KULMIYE IYO UCID OO MAR KALE MAANTA WASIIRUL DAWLAHA ITOOBIYA QORAAL UGU CADAYNAYA INAANAY AQBALAYN
Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa maanta jawaab midaysan u gudbinaya wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tekedu Alemu, oo ku dhex jira xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee Somaliland.
Ma jiro war rasmi ah oo ay xisbiyada mucaaradku soo saareen, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in xisbiyadu qoraal jawaab celin ah maanta Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Itoobiya ugu dhiibayaan wakiilka Itoobiya ee Somaliland Ambassador Webished Dimmise oo isagu ku sugan Hargeysa. Warku waxa uu sheegay in qoraalkan oo jawaab u ah soo jeedimo dhawr qodob ka koobnaa oo uu Wasiirul dawluhu xisbiyada u soo bandhigay, ay mucaaradku ku cadeeyeen inaanay marnaba ka tanaasulayn qodobkoodii ahaa in Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisu xilka hoggaanka qaranka sii hayaan, marka la gaadho 27 September, oo uu xilku kaga eegyahay. Warku waxa uu sheegay in xisbiyadu qoraalkooda ku cadeeyeen inaanay marnaba ka tanaasulayn qodobkaas, waxaanay ku taliyeen in marka wakhtigaas la gaadho ay ummadu tallo isugu timaado, maadaama oo uu wakhtigii xil hayneed ka dhammaaday Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, isagoo wakhtiyada mudada loo kordhiyayna balan qaaday inuu qaban doono doorasho, balse aanay taasi dhaboobin.
Marka laga tago qodobka koowaad ee la xidhiidha muddo kordhinta Madaxweynaha ee ay qaadaceen, qodobada kale ee ay xisbiyadu gudbiyeen ee ay u arkeen in xal lagu gaadhi karo waxa ka mid ah:
1. In la bedelo afarta xubnood ee koomishanka doorashooyinka ee u codeeyay in la laalo diiwaangelinta
2. In khubarada dib u saxaysa Seerfarka ee dibadda laga keenayo lagu daro xubno ka mid ah hay’adii Interpeace ee dalka laga eryay.
Qoraalkaas oo ay ku saxeexanyihiin labada guddoomiye mucaarad ee KULMIYE iyo UCID Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, lama oga in saxaafadda loo soo bandhigi doono, marka loo gudbiyo Wasiirul dawlaha Arrimaah dibadda ee Itoobiya, oo Isniintii toddobaadkan ka ambo baxay magaalada Hargeysa oo uu dhawr caano maal joogay.
Source: www.geeska.net ,
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment