
Gole Baarlamaan Ee Somaliland Oo Komishanka Ugu Baaqay In Ay Si Deg-deg Ah Uga Noqdaan Goaanka Laalitaanka Diwaan-gelintii Codbixiyaasha.
Labada gudoomiye aqal ee Baarlamaanka Somaliland iyo Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) iyo Md C/raxmaan Maxamed Cabdiaahi (Cirro), ayaa canbaareeyay falkii xukumadu dalka kaga saartay Mr. Robin Zamora, madaxda Interpeace ee Somaliland, oo dawlada Somaliland dalka ka saartay maalintii khamiistii.
Waxaana gudoomiyayaasha labada aqal ku tilmaameen falkaa, mid dhabar jabinaya geedi-socodka dimuqraadiyada Somaliland. Madaxda labada Gudoomiye waxa ay kula taliyeen komishanka doorashooyinka in laga noqdo go’aankii lagu laalay diiwaan gelintii codbixiyeyaasha.
Nuqulka war-saxaafadeedkaas oo faah faahsani waxaa aan idinku soo gudbinay halkan hoose.
“Waxaanu u aragnaa go’aankii Guddida doorashooyinka Qaranku ku laaleen natiijadii ka soo baxday diiwaan gelinta mid khaldan oo shuruucda dalka iyo Himilada ummadda reer Somaliland ka soo hor jeeda. Waxaanu u aragnaa in shacbiga reer Somaliland oo ay caawiyeen deeqbixiyeyaashu ku guulaysteen diiwaan gelinta, natiijo doorasho lagu galaana ka soo baxday. Diiwaan gelinta waxa shacbiga reer Somaliland ka galay dedaal fara badan, hawl midho-dhalisay iyo maaliyadda culus oo aan la qiyaasi Karin. Sidoo kale, deeqbixiyeyaasha caawiya Somaliland ayaa iyana maaliyad balaadhan ku bixiyay.
Waxaanu u aragnaa in Go’aankani dhaawacayo xidhiidhka aynu lahayn mujtamaca dawliga ah, deeqbixiyeyaasha, dawladaha daneeya Somaliland ee sida tooska ah u caawinayay doorashooyin-keena. Sidoo kale waxa Go’aankani uu dhabar jab iyo tumaati ku yahay dedaalkii aynu ugu jirnay ictiraaf raadinta Somaliland muddada dheer.
Waxaan u aragnaa go’aanka eriska wakiilka haayada Inter-peace mid aan laga fiirsan cawaaqibka ay dhalin karto. Haddaba Guddoonka Baarlamaanka Somaliland waxa uu soo jeedinayaa.
Qodobka Koowaad) In si deg deg ah looga noqdo go’aanka laalista diiwaan gelinta, luguna dhaqmo natiijada diiwaan gelinta.
Qodobka Labaad) In Haayadaha dastuuriga ahi ka wada tashadaan sida ugu dhakhsaha badan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd wakhtigeedii 27-9-2009-ka.”
Hargeisa,Somaliland
No comments:
Post a Comment