August 29th, 2009 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.Org)- Axsaabta Mucaaradka ah ayaa ka hadlay Falal ka dhacay Xarunta Golaha Wakiilada oo ay Xukuumaddu Ciidamo Boolis ah ku geysay, isla markaana keenay in Goluhu khalkhal galo.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi, “Dalkani wuxuu u baahan yahay Nabad, nabad baynu ku fadhinaa, wixii muran taaganna waa in distoorka iyo sharciga dhexdiisa lagu murmaa, laakiin wixii dalka rabshad iyo khalkhal gelinaya waa in la iska wada ilaaliyaaa, baarlamaanku sharci iyo xeerhoosaad buu leeyahay, xeer hoosaadka qofka lagu qaadaana dee waa inuu ogolaadaa, haddii aan amarka iyo sharcigu socon waxay noqonaysaa sida loo kala awood weyn yahay, markaa dalkuna xoog uma baahna ee wuxuu u baahan yahay in Sharciga la ilaaliyo”
Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay in Golaha Wakiilada ay ka taliyaan axsaabta mucaaridka ah oo u badan aqlabiyada golaha waxaanu yidhi “Xildhibaannadani waa xildhibaannadayadii, golahanna waxaanu ku leenahay 49 Xildhibaan, sida uu [madaxweynuhu] madaxtooyada uga warhayo annaguna [xisbiyada mucaaradka ah] halkan waxa ka socda ayaannu la soconnaa, annagaa aqlabiyadda leh, keeni karnana maamuus ka xayuubin, 49-ka xildhibaan xaq bay u leeyihiin ka footeeyaan waxa dalka ka socda inay nala tashadaanna xaq bay u leeyihiin, Xildhibaanka ka tirsan golahani wuxuu u fadhiyaa inuu fuliyo siyaasadda xisbiga, Ha moodina waxaad ku sheekaysaan ee aad tidhaahdaan waa dhexdhexaad shirguddoonku, maaha, hadduu shirguddoonku dhexdhexaad noqonayo maxaa loogu tartamayaa oo axsaabtu ugu tartamaysaa, waxay ugu tartamaan inuu u shaqeeyo xisbiga uu u shaqeeyo, annaguu siyaasaddayada ku shaqeeyaa.”
Guddoomiyaha oo la weydiiyay sida uu u arko ciidanka booliska ah ee la keenay Golaha wuxuu yidhi”Hawsha waa la kala leeyahay, shirguddoonku xaq wuxuu u leeyahay inuu u yeedho booliska hadduu u baahdo, wuxuu u baahdo oo uu yidhaa qabta inay qabtaan weeyeen wax ka dheeraada in dusha lagaga keeno maaha, Madaxtooyada Madaxweynahaa leh, Golahana Guddoomiyahaa ka madaxa, qof kastaba intii xeerka sharcigu ka siiyey inuu ilaashado weeye”
Gudoomiyaha ayaa sheegay inaan maanta la soo hordhigayn wax mooshin ah oo maamuus ka xayuubin ah, balse ay laga doodi lahaa ajandihii kal-fadhigan aan caadiga ahayn, waxaanu yidhi”Waxani dadkaa la isku bajinayaa, wax weli jira maaha, ajandihii lama samaynin maanta ayaana laga doodi lahaa, dadka warka xun wada ayaa horta waxan samaynaya, qoladan dawladduna waxbay ka fulaysan tahay marka la yidhaahdo waxyar baa baxay ayay ciidamo soo diraysaa, markaa qoloba ciidamo ayay leedahay, annaguna waxaanu leenahay ciidamadii maalintii Khamiistii [shacbiga], markaa waxaan leenahay labada ciidan ha la kala ilaaliyo, dadkana yaan been la isugu khuukhinin, mooshin maamuus ka xayuubin ahina ma jiro, dawladdana aniga [Faysal ahaan] ayaa xalay iyo saaka u sheegay”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Golahaasi waa rejadii u dambaysay ee umaddu lahayd in la helo xal, isfaham iyo itijaah oo waxay ahayd in la helo Dimoqraadiyaddii umaddu u ordaysay, maantana badheedhkaas baa ka dhacay.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Xisbi ahaan waxaanu si adag u cambaaraynaynaa falkaa foosha-xun ee maamulka maanta jiraa uu cadaystay ee uu kula kacay Golaha Wakiillada, golaha Sharci-dejinta – golihii ugu sareeyay ee umaddaasi si toos ah u soo dooratay, halkaasna lagu laalaabay albaabkii Dimoqraadiyadda iyo geedi-socodkeeda. Arrintaasi waxay u horseedi kartaa umadda burbur, dhibaato iyo iska-horkeen, waxaana masuuliyadeeda iyo xilkeeda si buuxda u qaba Maamulka maanta jira ee uu madaxda ka yahay Daahir Rayaale Kaahin”
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment