August 12th, 2009 Comments Off
Madaxweyne Riyaale ayaa hadda u muuqda inuu ku soo oodmay oo uu meelna u socon waayey go’aankii uu ku laalay natiijadii diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland iyo erigii wakiilkii hay’adda Interpeace ka joogay Somaliland, kadib markii si weyn looga horyimid go’aamadaas oo keligii qaatay.
Laba toddobaad ka hor ayey Komishanka Doorashooyinka Qaranku Madaxweyne Riyaale u soo jeediyeen inuu bilaa diwaangelin lagu galo doorashada Madaxtooyada, taas oo uu Madaxweyne Riyaale isla maalintiiba ku dhawaaqay inuu laalay natiijadii diiwaangelinta. Sidoo kale wuxuu maalintii ku xigtay eryay oo dalka ka saaray wakiiladii hay’adda Interpeace ka joogay Somaliland, iyadoo ay hay’adda Interpeace kaalmo dhaqaale iyo farsamo ka geysan jirtay hawlaha doorashooyinka, isla markaana gacanta ku haysay macluumaadkii diiwaangelintii codbixiyeyaasha.
Go’aanka ay Madaxweyne Riyaale iyo Guddida Doorashooyinku ku laaleen natiijada diiwaangelinta wax talo ah kama ay weydiin labada xisbi ee Mucaaridka ah, isla markaana waxay baalmareen xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ah xeer dhaqan-gal ah (Xeer No: 37/2008), iyadoo laalista xeerkaas waxba laga weydiin goleyaasha sharci-dejinta (Wakiilada iyo Guurtida).
Sidaas darteed Madaxweyne Riyaale markii uu ku dhawaaqay go’aanka laalista natiijada diiwaangelinta iyo eriga hay’adda Interpeace, waxa ka horyimid diidmo xoogleh iyo cambaareyn ku saabsan go’aamada uu qaatay, iyadoo lagu eedeeyay inuu qaatay go’aan sharciga baalmarsan iyo tallaabooyin keli-talisnimo ah. Waayo, Madaxweyne Riyaale marka hore wuxuu baalmaray xeerka codbixiyeyaasha diiwaangelinta oo ka soo baxay labada gole ee Baarlamaanka (Wakiilada iyo Guurtida), Madaxweynuhuna saxeexay, isla markaana wuxuu gebi ahaanba meesha ka saaray doorkii iyo taladii ay arrimaha doorashooyinka ku lahaayeen labada xisbi ee mucaaridka (UCID iyo KULMIYE) oo ay ka soo horjeedaan labada musharax ee kula tartamaya kursiga Madaxweynaha. Waxa kale oo ay Komishanka iyo Madaxweyne Riyaale dhinac iskaga leexiyeen heshiisyo iyo xeerar anshax oo ay saddexda xisbi hore uga gaadheen arrimaha doorashooyinka iyo natiijada diiwaangelinta.
Sidaas darteed labada xisbi ee mucaaridka ah ayaa markiiba soo saaray baaq wada-jir ah oo ay ku cambaareynayaan tallaabooyinka Madaxweyne Riyaale qaaday, isla markaana ay ku caddeynayaan inaanay marnaba aqbalayn go’aamada Madaxweynaha iyo komishanka ee sharci-darrada ah. Waxa kale oo ay xisbiyada mucaaridka ahi cambaareeyeen eriga hay’adda Interpeace. Sidoo kale gudoomiyeyaasha labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa soo saaray baaq wada-jir ah oo ay ku cambaareynayaan go’aanka laalista natiijada diiwaangelinta iyo eriga hay’adda Interpeace, iyagoo ku tilmaamay sharci-darro iyo talo-maroorsi. Sidoo kale, wakiilada iyo saraakiisha dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee Somaliland ka caawiya arrimaha doorashooyinka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, ayaa iyaguna soo saaray dhawaaq ay ku dhaleecaynayaan go’aanka ay ku dhawaaqeen gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka iyo Madaxweyne Riyaale, iyagoo intaas raaciyey in ay aqoonsan yihiin natiijada ka soo baxday macluumaadkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay natiijo lagu geli karo doorashada.
Waxa kale oo labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada horyimid mooshino lagaga doodayo tallaabooyinka uu ku dhaqaaqay Madaxweyne Riyaale, waxaana ilaa labadii toddobaad ee u dambeeyay labada gole ka socday doodo iyo buuqyo xasaasi ah oo arrimahaa lagaga hadlayo, taas oo la filayo inay goleyaasha Baarlamaanka ka soo baxaan go’aamo lagu diidan yahay tallaabooyinka uu Madaxweyne Riyaale qaaday. Sidaas daraadeed Madaxweyne Riyaale markii uu arkay mawjadaha diidmada ah ee ka horyimid wuxuu markii hore isku dayey inuu xoog ku meel-mariyo go’aamadiisii, hase yeeshee waxay wakhtigan xaadirka ah u muuqataa inay taasi ku soo oodantay oo aanay go’aamadiisu meelna u soconayn, sidaas darteed wuxuu maalmahan u dambeeyay baadi-goobayaa suryo uu ka baxo (way-out), waxaana taas u daliil ah dhaqdhaqaaqyo ay Madaxweyne Riyaale iyo xukuumadiisu ku tallaabsadeen laba-saddexdii maalmood ee u dambeeyay.
Sida ay tibaaxeen warar xog-ogaal ah wakiilo ka socda Madaxweyne Riyaale ayaa dhawr maalmood ka hor la xidhiidhay qaar ka tirsan Madaxda Mucaaridka waxayna gaadhsiiyeen hindise odhanaya “annaguna haddii aanu xukuumadda iyo xisbiga UDUB nahay waxaanu eryaynaa gudoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Komishanka, idinkuna (Mucaaridka) nagu raaca in doorashada lagu galo diiwaangelin la’aan”. Hase yeeshee sida la sheegay taas ganafka ayey ku dhufteen ragii loola yimid.
Sidoo kale, odayaal uu horkacayo Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa dorraad la kulmay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, una soo jeediyay in la wada-hadlo oo arrimahaas laga heshiiyo. Balse sida la sheegay is-afgarad iyo wax natiijo ahi kama soo bixin taas.
Waxa kale oo ilaa shalay dhinaca Nairobi ka soo baxay warar sheegaya in xukuumadda iyo xisbiga UDUB, xafiisyada Nairobi ee dalalka qaadhaanbixiyeyaasha ay gaadhsiiyeen warar ay leeyihiin arrimihii waanu ka heshiinay ee weftiga Midowga Yurub ee la filayo inay dalka yimaadaan Arbacada berito, ha iska joogeen oo annaga hanaga war sugeen, hase yeeshee qoloda qaadhaanbixiyeyaasha ee Nairobi fadhigoodu yahay waxay la soo xidhiidheen Hargeysa, si ay u hubiyaan wararka sheegaya in arrimihii laga heshiiyay, taas oo markii dambe ay xaqiiqsadeen inaanay waxba ka jirin.
Waxa kale oo maalmahan suuqyada Hargeysa laysla dhexmarayey warar ay soo tebinayaan dadka taageera xisbiga UDUB iyo dad ku dhowdhow Madaxweyne Riyaale, wararkaas oo sheegaya inuu Madaxweyne Riyaale fekerayo hindise odhanaya doorashada saddex bilood dib haloo dhigo, aniguna waxaan dhisayaa dawlad wadaag ah oo aan xisbiyada mucaaridka ka qayb-geliyo.
Waxa kale oo ay warar shalay soo baxay tibaaxeen in rag uu horkacayo wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub ay shalay la kulmeen gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, kaas oo sida la sheegay wasiirku kala hadlay gudoomiyaha Guurtida arrimo uu Madaxweyne Riyaale u soo faray, waxaana fariinta Madaxweynaha ee uu Siciid Sulub siday lagu sheegay inay nuxurkeedu ahayd in weftiga qaadhaan-bixiyeyaasha ee la filayo inay Arbacada berito yimaadaan dalka marka ay la kulmaan goleyaasha qaranka arrin isku mid ah loo wada-sheego oo dhinac looga soo wada-jeedsado, isla markaana wixii khilaaf goleyaasha dhexdooda yaalana ay iyaga dhexdooda dhamaystaan. Hase yeeshee waxay wararku sheegeen in Saleebaan-gaal arrintaas ganafka ku dhufteen, isla markaana wasiir Sulub u sheegay inaanay goleyaasha qaranka wax khilaaf ahi dhex ool, balse ay arrinta meesha taal ay tahay uun sharci-jebin ay xukuumadda iyo Komishanku ku tallaabsadeen, cidda ay wax ka dhexeeyaana ay yihiin xisbiyada qaranka.
Sidaas darteed marka laysku soo xooriyo arrimahaas oo dhan, waxay dadka arrimaha siyaasadda u dhuundaloolaa ku tilmaameen inay taas macnaheedu yahay inuu Madaxweyne Riyaale baadi-goobayo suryo uu ka baxo, kadib markii ay wax waliba ku soo oodmeen ee uu yaqiinsaday inaanu go’aankiisu xoog-xoog ku shaqaynayn.
Source Haatuf.net
Thursday, August 13, 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment