Dr. Gaboose Oo Cambaareeyey Talaabadii Komishanku Ku Laalay Diiwaangelintii Codbixiyeyaasha In Lagu Galo Doorashada
Hargeysa, July 30, 2009 (Haatuf) - Madaxa ololaha doorashada Xisbiga KULMIYE ee Gobolada Bariga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa cambaareeyey tallaabadii Komishanka doorashooyinku ay ku sheegeen in doorashada madaxtooyada lagu galo diiwaangelin la’aan.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warar sheegayey in xisbiga kulmiye dhexdiisa uu khilaaf ka jiro, sidaana waxa uu ku sheegay Dr. Gaboose shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa, isaga oo ka hadlaya Digtoorku arimahaana waxa uu yidhi:- “Waxaan idiin xaqiijinayaa in aan xisbiga KULMIYE gudihiisa wax loolan ah, wax khilaaf ah iyo is haysasho ah oo ka dhex socdaa in aannu jirin, waxaannu ku aragnaa shabakada Qarannews loolan iyo waxan baa ka dhex jira KULMIYE, waxaas oo dhami waxa weeyi xisbigaas culus ee ay u muuqato guushu inay u soo hoyatay oo dadkii iyo dareenkii la jaanqaaday in dadka la geliyo khalkhal.”
Dr. Gaboose wuxuu sheegay in caalamku Somaliland la doonayo dimuqraadiyad wanaagsan waxaanu yidhi “Waddammada reer galbeedka oo ay gaar ahaan hoggaaminayaan dalalka Maraykanka iyo Ingiriisku waxay Somaliland ku wadeen dariiqa dimuqraadiyadda, xasiloonida iyo maamul-wanaaga inay caalamka u muujiyaan in waxa hareeraheena iyo dunida badhkeed ka dhacaya aynu kaga duwanahay, si markaa qadarintaasi ay u dhasho xaqa ictiraaf doonka.
“Waxaynu galnay doorashooyin u baahan saddex arrimood oo kala ah dhaqaalaha lagu qabanayo, farsadamada doorasho xor iyo xalaal ah loo galo iyo in bulshada caalamku ictiraafaan wixii halkaa ka dhacay si ay ugu gudbiyaan caalamka intiisa kale in aynu nahay ummad u socota himiladeeda ee aan ahayn danta shakhsiga iyo kursi jacaylku mid uu kala weyn yahay himiladooda,”ayuu yidhi Dr Gaboose, waxaanu intaasi ku daray, “Go’aanka Komishanku, wuxuu ahaa mid halis ku ah dalka waa ayaan darro weyn in Jaamac Sweden oo ah nin mutacalin ah oo Hay’adaha la soo shaqeeyey uu qaado tallaabo dalka wax u dhimaysa, taas oo waxyeelaysa karaamada iyo jiritaanka dalka. waxa kale oo intaasi ka sii xumayd inuu aflagaado u geysto InterPeace iyo deeqbixiyeyaasha caalamka.”
Dr. Gaboose wuxuu ku dooday haddii doorasho aan diiwaangelin lahayn la galo in aanay beesha caalamku u soo dirayn wax goob joogeyaal caalami ah, waxaanu yidhi “Markaasi waxa soo baxaysa doorasho madow iyo natiijo madow haddii aanay goob joogeyaal caalami ahi iman.”
Maxamed Cabdi Gaboose wuxuu Madaxweyne Rayaale ugu baaqay inuu dalka badbaadiyo oo uu ka hawl galo sidii dib looga noqon lahaa Go’aanka Komishanka doorashooyinku soo saareen ee ay ku laaleen Server-kii iyo diiwaan-gelintii Codbixiyeyaasha.
“Xisbiga dhexdiisu wuu doodi karaa, aaraada waa lagu kala gedisnaan karaa, balse wax khilaaf ah oo na dhex yaala Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ma jiro,”ayuu yidhi Dr. Gaboose oo wax laga weydiiyay warar sheegayay in xisbigaasi isku khilaafay go’aanka ay ka gaadhayaan qaraarka Komishanka doorashooyinka.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment