August 2nd, 2009 Comments Off
Xisbiga Kulmiye oo soo saaray war saxaafadeed uu kalsoonidii kala noqday Komishinka Doorashooyinka.
Qoraal kooban oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biix Cabdi ayaa maanta Xisbiga Kulmiye gacanta ka saaray Gudoomiyaha gudiga Doorashooyinka, Mr Jamac Sweden. Qoraalkan ayaa Xisbiga Kulmiye ku cadeeyay in dhamaanba wada shaqantii Xisbiga Kulmiye la sameen jiray Komishanka doorashooyinka uu joojiyay laga bilaabo maanta oo ah bisha August 2 2009. Talaabadab uu xisbigu qaaday ayuu ku sababeeyay maadama Komishanku doorshooyinku lumiyeen kalsoonidii iyo dhexdhexaadnimadii ay sadexda Xisbi ee tartamaya dhexda u ahaayeen.
Xisbiga kale ee mucaaridka ee UCID ayaa isagu hore u sheegay in aanu ka qayb gali doonin doorasho aan lagu galayn bilaa diiwaan galin. Waxaana muuqata qoraal kan manta war saxaafadeedka Kulmiye soo saaray, in isna uu qaadacay ka qayb galka doorashada oo bilaa diiwaan galin lagu galo.
Go’aankan labada Xisbi mucaarid ku diideen in dorashada lagu gali bilaa diiwaangalin, gudoomiyayaasha labada gole ee guuritada iyo baarlamaanka ku taageereen ayaa muuqda mid ay sii adkaanayso in ay gudida komishanku iyo xukumada Riyaaleba ay qiil u sameeyaan. Maadaama heshiiska markii horeba sadexda xisbi galeeen ahaa in go’aanka doorashada lagu galayaa noqdo mid sadexda xisbi ee tartamayaa heshiis ku yihiin. War saxaafadeedkii Xisbiga Kulmiye oo tafatiran halkan hoose ka akhriso.
XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND
(KULMIYE)
REF: XK/Gx1aad/0151/ 09
DATE: 02/08/2009
KU: GUDDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA =HARGEYSA=
OG:SHIR-GUDDOONKA GOLAHA GUURTIDA =HARGEYSA=
OG:SHIR_GUDDOONKA GOLAHA WAKIILADA =HARGEYSA=
OG:XAFIISKA DEEQ-BIXIYEYAASHA =HARGEYSA=
UJEEDDO: GO’AAN XISBI
Shir uu manta yeeshay Xisbiga Kulmiye, wuxuu go’aan ku gaadhay go’aamada hoos ku qoran:
1. In Xisbiga Kulmiye taageersan yahay natiijadii ka soo baxday Server-ka .
2. Xisbiga Kulmiye inuu aad u diidan yahay go’aankii Komishanka Qaranku ku laalay liiskii cod-bixiyeyaasha ee ka soo baxay Server-ka.
Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa in Komishinku uu ka baxay dhexdhexaadnimadii, oo uu la saftay Xisbiga talada haya ee UDUB.
Xisbiga Kulmiye, wuxuu go’aamiyey inuu hakiyo wada shaqeyntii uu la lahaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka, ilaa inta uu Komishinka Qaranku noqonayo mid dhexdhexaad ah oo soo celin kara kalsoonidii Xisbi.
WA BILAAHI TAWFIIQ
MD: MUUSE BIIXI CABDI
K/S.. GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE
AHNA GUD.KU-XIGEENKA 1aad.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment