Wednesday, August 5, 2009

Riyaalow Dalkan Waa Loo Soo Dagaalamay Ee Haddaad Burburinayso Fadhiyi Maysid, Midhaheedana Deg-Deg Baad U Dhadhamin”

(Kordhisocodkablogspot) 04/08/09:– Urur siyaasadeedka UDHIS ayaa war-saxaafadeed uu shalay soo saaray ku sheegay in dalku galay marxalad qalafsan oo ku saabsan muranka arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka ee Go’aankii ay komishanku ku laaleen diiwaangelintii codbixiyeyaasha Somaliland iyo Erigii hay’ada Interpeace ee ay xukuumaddu dalka kaga saartay, arrimahaasi oo dalka ku keeni karaan go’doon go’doon dhinaca beesha caalamka inagaga yimaada..

Urur siyaasadeedka UDHIS xubno muhuum ah oo kulan ay shalay u qabteen saxaaafaad oo ay ku qabteen xarunta xafiiskooda magaalada Hargeysa. oo halkaasi ka hadlay ayaa madaxweyne Rayaale ku eedeeyey in masuuliyada kowaad ee hawshan ee dhibaatooyinkan dhacay ay dushiisa taal Rayaale iyo komishanka, ummada reer Somalilandna aabay u dulqaadan doonin. Waxa kale oo ay warsaxaafadeedkan ku sheegeen uga digeen beelaha Somaliland isku dayo laga dhex wado ee isku dhacyo siyaasadaysan haddiiba ay dhacaana ku dhamaystaan dhaqankooda soo jireenka ah, waxayna si buuxda u taageereen baaqii labada gudomiye gole baarlamaan ee doorashada waa in diiwaangelin lagu galo.

Ugu horeyn Muj:Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhago wayne) oo halkaasi ka hadlay ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa “ arrinkan masuuliyadiisa waxa iska lahaa dawlada inay doorasho xalaal ah qabato walaa interpeace ayaan loo diran, masuuliyada kowaad dawlada ayaa leh, halkaa waxay ka qiratay in lagu fashilmay, markaa eeda cid baan saarayaa, komishanka waa siidhi wale u dhexeeya kubada la ciyaarayo oo cadaalad ah, yaa doortay ? shan nin dawlada dooratay, shanta mar walba is casilayey ee qiranayey dambigooda ee aynu u googol badinaynay ha isa soo xidho iyagaa afkooda ka qirtaye.

Cida ay masuuliyadani ku oodan tahay waa dawlada iyo komishanka.

Interpeace iyadu lacag bay inoo keentay waa idin caawinaynaa ayey tidhi ee nidaam soo samaysta, waxa weeyi haday ku fashilmaan iyada lacagtiina waa laga qaatay horta waa in cidi dambiga qaadataa, meeshan dambi Qaranka laga galay ayaa dhacay, dambigaa cida leh waxa labada gole ka codsanaynaa cid madax banaan oo aduunyada kale hantidii la isticmaalay iyo hantidii ummada ee la isticmaalay intaba la baadho oo dambiga la soo saaro waayo waa wax wadanka ku dhacay, taladii wadanka halkay taagan tahay ayaa maanta inoo cadaatay, waxa weeyaan komishanku waa dambiile”ayuu yidhi Muj:Dhaga weyne, waxaanu intaas ku daray “ dalkan waa loo soo dagaalamay dhibaato iyo tacab badan ayaa loo soo maray , naftaa loo soo huray, markaa haddii ina Rayaalow aad burburinayso fadhiyi maysid, midhaheedana waad dhadhamin”ayuu yidhi. Waxa kale oo halkaas ka hadlay xubno kale oo dhamaan eeda waxyaabahan dhacay masuul ka tahay xukuumada Rayaale iyo kolishanka isla markaana sharciga la horkeeno

Intaa ka dib guddoomiyaha ururka UDHIS Muj:Ciise Curaagte ayaa halkaasi ka akhriyey war-saxaafadeedka ay soo saareen oo taabanayey dhinacyo badan oo xaalada siyaasadeed ee dalku haatan marayo, isagoo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan: ‘Nus qarni ayey ku dhaw tahay inta laga joogo maalintii Somaliland xornimadeedii ay ka qaadatay ingiriiska, mudada intaa leeg halkii horumar laga samayn lahaa waxa wadankeena wakhtigan ka jira dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin shaqo la’aan, a baaro hoos u dhac dhaqaale iyo rajo xumo laga qabo mustaqbalka, taas oo keentay inay dhalinyarada wadankeenu badaha isku daadiyaan, hadana waxa baryahan dambe soo kordhayey xaalado khatar ku ah nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland.

Waxaana xaaladahaasi ka mid ah:1. qaska iyo jahawareerka ka aloosan arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta.

2.eriga intar peace iyo habka ay deeq bixiyeyaashu inoo caawin lahaayeen, si ay u qabsoonto doorasho xaq ah oo lagu kalsoon yahay.

3. colaado beeleed oo siyaasadaysan sida arinta ka taagan Ceelbardaale.

4. Cabudhin, xadhig iyo cago juglayn joogto ah oo lagu hayo saxaafada madaxa banaan isla markaana ay xukuumaddu adeegsato warbaahinta Qaranka oo ay ka dhigtay meelo u furan cay iyo aflagaado, sidaa darteed ururka UDHIS wuxuu halkan ku soo bandhigayaa mawqifkooda ku waajahan arrimaha wadanka la soo darsay ee khatarta ah.

1. Muruga Diiwaangelinta iyo komishanka Qaranka.

*

Waxay dhibaatadu ka bilaabantay xulistii xubnaha komishanka doorashooyinka Qaranka iyo ujeedadii ku daahnayd ee laga lahaa, tayo xumadoodii marka loo eego qof qof iyo wadar ahaanba, halkaa waxa ka muuqata in danta qofka ee gaar ah laga horaysiiyey midka Qaranka iyo danta guud.
*

Waxay keentay tayo xumada Xubnaha KDQ muddo dhaaf fara badan oo xad dhaaf ah, ahna mudada madaxweynaha iyo ta asxaabta Qaranka, isdhaafinta doorashada golaha Deegaanka iyo ta madaxweynaha intaas oo dhan oo raad raac iyo sharci toona lahayn.
*

Hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo maanta ay ka taagan tahay carqalada ugu weyni waxa keenay maamul xumida KDQ oo sababtay in aan lagu darin sawirkii farta oo qayb muhiima ka ahayd ururinta xogta codbixiyeyaasha.
*

Waxa kale oo ka badh ah guuldarada ay keentay maamul xumida KDQ in xubnaha komishanku u dirteen gobolada Qaarkood ay si sharci daro ah wax u maamusheen taasina ay sababtay kalsooni daro iyo shaki bara badan oo heer kasta ah.
*

waxa xusid mudan aduunkii loogu talogalay hawshan oo aan la ogayn xisaab xidhkiisa, iyo meel uu ku dambeeyey ilaa maanta.
*

Diiwaangeliye Qaran iyo dadkii aqoonta u lahaa shaqada oo meesha ka maqan, inkasta oo qodobkani si cad ugu qeexan yahay xeerka doorashooyinka hadana si badheedh ah laysku hor taagay.

2. Eriga hay’ada Inter peace.

Ummada reer Somaliland hay’ada interpeace waxba umay igman, haddii ay wax kharibtayna waxa masuul ka ah komishanka Qaranka oo ay ummaddu hawsha u igmatay, lagana rabo xisaabtankeeda, sidaa darteed, UDHIS waxay u aragtaa in hay’ada interpeace ay waxtar u lahayd Somaliland oo ay caawimada inooga keeni jirtay deeqbixiyeyaasha, eriga interpeace takoorid beesha caalamka iyo carqalad siyaasadeed uu ku keeni doono Somaliland.

3.Colaadaha beelah iyo doorka axsaabta Qaranka.

Waxaanu aaminsanahay inay jiraan waxyaabo muujinaya inay axsaabta qaarkood siyaasad dhexgaliyaan khilaafyada beelaha si ay uga helaan faa’iido siyaasadeed colaada beelaha, taasina waa dambi xun oo aan loo dulqaadan Karin.

Waxa kale oo jirta inay axsaabtu qayb ka yihiin dhibaatooyinka ka taagan Diiwaangelinta iyo doorashada.

Hadaba, inkasta oo mawqifka hadda ay istaageen labada xisbi ee mucaaridka ahi (Doorasho bilaa diiwaangelin ah waxba kama jiraan) uu wacan yahay, hadana waxaanu u aragnaa inay axsaabtu wax ku leeyihiin qaladaadka dhacay ee keenay marxaladan imika aynu marayno, waxaana ka mid ah qaladaadkooda:

1.

muddo kordhintii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
2.

dib u dhigista doorashada goleyaasha Deegaanka oo ahayd doorashada ururada siyaasadu ku kala hadhaan.
3.

Dabarka ururo siyaasadeed oo kale.
4.

xalinta xubnaha tayada xun ee komishanka doorashooyinka.

Gebogabo.

Hadaba UDHIS waxay soo jeedinaysaa qodobadan soo socda:

1.

inay tahay sharci daro laalista diiwaangelintu, ka sokowna ay muujinayso ujeeddo uu ka lahaa UDUB tayo xumida komishanka doorashooyinka Qaranka xulistii horaba.
2.

in erigii wakiilka hay’ada interpeace aan laga fiirsan, cawaaqib xumana ay u yeelan doonto Somaliland.
3.

UDHIS waxay ku boorinaysa dadweynaha Somaliland in aanay ka qaybgalin doorasho aan diiwaangelin lahayn, kana fiirsadaan dhibta ay keeni karto.
4.

UDHIS waxay beelaha Somaliland uga digaysaa inay iska ilaaliyaan iska hor keen siyaasadaysan oo ay ku wada noolaadaan nabadgalyo iyo walaaltinimo, wixii khilaaf dhexmarana ku xaliyaan dhaqankooda.
5.

si looga fogaado cawaaqib xumo ku timaada dalka iyo dadkaba waa in dalka lagu wareejiyo dawlad ku meel gaadh ah oo lagu wada heshiisyahay oo dalka gaadhsiin karta doorashooyin xor iyo xalaal ah.
6.

waa in sharciga la horkeeno komishan ku sheega Qaranka ee sababta u ah dhibtan iyo muruga uu galay dalku.
7.

UDHIS waxay taageeraysaa baaqii ay soo saareen labada guddoomiye gole (Guurtida iyo Wakiilada).
8.

waa in la joojiyo cabudhinta iyo cadaadiska lagu hayo saxaafada madaxa banaan.
9.

UDHIS ugu dambayn waxay u soo jeedinaysaa labada gole Baarlamaan ee Somaliland in xilka badbaadada Qaranku uu iyaga dusha ka saaran yahay iyo ciddii ay la kaashadaan iyagu.”
Muj: Ciise Curaagte.
Xigasho sooyaalnews


Date: 2009-08-04

No comments:

Post a Comment