Hargaysa(Golis)- Mudanayaal ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii maanta shirgudoonka wakiilada u gudbiyay mooshin ka dhan go'aankii ay Komishanka Doorashooyinku laaleen Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha iyo tallaabadii ay xukuumaddu dalka kaga saartay wakiilkii Hay'ada Interpeace .
Mooshinkan oo ay ku saxeexnaayeen 20 Mudane oo ka tirdan Golaha Wakiillada Somaliland waxay ku soo jeediyeen in dood laga furo cawaaqibka ka dhalan kara labadaas mawduuc, waxana uu qoraalkoodu u dhignaa sidan;
“Anagoo ah Mudaneyaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin kuna saxeexan yihiin,si waaqfaqsan xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada, waxaanu shir gudoonka Golaha Wakiilada u soo jeedinaynaa mooshinkan hoos ku qoran.
1- Maadaama oo Dastuurka dalku ku salaysan yahay tallo wadaag,waxaan soo jeedinaynaa in Golaha Wakiilada Somaliland dood looga furo go’aanka Guddida doorashooyinku ay ku laaleen Natiijadii diiwaan gelinta.
2- In laga doodo oo kale cawaaqibka ka dhalan kara go’aankaa.
3- Waxa kale oo Goluhu u soo jeedinaynaa in laga doodo culayska iyo saamayta ay dalka ku yeelan karto wakiiladdii doorashada taageeri jiray ee xukuumadu dalka ka saartay.
Magacyada Xildhibaanada;
1- Md. Siciid Maxamed Cilmi
2- Md.Cali Xasan Maxamed
3- Md. Saleebaan Cawad Cali
4- Md. Maxamed Faarax Qabille
5- Md. Axmed Maxamed Diiriye
6- Md. Maxamed Dhunkaal
7- Md. Xuseen Maxamed Cigge.
8- Md. Aadan Tarabi Oogle
9- Md. Siciid Cilmi Rooble
10- Md. Maxamed Yuusuf Axmed
11- Md. C/raxmaan Maxamed Talyanle
12- Md. Xamse Maxamed Gaada-weyne
13- Md. Maxamed Nuur Carraalle
14- Md. Axmed Ibraahim Daahir
15- Md. Mahdi Xuseen Cadan
16- Md. Maxamed Xuseen Xaaji Ciise
17- Md. Xaashi Xuseen Caabi
18- Md. Axmed Cabdi Kijaandhe
19- Md. Mahdi Ibraahim Buubaa"
Xigasho Golisnews Hargeysa JSL
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment