Wednesday, August 19, 2009

haKhamiista : Halkudhigeenu waa RAYAALOOW MAYA !

hamiista : Halkudhigeenu waa RAYAALOOW MAYA !

August 18th, 2009 Comments Off


Madaxaweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa u muuqda inuu maalinba maalinta ka danbyasa uu la soo baxayao dabeecado layaab leh sida Afbuurid, Isla Weyni, Kali Talisnimo iyo ku tamasho Sharci oo aan hore looga baran dhaqanka iyo hab siyaasadeedkii ladifnaa ee ay Umadda reer Somaliland ku soo caano maashay tan iyo markii afka ciida loo daray kaligii taliyihii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre. Guud ahaan waxa ay bulshada Somaliland ku nooli ay ka war haysaa sida ay u sharaftay uguna maamuustay Daahir Rayaale Kaahin inoo noqdo hogaamiyahooda iyaga oo ka door biday labadii hogaamiye mucaarid ee la tartamay, hadaba is weydiintu waxay tahay Md. Rayaale ma noqday mid sharfa oo si daacad ah ugu adeega bulshadii sharaftay? Mise waxa uu noqday shakhsi ka abaal ka daray sharaftii ay dadweynaha Somaliland huwiyeen?

Waxaan shaki ku jirin in Madaxweyne Rayaale uu ku xad gudbay haybadii qaranka, sharciyadii dalka, iyo maamuuskii Madaxweynenimo ee ay Bulshada reer Somaliland u igmatay inuu ugu adeego, waxaana uu u dhaqmay sidii nin maamulaya dukaan uu gaar u leeyahay, waxaana uu si yaq-yaqsi leh u bahdilay haybadii dawladnimo iyo maamuskii qaranimo ee Jamhuuriyada Somaliland. Hadii aynu tusaalooyin kooban soo qaadano waxa uu Madaxweyne Rayaale ku kacay arrimahan:

Tayo Xumada Golaha Xukuumadiisa:

Marka laga reebo xubno yar oo faro ku tiris ah, waxa uu Rayaale wasiirro ka dhigtay qaar tayo xun oo badankoodu ka tagay qurbaha, kuwaas oo aan aqoon iyo tayo toona lahayn, waxay dalka la tageena ay tahay waxaan haystaa Baasaboor reer Yurub ah! Waxa uu Madaxweyne Rayaale u qaatay in qof kasta oo Yurub ka yimaadaa uu yahay aqoon yahan xil qaban kara, waxaabad moodaa in Madaxweyne Rayaale uu aaminsan yahay “Cadaanka Afrika Joogaa waa wada Dhakhtar”


Rajadii Aqoonsiga oo Mugdi Gashay:

Waxaa Burbur balaadhani uu ku yimi Siyaasadii Arrimaha Debada ee Somaliland, waxaa meesha ka baxday tix galintii ay dalalka caalamku u hayeen Xukuumada Somaliland, waxaana caadi noqotay in Ooda laga rogi waayo wasiirka Arrimaha Debada Somaliland marka uu isku dayo inuu la kulmo dawladaha caalamka, waxaana maalinba ta ka danbeysa soo kordhaya fadeexadaha Siyaasadeed ee soo waajahaysa Wasaarada Arrimaha Debada iyo masuuliyiinteeda.

Wakiiladii/ Safiiradii Somaliland oo Hobolada Ku Biiray!

Yaa arkay xubnihii lagu magacaabi jiray inay yihiin wakiilada ama safiirrada Somaliland ee UK/ Ireland, Sweden. Norway iyo kuwii kale ee la midka ahaa sida safiirkii warwareegi jiray ee la sheegi jiray?

Waxaa safiirradaasi ay isku rogeen inay garab yaacaan oo ay kolba magaalo u kaxeeyaan Hobalada qoobka ciyaarka, waxaana warkoodu ku danbeeyay in ay shaashadaha talefishinada ka soo baxaan iyaga oo Maryan Mursal iyo fanaanada reer Norway ee Tanya kolba dhinac u hor cararaya!

Xagay kaga tageen xilkoodii iyo shaqadoodii ahayd inay qadiyada Somaliland ka dhaadhiciyaan wadamada loo igmaday, goorma ayay ku biireen Hobolada Waaberi?

Sida xaqiiqdu ay tahay Madaxweyne Rayaale iyo kooxdiisa ayaaba noqday qaar kusoo jeeda tumashada heesaha lagu qabto Aqalka Madaxtooyada, halkii ay ka ahayd inay kusoo jeedaan u adeegida danaha qaranka iyo u shaqaynta dadweynaha, waxaanad moodaa in Rayaale iyo kooxdiisu ay u qaateen qaylada iyo dhawaaqa dadweynuhu inay yihiin wax aan macno lahayn, taasoo u muuqataa in Rayaale uu leeyahay ” Habar baa iska haw-haw lehe heelada inoo tuma”

Ku Tumashada Sharciyada iyo qawaaniinta dalka:

Madaxweyne Rayaale waxa uu si cad ugu tuntay qawaaniinta dalka u yaalay, waxaana si kibir iyo is yeel-yeel uu ku jiro uu ganafta ugu dhuftay sharciyada ka soo baxa Golaha Baarlamaanka Somaliland, waxaana ku tumashada sharciga ugu danbeeyay go’aankii uu Baarlamaankau soo saaray ee ka dalbanayay in doorashada diiwaan galin lagu galo.

Hadaba inaga oo aan maqaal qudha kaga bogan karin Burburka uu Madaxweyne Daahir Rayaale ku wado Somaliland, ayaa waxa muuqata in Madaxweynaha Somaliland uu go’aansaday inuu baabiiyo oo uu xididada u siibo geedkii Xornimo ee bulshada reer Somaliland ay hadhsanaysay 18kii sanadood ee lasoo dhaafay, geedkaas oo ku baxay dhiigga kumanaan geesi oo naftooda u waayay beerista geedka xornimo ee Somaliland .

Si loo badbaadiyo Qaranimada Somaliland waxaa laga maarmaan ah:

1. In qof kasta oo Muwaadin ah oo reer Somaliland ahi uu ka qayb galo isu soo baxa maalinta Khamiista ee ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaridka ahi.

2. Soo qaado Loox/ Sabuurad ama Calan aad ku qorayso ( RAYAALOOW MAYA)

3. Soo qaado Durbaano, Daasado, Mikrifoono kuna dhawaaq meel kasta oo aad joogto RAYAALOOW MAYA

Baaq ku Socda Ciidamada Qalabka Sida/ Booliska iyo Sirdoonka Qaranka

Iyada oo Ciidamada Somaliland qaybaheeda kala duwan ay ku jiraan geesiyaashii usoo dagaalamay Xornimada Somaliland iyo Ciidamadii kale ee sida geesinimada leh u difaacayay una ilaalinayay qaranimada Somaliland 18kii sanadood ee lasoo dhaafay, waxaa ku waajib ah inaanay marnaba dheg u dhigin oo aanay qaadan amar kasta oo ka hor imanaya madba’a guud ee ay u dhaarteen oo ah inay ilaaliyaan amaanka dadweynahooda iyo sharciyada iyo qawaaniinta dalka u degsan.

Ciidamada Somaliland oo ogsoon in Madaxweyne Rayaale uu yahay ninka jabinaya sharciga iyo qawaaniinta qaranka u degsan waa inaanay marnaba ka aqbalin inay fuliyaan amar gurracan oo wax yeelo u geysanaaya amaanka dadweynaha reer Somaliland ee xaqooda u muadaharaadaya.

Waxaa ku waajib ah Askari kastaa inuu isha ku hayo askariga dhinac taagan isla markaasna uu ka joojiyo Askariga si khaldan u dhaqma.

Waxaan ugu digyaa Ciidamada Qaranka ee Somaliland ee ku xadgudba dadweynaha Mudaaharaadaya in shaqada laga Eryi doono, Maxkamadana la soo taagi doono iyada oo aanay isku difaaci karin inay amar fulinayeen. Qaanuunka Caalamiga ahi ma ogola inuu Askarigu fuliyo Amar uu og yahay inuu khaldan yahay.

Guntii iyo gebo gabadii balanteenu waa in magaalo kasta, degmo kasta iyo tuulo kasta la isugu soo baxo iyada oo halhayskeenu uu yahay

RAYAALOOW MAYA ! RAYAALOOW MAYA! RAYAALOOW MAYA!

No comments:

Post a Comment