Monday, September 7, 2009

Cabdiraxmaan Tuur Vs Daahir Rayaale

Mustafe Aburas (Kordhisocodka)

Ma La yaabtay cinwaanka!! Milicsiga Taarikhda Mahadhadeeda, Bal muuqaalka, dib u raac Humaaga, Maalmihii adkaa ee Cabdirahmaan, Maalmihii dagaalka sokeeye ee Egal, Maalintii Dastuurka iyo Maalmihii ka dambeeyee Macaanaa. Madowga Taariikhda Somalland ee bilowday geeridii Cigaal Ka dib iyo marxaladan hada ee aan hore loo arag, intaba waaa Taariikh.
Dib aan oogu noqdo ujeedadaydee, Mujaahid Cabdiraxmaan Ahmed Cali, oo ahaa Madaxwaynihii ugu horeeyey ee Somaliland Wuxuu mudan yahay bilad dahaba. Markii Cabdirahmaan ay ku adkaatay wadida dawladii ugu horaysay oo aan haysan dhaqaale, ciidan, booliis, iyo hay'ado dawli ah sida ta hada jirta, wuxuu si dhib yar xilka oogu wareejiyay golaha guurtida. Cabdiraxmaan wuxuu ka mid noqday markaa dadka shicibka ahaa ee u tartarmayay Jagada madaxwaynanimada.
Hadaba Rayaale ma leeyahay, geesinamadii iyo kalsoonidii C/rahman Tuur. Ma ka degi karaa kursiga oo la tartami karaa Siilaanyo iyo Faysal Waliba isagoo ka jeeb badan, Ma haystaa kalsooni, iyo Raganimo? Ma aaminsan yahay in shicibkuu hormuudka u ahaa Todaba Sano ay u hayaan wax rajo ah. Jawaabaha suaalahaas oo dhan ayaa waxay noqonayaa waa MAYA. Ina Rayaale iyo Udub wax maanta lagu doorto oo lagu aamino, oo loogu riyaaqo, oo loogu doodo, oo lagu taageero, oo lagu ciseeyo Ma garanayo.
Waa haan gun la', Waa Maskax gaagaxday, iyo qalbi qalalay. Aqligoodii iyo Maskaxdoodi iyo lacagtii wadankaba intay isku geeyeen Udub Hal iskuul way ku dhisi kariwaayeen. Waxay Magacawydeen gobolo iyagooon u diyaarin wax ama u dhisin mashruuc horumarineed u hasla gobolnimada (government system).
Ugu Danbayn, mudo kordhin danbe ma hadhin, dheeraysi danbe ma hadhin, doorasho ma hadhin, oo Gudi isku sheega doorashooyinka ee laha waxaanu dib u dhignay doorashadii ayaaba ahayd wax lagu qoslo. Madaxwayne Inuu sidii cabdiraxmaan Tuur geesinimo yeesho ayaa haaboonayd oo uu is casilo, dabadeedna doorashada u diyaar garoobo!!! UURAYSATAYE BAL AYNU EEGNO!!

Qalinkii Mustafe Shaqale Kordhisocodka
Minneapolis Minnesota
http://kordhisocodka.blogspot.com
mustafejama@yahoo.com

Sunday, September 6, 2009

KULMIYE oo xalka khilaafaadka dalka ku tilmaamay Rayaale oo xilka ka dega

KULMIYE oo xalka khilaafaadka dalka ku tilmaamay Rayaale oo xilka ka dega

September 6th, 2009 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga KULMIYE ayaa ka hadlay laba Mooshin oo isku lid ah oo ku hirdamaya Golaha Wakiilada, kuwaas oo mid ka mid ahi ku saabsan yahay maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne, halka ka kalena uu ku saabsan yahay wax-ka-bedel lagu sameeyo Xeer-hoosaadka Golahaas.

Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa soo dhaweeyay Maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne ah oo Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiiladu horgeeyeen fadhigii shalay ee Golahaas. Waxaanu xil-ka-xayuubin lagu qaado Madaxweyne Rayaale ku tilmaamay mid keenaysa in dalka Doorasho ka dhacdo. “Waddan Dimuqraadi ah ayaynu nahay, Waddankana Xeerar baa u yaala, maamuus ka xayuubintuna waa mid meesha taalla. Lix sano iyo badh buu Madaxweyne Rayaale xilka hayay, wuxuu ku jebiyay xeerar badan. Golaha Wakiiladu xaq bay u leeyihiin inay maamuus ka xayuubin sameeyaan sababaynteedana iyagaa (Xildhibaanadu) keeni doona.” Ayuu yidhi Mr. Saylici oo shalay qaar ka mid ah Warbaahinta ugu waramay Xarunta Golaha Wakiilada hortiisa. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Maanta dhibta kaliya ee jirta ee wax waliba ka dhaqaaqi la’yihiin waa Madaxweynaha, waa ninkii qaban lahaa ee fulin lahaa doorashada, Madaxweynuhu waxa loo kordhiyay sanad iyo badh dheeraad ah oo qayrul sharci ah si uu u qabto doorasho tiina may dhicin, haddii Madaxweynaha xilka laga xayuubiyo waxa bislaanaya oo imanaya xalka Somaliland doorashada Madaxtooyaduna way qabsoomaysaa.”

Waxa kale oo uu Mr. Saylici ka hadlay Mooshin kale oo isla shalay la horgeeyay Golaha Wakiilada, kaas oo ku saabsan in wax-ka-bedel lagu sameeyo Xeer-hoosaadka Golahaas. “Mooshinka kale ee ay wataan Mudaneyaasha Xisbul-xaakimku ee ay leeyihiin wax ha laga bedelo xeer hoosaadkooda, dee xoog xoog ma yaalee, waa inay sharci iyo qaanuun ay ku helaa. Haddii ay cod ku helaan waa sax, laakiin waxa meesha ka reebban in Qori iyo handadaad wax lagu doono.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Sidoo kale, Saylici wuxuu bogaadin u jeediyay Dadweyne shalay isugu soo baxay Xarunta Golaha Wakiilada hortiisa, waxaanu ku tilmaamay inay dareenkooda muujiyeen.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Saturday, August 29, 2009

Axsaabta Mucaaradka ah oo ka hadlay Falkii Xukuumaddu ku khalkhal-gelisay Golaha Wakiilada

August 29th, 2009 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Axsaabta Mucaaradka ah ayaa ka hadlay Falal ka dhacay Xarunta Golaha Wakiilada oo ay Xukuumaddu Ciidamo Boolis ah ku geysay, isla markaana keenay in Goluhu khalkhal galo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi, “Dalkani wuxuu u baahan yahay Nabad, nabad baynu ku fadhinaa, wixii muran taaganna waa in distoorka iyo sharciga dhexdiisa lagu murmaa, laakiin wixii dalka rabshad iyo khalkhal gelinaya waa in la iska wada ilaaliyaaa, baarlamaanku sharci iyo xeerhoosaad buu leeyahay, xeer hoosaadka qofka lagu qaadaana dee waa inuu ogolaadaa, haddii aan amarka iyo sharcigu socon waxay noqonaysaa sida loo kala awood weyn yahay, markaa dalkuna xoog uma baahna ee wuxuu u baahan yahay in Sharciga la ilaaliyo”

Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay in Golaha Wakiilada ay ka taliyaan axsaabta mucaaridka ah oo u badan aqlabiyada golaha waxaanu yidhi “Xildhibaannadani waa xildhibaannadayadii, golahanna waxaanu ku leenahay 49 Xildhibaan, sida uu [madaxweynuhu] madaxtooyada uga warhayo annaguna [xisbiyada mucaaradka ah] halkan waxa ka socda ayaannu la soconnaa, annagaa aqlabiyadda leh, keeni karnana maamuus ka xayuubin, 49-ka xildhibaan xaq bay u leeyihiin ka footeeyaan waxa dalka ka socda inay nala tashadaanna xaq bay u leeyihiin, Xildhibaanka ka tirsan golahani wuxuu u fadhiyaa inuu fuliyo siyaasadda xisbiga, Ha moodina waxaad ku sheekaysaan ee aad tidhaahdaan waa dhexdhexaad shirguddoonku, maaha, hadduu shirguddoonku dhexdhexaad noqonayo maxaa loogu tartamayaa oo axsaabtu ugu tartamaysaa, waxay ugu tartamaan inuu u shaqeeyo xisbiga uu u shaqeeyo, annaguu siyaasaddayada ku shaqeeyaa.”

Guddoomiyaha oo la weydiiyay sida uu u arko ciidanka booliska ah ee la keenay Golaha wuxuu yidhi”Hawsha waa la kala leeyahay, shirguddoonku xaq wuxuu u leeyahay inuu u yeedho booliska hadduu u baahdo, wuxuu u baahdo oo uu yidhaa qabta inay qabtaan weeyeen wax ka dheeraada in dusha lagaga keeno maaha, Madaxtooyada Madaxweynahaa leh, Golahana Guddoomiyahaa ka madaxa, qof kastaba intii xeerka sharcigu ka siiyey inuu ilaashado weeye”

Gudoomiyaha ayaa sheegay inaan maanta la soo hordhigayn wax mooshin ah oo maamuus ka xayuubin ah, balse ay laga doodi lahaa ajandihii kal-fadhigan aan caadiga ahayn, waxaanu yidhi”Waxani dadkaa la isku bajinayaa, wax weli jira maaha, ajandihii lama samaynin maanta ayaana laga doodi lahaa, dadka warka xun wada ayaa horta waxan samaynaya, qoladan dawladduna waxbay ka fulaysan tahay marka la yidhaahdo waxyar baa baxay ayay ciidamo soo diraysaa, markaa qoloba ciidamo ayay leedahay, annaguna waxaanu leenahay ciidamadii maalintii Khamiistii [shacbiga], markaa waxaan leenahay labada ciidan ha la kala ilaaliyo, dadkana yaan been la isugu khuukhinin, mooshin maamuus ka xayuubin ahina ma jiro, dawladdana aniga [Faysal ahaan] ayaa xalay iyo saaka u sheegay”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Golahaasi waa rejadii u dambaysay ee umaddu lahayd in la helo xal, isfaham iyo itijaah oo waxay ahayd in la helo Dimoqraadiyaddii umaddu u ordaysay, maantana badheedhkaas baa ka dhacay.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Xisbi ahaan waxaanu si adag u cambaaraynaynaa falkaa foosha-xun ee maamulka maanta jiraa uu cadaystay ee uu kula kacay Golaha Wakiillada, golaha Sharci-dejinta – golihii ugu sareeyay ee umaddaasi si toos ah u soo dooratay, halkaasna lagu laalaabay albaabkii Dimoqraadiyadda iyo geedi-socodkeeda. Arrintaasi waxay u horseedi kartaa umadda burbur, dhibaato iyo iska-horkeen, waxaana masuuliyadeeda iyo xilkeeda si buuxda u qaba Maamulka maanta jira ee uu madaxda ka yahay Daahir Rayaale Kaahin”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

KULMIYE IYO UCID OO MAR KALE MAANTA WASIIRUL DAWLAHA ITOOBIYA QORAAL UGU CADAYNAYA INAANAY AQBALAYN

KULMIYE IYO UCID OO MAR KALE MAANTA WASIIRUL DAWLAHA ITOOBIYA QORAAL UGU CADAYNAYA INAANAY AQBALAYN


Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa maanta jawaab midaysan u gudbinaya wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tekedu Alemu, oo ku dhex jira xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee Somaliland.




Ma jiro war rasmi ah oo ay xisbiyada mucaaradku soo saareen, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in xisbiyadu qoraal jawaab celin ah maanta Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Itoobiya ugu dhiibayaan wakiilka Itoobiya ee Somaliland Ambassador Webished Dimmise oo isagu ku sugan Hargeysa. Warku waxa uu sheegay in qoraalkan oo jawaab u ah soo jeedimo dhawr qodob ka koobnaa oo uu Wasiirul dawluhu xisbiyada u soo bandhigay, ay mucaaradku ku cadeeyeen inaanay marnaba ka tanaasulayn qodobkoodii ahaa in Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisu xilka hoggaanka qaranka sii hayaan, marka la gaadho 27 September, oo uu xilku kaga eegyahay. Warku waxa uu sheegay in xisbiyadu qoraalkooda ku cadeeyeen inaanay marnaba ka tanaasulayn qodobkaas, waxaanay ku taliyeen in marka wakhtigaas la gaadho ay ummadu tallo isugu timaado, maadaama oo uu wakhtigii xil hayneed ka dhammaaday Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, isagoo wakhtiyada mudada loo kordhiyayna balan qaaday inuu qaban doono doorasho, balse aanay taasi dhaboobin.
Marka laga tago qodobka koowaad ee la xidhiidha muddo kordhinta Madaxweynaha ee ay qaadaceen, qodobada kale ee ay xisbiyadu gudbiyeen ee ay u arkeen in xal lagu gaadhi karo waxa ka mid ah:
1. In la bedelo afarta xubnood ee koomishanka doorashooyinka ee u codeeyay in la laalo diiwaangelinta
2. In khubarada dib u saxaysa Seerfarka ee dibadda laga keenayo lagu daro xubno ka mid ah hay’adii Interpeace ee dalka laga eryay.
Qoraalkaas oo ay ku saxeexanyihiin labada guddoomiye mucaarad ee KULMIYE iyo UCID Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, lama oga in saxaafadda loo soo bandhigi doono, marka loo gudbiyo Wasiirul dawlaha Arrimaah dibadda ee Itoobiya, oo Isniintii toddobaadkan ka ambo baxay magaalada Hargeysa oo uu dhawr caano maal joogay.


Source: www.geeska.net ,

Friday, August 28, 2009

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Cidda Sii Haynaysa Jagada Madaxweynaha Marka Ay Muddadiisu Dhamaato Tala Qaran Laga Yeelan Doono

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Cidda Sii Haynaysa Jagada Madaxweynaha Marka Ay Muddadiisu Dhamaato Tala Qaran Laga Yeelan Doono





Hargeysa (Longlivesomaliland News) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo aanu wax ka weydiinay mawqifka labada xisbi mucaarid ee ku saabsan cidda sii haynaysa jagada madaxweynaha marka ay dham aato muddada xilka ee madaxweyne Rayaale ayaa sheegay in arintaasi laga yeelan doono wada tashi qaran.

Sidaana waxa uu ku sheegay xogwaran uu siiyey Haatuf Xalay.

“Guddoomiyaha Golaha Guurtida sharcigu waxa uu dhigayaa in uu xilka qabto marka ay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku geeriy oodaan ama xilkooda ay caafimaad daro u gudan waayaan, laakiin cida dhexdhexaadka ah ee kursiga madaxweynaha qaban doonta wada tashi qaran baanu ka yeelan doonaa, waananu ka wada tashan doonaa, sidaa waxa yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo aanu xalay khadka telefoonka wax kaga weydiinay cida ay u qoondeeyeen inay si ku meel gaadh ah ay xilka Madxweynaha u qabato marka la gaadho 29-Octobar 2009 oo ay muddada xilku kaga egtahay madxweyne Rayaale iyo madaxweyne ku xigeenkiisa , sidoo kale waxa uu tilmaamay in golaha guurtidu ay kordhin karaan oo keliya marka ay abaaro iyo colaado aloosmaan , isaga oo intaas ku daray in mawqifkan ay hadda ka qaateen labadooda xisbi mucaarid in cid dhexdhexaad ah xilka loo dhiibo aanay hore u soo marin dalka, balse waxa uu tilmaamay in wada tashi qaran ay ka yeelan doonaan cidda ugu haboon ee jagada madaxweynaha qaban doonta.

Guddoomiyaha xisbgia UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo aanu wax ka wey diinay cidda ay aaminsan yihiin in xilka Madadxweynaha si ku meel gaadh ah loogu dhiibo ay tahay guddoomiyaha golaha guurtida inay isku raacsan yihiin inuu qabto waxa uu yidhi “arinkaasi ilaa hadda kamaanu tashan laa kiin guddoomiyah golaha guurtidu waxa uu xilka qaban karaa sida uu sha rcigu dhigayo marka ay madxweynaha iyo ku xigeenkiisa geeri ku timaado iyo marka ay caafimaad daro labadooduba xilka u gudan kari waayaan, laakiinse arintani maaha mid hore inoo soo martay, tan aanu hadda maw qifkayaga ku cadaysanay oo distoorkeenu si cad uma tilmaamayo cidda dhexdhexaadka ah ee loo dhiibayo, waxaanuse qabnaa in wada tashi qaran laga yeesho cidda ugu haboon ee si dhexdhexaad ah u qaban karta xilka madaxweynaha marka ay muddadu ka dhamaato, talo qaran ayaa laga yeelan doonaa, golayaal iyo xisbiyo iyo ururo bulsho iyo waxgaradka Somaliland, guuritdu waxa ay muddada madaxweynaha kordhin kartaa marka ay dalka ka dhacaan abaaro iyo colaado ay ka qabsoomi kari waay aan doorashooyin, hase yeeshee waxa aan kuu sheegayaa in guddo omiyah golaha guurtida oo kali ahi uu qaban karo xilka madaxweynah marka ay labadaas arimood ku yimaadaan madxweynaha iyo ku xigeen kiisa” ayuu yidhi guddoomiyah axisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

dhinca kalena waxa uu sheegay inaanay meesha oolin wax muddo kordhin ah in loo sameeyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, marka la gaadho 29-ka October 2009, taas oo uu ku tilmaamay inaanay duruufihii sharcigu dhigayey ee muddada lagu kordhinayey aanay muuqanin.

Source:Haatuf