London (Hadhwanaagnews.com)-- Warar xogogaal ah oo aanu ka helayno xarunta waddanka Kenya ee Nairobi oo uu ku sugna maalmahii ugu danbeeyeyba Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa tibaaxaya inuu Guddoomiyahu kula kulmi doono Nairobi wefdi ay hogaaminayso xoghayah arrimaha dibadda dalka maraykanka Mrs Hillary Clinton oo dhawaan lagu wado inay Nairobi soo gaadho.
Wararkani oo aanu ka helayno kambuulka uu Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ka degenyahay magaalada Nairobi oo maalmahii ugu danbeeyayba uu halkaasi ku joogay hawl caafimaad ayaa noo xaqiijiyey in qoraal waraaq ah oo uga yimid xafiiska arrimaha dibadda ee dalka maraykanka lagaga codsaday Guddoomiyahu inuu hakiyo socdaal u qorshaysna oo ahayd inuu dalkii Somaliland dib ugu laabto horaanta todobaadka soo socda si ayaa lagu yidhi qoraalkaasi uu ula kulmi Wefdiga.
Wefdiga Mrs Hillary Clinton ayaa waxaa la socda kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee afrika Johnnie Carson, Guddoomiyaha guddida arrimaha afrika iyo caafimaadka u qaabilsan golaha Congresska dalka maraykanka Donald Payne iyo kaaliyayaasha arrimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo warfaafinta ee dawladda maraykanka u qaabilsan arrimaha afrika.
Sida warkani noo xaqiijinayo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxaa u qorshaysan inuu la kulmo Guddoomiyaha guddida afrika iyo caafimaadka u qaabilsan golaha congresska maraykanka Donald Payne oo dhawaan magaalada Washington kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Kulmiye Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, una diiday inuu la kulmo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale.
Kulankani la filaayo inuu dhex maro madaxda ugu saraysa arrimaha dibadda dalka Maraykanka iyo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa wuxuu ku soo beegmaya iyadoo xaaladdii siyaasadeed ee ugu xumayd uu ka aloosanyahay gudaha Somaliland iyadoo uu jiro khilaaf ba´an oo u dhexeeya xukuumadda, xisbiyada qarranka iyo koomiishanka Somaliland oo ku saabsan qaabka loo gallayo doorashada madaxtooyada Somaliland, waxaa la filayaa inuu kulankani saamayn weyn ku yeesho arrintaasi.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Hadhwanaagnews, London Office
diridhaba@gmail.com
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment