Friday, July 31, 2009

Mucaaradka oo Beesha Caalamka ugu Baaqay in Somaliland Laga Badbaadiyo Godka Madow ee Rayaale ku Ridayo

“Falka uu ku tallaabsaday Rayaale waxay dhaawac aan laga soo kaban karin gaadhsiin kartaa himiladii ummadani higsaneysay 18ka sanno”

“Waxaannu ka codsanaynaa dhammaan shacbiga Somaliland iyo beesha caalamkaba inay u soo gurmadaan badbaadada dimuqraadiyadda iyo jiritaanka qaranimada Somaliland, kana oggolaan Daahir Rayaale inuu masiirka iyo rajada ummadda god madow ku rido”

Hargeysa (Jam)- Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE, ayaa gaashaanka ku dhuftay, ugana soo horjeestay go’aankii xukuumaddu dalka kaga saartay hay’adda Interpeace, kaasoo ay ku tilmaameen mid dhabar-jab ku ah himiladii ummadda Somaliland higsanaysay iyo in dalka ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Warsaxaafadeed labada xisbi mucaarad si wadajir ah saqdii dhexe ee xalay u soo saareen oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Ku-simaha Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxay si adag ugaga digeen cawaaqib-xumada ka dhalan kara tallaabooyin ay sheegeen in xukuumadda Madaxweyne Rayaale beryahan dambe si badheedh ah ugu minjo-xaabinayso doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhaca iyo hannaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland.

Waxa kaloo xisbiyada mucaaradku si kulul u cambaareeyeen habkii dalka looga mastaafuriyey madaxii hay’adda Interpeace, kaasoo ay ku tilmaameen in loola dhaqmay si argagixiso ah oo ka baxsdan milgaha dawladnimo iyo bani’aadamka.

Geesta kale, waxay eedaymo culus u jeediyeen Madaxweyne Rayaale oo ay xuseen inuu tallaabooyin liddi ku ah qarannimada iyo himiladii ummadda Somaliland higsanaysay, iyagoo xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinkana ku eedeeyey inay ka baxeen heshiiskii saddexda xisbi qaran wada gaadheen.

Warsaxaafadeedka labada xisbi mucaarad ku soo bandhigeen mowqifkooda ku wajahan go’aanka xukuumaddu dalka kaga eriday hay’adda Interpeace waxa uu u dhignaa sidan:

“Sida laga warqabo muddo ku siman 18 bilood waxa ay doorashadii madaxweynuhu u dabraneyd hirgelinta diiwangelinta sida ku xusan xeer 20 ee doorashada oo odhanaya doorashada laguma geli karro bilaa-diiwaangelin. Waxaynu la soconaa in abaabulka ugu weyn xukuumadda iyo shacbiguba ka galeen sidii diiwaangelinta loo dhammaystiri lahaa. Waxa nasiib-darro ah in markii natiijadii soo baxday in Daahir Rayaale goostay in uu daadafeeyo; ummaddana ku khasbo in doorashada lagu galo bilaa-diiwaangelin, taas oo ka soo horjeeda sharciga iyo xeerka dalka u yaal. Taasi waxay caddayneysaa in aannu Daahir Riyaale marna u diyaar ahayn doorasho xor iyo xalaal ah oo uu ka dhiganayey diiwaangelinta cimri-dherer.

Waxa kaloo aynu la soconaa isaga oo ka baxsanaya doorasho xor oo xalaal ah inuu fal argagaxiso ah lagu afduubay wakiilkii hay’adda caalamiga ah ee Interpeace mudane Samoora, loona mustaafiriyay si bini’aadminimada iyo hab-dhaqanka dawladeedba ka baxsan, loona fushado dano gaar ah. Waxa kale oo xusid mudan in la sheego in qalabkii hay’adda caalamiga ah lahayd ay xukuumaddu gacanta ku dhigtay, taasoo lid ku ah xeerarka caalamiga ah

Waxa kale oo aannu ifinaynaa in xubno ka mid ah Komishanaku si qaawan uga tallaabsadeen heshiiskii ay saddexda xisbi qaran iyo Komishanku wada saxeexeen oo ahaa in natiijada ka soo baxda SERVERKA sideeda loo aqbalo laguna hawlgalo.

Labada xisbi qaran ee KULMIYE iyo UCID waxay si adag u deedafeynayaan dhawaaqa dhabar-jabka ku ah yoolkii ummaddu higsaneysay ee geeddi-socodka doorasho xor oo xalaal ah. Falkaas oo niyad-jab ku ridaya cid kasta oo u hiilisa in ummaddani wax noqoto.

Waxa kale oo ay labada xisbi qaran si wadajir ah u cambaareynayaan falkaa foosha xun ee lagula kacay wakiilkii Interpeace, loonana dhaqmay sida bani’aadminimada ka baxsan. Haddaba, labada xisbi qaran waxay ka digayaan cawaaqib-xumada ka dhalan karta arrintaas oo horseedi karta qalalaase iyo burbur ku yimmaadda dalkan, sidoo kalena saameyn ku yeelan karta Geeska Afrika (Horn of Africa).

Dhinaca beesha caalamka falka uu ku tallaabsaday Daahir Rayaale waxay dhaawac aan laga soo kaban karin gaadhsiin kartaa himiladii ummaddani higsaneysay 18kii sanno ee goonni-isu-taagga Somaliland; siday dawladaha daneeya geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland ku muujiyeen baaqii cuslaa ee ay soo saareen bishan July 29keedii. Waxay labada xisbi qaran si buuxda u taageerayaan qayladhaantii iyo goobaabintii deeqbixiyaashu ka soo saareen arrimaha doorashada ee hadda taagan. Waxa kaloo labada xisbi ku ballanqaadayaan inay si joogta ah ula shaqeeyaan cid kasta oo rabta hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah.

Haddaba, labada xisbi waxay u dirayaan dhammaan ummadda Somaliland iyo beesha caalamka siiba waddamadii iyo hay’adihii gacanta weyn ka geystay horumarinta, geedi socodka dimuqraadiyadda iyo diiwaangelinta khaasatan EUda, USAID iyo waddamada UK, Denmark, Norway, Sweden iyo Switzerland.

Waxa ay labada xisbi qaran ka codsanayaan dhammaan shacbiga Somaliland iyo beesha caalamkaba inay u soo gurmadaan badbaadada dimuqraadiyadda iyo jiritaanka qarannimada Somaliland, kana oggolaan in Daahir Rayaale masiirka iyo rajada ummadda god madow ku rido.”

Xukuumadda Somaliland ayaa shalay soo saartay go’aan ay dalka caydhisay hay’adda Interpeace oo dhinaca farsamada iyo dhaqaalaha ka taageeri jirtay Komishanka Doorashooyinka.

Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment