
Hargeysa(HWN):- Alle ha u naxariiste Marxuum Cali Marshaal ayaa maanta si heer qaran ah loogu asaasay Xabaalaha Sheekh Muuse Ducaale Boqol Jire ee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu shalay shil baabuur oo kula dhacay Duleedka Magaalada Berbera ku geeriyooday.
Jinaasada aaska Marxuumka waxa ka qeybgalay Wasiiro, Hogaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE oo uu horkacayo Guddoomiye Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], Masuuliyiin ka socotay labada Xisbi ee UCID iyo UDUB, Shirgudoonka Golaha Wakiillada, Qaar ka mid ah Culimaa’udiinka Somaliland oo kala ah Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud [Aadan Siiro], Sheekh Maxamed Aadan Xildhibaano ka tirsan labada Gole Barlamaan [Guurtida Iyo Wakiillada],Guddoomiyaha garabka is-bedel-doonka Xisbiga UDUB Cabdilaahi Xuseen Iimaan [Darawal], qurba-joog, aqoon-yahano, iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha ku nool Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo ayaa ka tacsiyadeedyey ummada reer Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timi masuulkii sare ee ka tirsanaa Xisbiga KULMIYE,isaga Ilaahay uga baryey inuu marxuum Cali Marshaal janadii Fardowsa ka waraabiyo, eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.
Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inuu Marxuum Cali marshaal ahaa shakhsiyad ay wax kastaaba kala weyn tahay danta caamka ah,waxaanu dantiisa gaar ah ka hormarin jiray danta guud isagoo markasta ku fikiri jiray wanaajinta iyo horumarinta wadankiisa hooyo waxaanu dibada uga yimi sidii uu ummadiisa wax ula qaban lahaa.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud [Aadan Siiro], Sheekh Maxamed Aadan oo dhamaantood ka hadlay inuu qofkasta uu maalin dhiman doono Sidaa daradeedna loo baahan-yahay inaynu u duceyno Marxuumka ummaduna isa saamaxdo.
Waxaanay Ilaahay uga baryeen inuu Marxuumka janadii fardowsa ka waraabiyo eheladii, qoyskii iyo guud ahaan ummada Somaliland-ba Samir iyo iimaan ka siiyo
No comments:
Post a Comment