Wednesday, August 12, 2009

Xisbiga KULMIYE wuxuu boggaadinaya shacbiga Somaliland ee dhabarka u jeediyey ololaha Xisbiga UDUB.

August 11th, 2009 Comments Off

Date: 11/08/09


WARSAXAAFADEED

Go’aaanka Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Riyaale wada qaateen ee laalista diwaangelintu wuxuu sababay in shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan aad uga cadhoodeen, iyagoo ku tilmaamaay inuu go’aankaasi ahaa mid aan laga fiirsan oo lagu degdegay.

Go’aankaasi uu Kommishanka Doorashooyinku ku dhawaaqay wuxuu noqday mid dhaawac weyn u geestay dadaalkii iyo hawshii ballaadhneed ee ay wada jirka u qabteen shacbiga Somaliland oo naftoodii iyo maalkoodiiba u huray hirgelinta mashruuca diiwaaangelinta iyo qaadhaanbixiyayaasha caalamiga ah oo maalgeliyey isla markaana si hagar la’aan ah kaalin wax ku oola ka qaatay meelmerinta mashruucani.

Dhacdadani, waxaa kaloo ay sababtay inuu Kommishanku dalka ka eryo madaxii Hayadda Interpeace ee u xilsaarneed hawlaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka.

Tallaabadaasi uu Kommishanku qaaday waxaa kaloo ay dareen galisay bulshada caalamka ee sida aadka ah u danaynaysay deganaashaha iyo geedisocodka wanaagsan ee dimoqraadiyada curdinka ah.

Dhacdadani waxaa kaloo ka hadlay shirguddoonka labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida, waxayna labada Gole ka codsadeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xukuumada inay ka noqdaan go’aankooda, isla markaana dib dalka ugu soo celiyaan madaxii Hayadda Interpeace.

Waxaa nasiibdarro ah inay Kommishanka iyo Xukumadu dhegaha ka fureesteen dhammaan baaqa iyo codsiga kasoo yeedhay Baarlamaanka, Xisbiyada Qaranka, waxgaradka, shacab weynaha iyo bulshada caalamkaba.

Hadaba markii ay Xukuumadu ogaatay inaanay suurgal aheyn in la aqbalo go’aanka u gaarka ah ee doorasho diiwaangelin la’aan ah, ayaa Xukuumadu waxay bilowday olole dhalanteed ah.

Guddiga doorashooyinku ma magacaabin Guddoomiyeyaashii Gobollada iyo Degmooyinka ee Komishanka Qaranka. Xukuumadu ilaa hadda may diyaarin miisaaniyadii doorashada. Hadana waxaynu arkaynaa UDUB oo keligeed garoonka ku ciyaaraysa oo Komishankuna u sacabinaayo.

Xisbiga KULMIYE wuxuu aad iyo aad ugu boggaadinaya shacbiga Somaliland ee dhabarka u jeediyey ololaha dhalanteedka ah ee Xisbiga UDUB. Maanta ummaddu waxay aragtaa talada guracan ee UDUB doonayso inay keligeed dalka ku maamusho. UDUB waxa ka soo dhago weyn inay bari tidhaahdo waan isdoortay, oo waan idin xukumayaa shan sanno oo danbe, nasiib wanaag shacbigu maanta taas wuu ka feejigan yahay, waanuu muujiyey dareenkiisa in aanay ka aqbalayn qofna tallo maroorsi iyo afduub.

Xisbiga KULMIYE wuxuu si cad ugu sheegaya ummadda Somaliland in aanu marnaba ka aqbalayn Xisbiga UDUB iyo Komishanka wax wada hadal ah iyo gorgortan oo ku saabsan liiska uu soo saaray Server-ku.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ogolaaday Liiskaas Server-ku soo saaray oo uu diyaar u yahay inuu doorasho ku galo.

Xisbiga KULMIYE wuxuu si cad ugu sheegaya shacbiga Somaliland in aanay suurtagal ahayn muddo kordhin danbe oo Xukuumada loo kordhiyaa, maadaama heshiiskii Guddiga dhexdhexaadintu soo afjaray arrintaa.

Wa Billaahi Tawfiiq.


Md. Kayse Xasan Cige
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE

Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa

No comments:

Post a Comment