, waxa kale oo uu ugu baaqay dadka reer Somaliland inay nabadooda ilaashadaan wixii khalkhal iyo dhibaato ka dhex wadana wadajir uga hortagaan.

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Aadan Faarax, Xasan C/raxmaan, Foosi Ibraahin, Abwaan Xiis Maxamed Cilmi, oo halkaa ka tiriyey laba gabay oo nuxur ahaan xambaarsanaa dhibta loo soo maray dibu xoraynta dalka iyo tacadiyada Xukuumada Rayaale wado, xubno kale oo dhamaantood sheegay sida ay uga xun yihiin go’aanka ay xukuumadu ku laashay diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland iyo talaabooyinka aan loo baahnayn ee maamulka Rayaale kula kacayo dadka iyo dalka.



Xigasho Haatufnews Hargeysa

1 comment:

  1. Kordhisocodka waxaad iska dhigtaa siyaasi, niyoo siyaasi noqo isleedahay, horta intaanad siayaasi noqon naag guuurso saaqidyoo xuni kramella kuu noqon mayso marwo waaaayo waaa fiish yaar ma hadli kareesaba, ee isla yaaab doqon yow

    ReplyDelete