Hargeysa, August 3, 2009 (Haatuf) – Musharaxiinta xisbiga siyaasiga ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenkiisa Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan ayaa la filayaa in ay maalmahan u baqoolaan dhinaca dalka Kenya, halkaas oo uu hore u sii joogay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, iyada oo la sheegay in ay madaxda labada xisbi Mucaarid ay halkaas kula kulmi doonaan Saraakiil ka socota wasaarada Arimaha dibeda ee Maraykanka iyo wakiilada qaadhaan-bixiyeyaasha oo fadhigoodu yahay Nairobi.
Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID, Socdaalka Murashaxiinta xisbigaasi ay ku tagayaan dalka Kenya ayaa waxa nuxurkiisu yahay kulamo diblomaasiyadeed oo ay la yeelanayaan qaar ka mid ah dalalka Somaliland taageera, Saraakiil ka socota wasaarada arimaha dibeda, Baarlamaanka Maraykanka iyo Wakiilada Qaadhaan bixiyeyaasha uu fadhigoodu yahay Nairobi, kuwaas oo la filayo inay ka wada hadlaan xaaladda doorashooyinka Somaliland oo uu ka dhashay khilaaf kadib markii ay Komishanka doorashooyinku laaleen natiijadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana ay xukuumaddu Eridey wakiilkii hay’adda Interpeace u joogay Somaliland.
Kulanka hogaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaridka iyo beesha caalamka ku dhex mari doono todobaadkan dabayaaqadiisa ayaa la rumaysan yahay in ay madaxda xisbiyada Mucaaridku ay doonayaan in ay beesha caalamka ku qanciyaan inay cadaadis ku saaraan Madaxweyne Rayaale sidii uu uga noqon lahaa go’aanka laalista diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo inaanay Somaliland lumin kalsoonidii beesha caalamka ay ka qabtay, taas oo ay dalalka qaadhaan-bixiyeyaashu gacan weyn ka geysanayeen diiwaangelinta iyo doorashooyinka Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo isagu muddo laba todobaad ah hawlo dhinaca caafimaadka ah u jooga dalka Kenya ayaa qorshahiisu waxa uu ahaa inuu maanta ku soo laabto dalka Somaliland, balse sida ay sheegeen saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye waxa imaanshaha guddoomiyaha dib u dhigay balanqaad uu ka helay guddoomiyaha guddi hoosaadka arimaha dibeda ee Maraykanka Donald Payne oo ka mid ah wefti ka socda dalka Maraykanka oo ay hogaaminayso haweenayda xoghayaha arimaha dibeda ee dalkaasi Mrs Hillery Clinton oo maalinta Arbacada socdaal ku tegi doonta dalka Kenya, waxaana la filayaa in Axmed Siillaanyo iyo Madaxda Xisbiga UCID ay halkaas kula kulmi doonaan Mudanaha Aqalka Baarlamaanka Maraykanka Donald Payne iyo saraakiil Sare oo ka tirsan wasaarada Arimaha dibeda ee dalkaasi, iyada oo uu mudanahaasi uu dhawaan kula kulmay dalka Maraykanka Xoghayaha Arimaha Dibeda ee xisbiga kulmiye Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo dhawaan booqasho ku tagey dalkaasi.
Kulamada ay madaxda xisbiyada Mucaaridku kula yeelanayaan Nairobi diblomaasiyiin ka tirsan beesha caalamka iyo dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhinaca Dimuqraadiyada iyo doorashooyinka ayaa ku soo beegmay xilli ay dalka ka aloosan tahay khilaaf siyaasadeed oo hor lihi, kaas oo ka dhashay Laalistii Komishanka ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka iyo Erigii Wakiilkii Hay’adda Interpeace, taas oo ay xisbiyada Mucaaridku gaashaanka ku dhufteen laalista Natiijada doorashooyinka iyo Eriga Wakiilka Interpeace, iyada oo ay dadka reer Somaliland iyo beesha caalamkuba xilligan cabsi ka qabaan is-mari-waaga dhinacyada Siyaasada oo sababi kara dib u dhac ku yimaada doorashadii la filayey inay ka dhacdo Somaliland, isla markaana u horseedi karta dalka khalkhal dhinaca siyaasada ah.
Monday, August 3, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment